Sunday, May 31st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Siilaanyo oo shir jaraaid maanta markii ugu horeysay kaga hadlay xaalada dalka iyo muranka dooroshooyinka

Published on July 26, 2015 by   ·   No Comments

Madaxweyne Siilaanyo oo in mudo ahba is weydiinayey sababta uu uga hadliwaayey muranka mudo korhdinta iyo xaalada siyaasadeed ee uu dalku galay oo labadii sanoo u danbeeyay ay u hadlayeen madaxweynaha,  madaxweyne ku xigeenka, wasiirka warfaafinta, wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka madaxtooyada.  Madaxweynaha ayaa markuu qudabadan hoos ku qoran jeediyey ka baxay magaalada Hargeysa isagoo gobolada qaar booqasho ku soo maridoona,  iyadoo arinkan booqashada loo arko inay tahay teegeerodoon iyo kasbashada shacabka isagoo mashaariicna soo furidoona qaar kalana soo dhagax dhigidoona.  qudbadii madaxweynahu waxay ku bilaabantay:

silaanyo shjrid

Waxaan Salaan iyo hambalyo u dirayaa dhamaan bulshada Somaliland meel-kasta oo ay joogaan, Salaan qiimo badanka dib waxaa maanta ii qorshaysan in aan safar kooban ugu baxo dalka gudihiisa aniga oo ka war helaya una kuur galaya mashariic horumarineed oo kasocota meelo badan.
Indhawayd waxaa dhegahayga kusoo dhacayay mucaaradka oo ka hadlaya arimaha doorashooyinka, qaar ku hanjabaya inay qarankan burburinayaan iyo qaar ka hadlaya go’aankii guurtida ee ay dhawaan mudada ugu kordhiyeen, golayaasha qaranka ee dastuuriga ah.
Arimaha Doorashooyinka

Waxaan leeyahay anagu waanu diyaarinay wax kastaoo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haday tahay dhaqaale, Xeerar, Komishinkii maamulayey, dhamaan waanaga diyaar, waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka golaha wakiilada oo laga sugayo Gudoomiyaha golaha wakiilada. Wax kasta oo khuseeya maamulida arimaha doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka doorashooyinka waana ku ixtiraamaynaa, waanaka sugaynaa ee dhamaanteenaan la shaqayno marka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha u soo diyaar garowbo garoonka doorashada.

Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana layaab leh in gudoomiye C/raxmaan Cirro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimad aguurtida ,kuna fadhiyey 5 sanadoodoo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Ciro leeyahay kursigaaan ku fadhiyaana waa xaraan ka uu isagu ku fadhiyaan waa xallaal iyadoo guurtidun oo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korran yihiin,dhawaaqya daka soo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaan hadalo dhiif leh oo niyad jabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.

Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharcidal ku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.
Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee mfaadaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaan sanahay ,waana ixtiraamaynaa ka manaaanu bixinbalse, weli lama sharciyeyn waxaan aaanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraan dhirino.

Dawladaydu waa sharci, way jirtaa waanay, jiri doontaa waxaana xil ka igala wareegi doona dawlad lasoo doortay oo sharci ku timaada. Dalkana masuuliyadiisu anagayna saran tahay, Cid kasta oo sharciga gudub marta oo iska indhatirtaa waxaanu kaqaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan oo aanay mahadin doonin cawaaqib keeda.

Waxaan bulshada Somaliland kula dardaarmayaa isku duubnida, illaalinta nabad gelyada iyo inay gacmaha isu, qabsadaan,horumarka dalka.

 
,, ,,,.