Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Muusooday Hummaag Uu Wasiir Waran-cadde Ka Marag Furay burburkii UDUB Oo Lagu Hoga-tusaaleeyey KULMIYE Iyo Halka Geedigiisa Lagu Furayo

Published on September 28, 2015 by   ·   No Comments

Hargeysa (Hubaal)- in ka badan afartan xubnood oo kasoo jeeda waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha Sacad Muuse ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad naqay dardar-gelinta hawlaha qabsoomida shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo muddayntiisa ay kutilmaameen tallaabo hore loo qaaday si natiijo looga gaadho doorashada musharraxa Madaxweynaha xisbigaasi uga qayb galaya doorashada. Odayaashan oo  kulan saacado badan qaatay  habeen hore fiidkii Madaxweynaha kula yeeshay  qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa ay ka qayb galeen siyaasiyiin, Madax dhaqameed, aqoonyahanno iyo xubno golaha wasiirrada ka tirsan oo dhammaantooda kasoo jeeda beesha Sacad Muuse, waxaana halkaasi laga jeediyey hadallo kaftan huwan oo nuxurkoodu ku qotomo xaaladda siyaasadeed ee Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna xisbul xaakimka.

 

Xubno kamid ahaa ka qayb galayaashii kulanka habeen hore ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay in  xubno ka mid ah odayaasha ka hadlay madashaasi ay mahadnaqa kasokow ay madaxweynaha u soo jeediyeen talooyin ku saabsan aayaha xisbiga iyo  in laga bedbaadiyo dhabbihii uu maray xisbigii bahweynta UDUB. Mas’uulka ka midka ahaa ka qayb galayaasha shirka ee HUBAAL u warramay ayaa sheegay in Xuseen Rodol oo ka mid ahaa xubnihii beesha  metelayey uu madashaasi ka jeediyey khudbad nuxurkeedu hogatus ahaa, taas oo la sheegay in nuxurkeeda uu Madaxweynuhu ka muusooday.  Hadallada Xuseen Rodol waxaa ka mid ahaa sidan “Mudane Madaxweyne dalkan abaal  badan baad ku leedahay, Xisbigan KULMIYEna Tacab badan baa kaasoo galay oo abaal baad ku leedahay KULMIYE oo ma jeclid in uu dumo iyo  in uu meesha ka baxo toona. Waxaa kale tacab  badani kaasoo galay oo aad muddo dheer soo hogaaminaysay ururkii SNM oo la ogaa halka uu ku dembeeyey markii dembe,”.

Sidaasi ayuu yidhi Oday Rodol waxaana uu intaa ku daray “Md. Madaxweyne Xisbigan Xoog badan baad gelisay Annagana Lexejeclo ayaa naga haysa, sidaas darteed waxaad ka war qabtaa in Xisbigii UDUB ee bahweynta ahaa uu si fudud saaxadda uga baxay, oo Jug-soo-dhacay nin la odhan jiray [Xog-hayihii guud ee UDUB] baa wax laga saaraa inuu baaba’o. sidaas darteed waxaanu kuu soo jeedinaynaa in xisbiga KULMIYE-na, yaan Jug-soo-dhacyo kale baabi’in  ee ha kala soocnaadaan kii maanta yimi iyo kii ilaa aasaaskii xisbiga joogay oo  yaanay isku mid noqonin. Midda kale beeshani Md. Madaxweyne waa mid ballaadhan oo deegaan badan degta   meel kasta oo ay joogtona mabda’ ahaan  way midaysan tahay balse waqtiga ayaan saamaxayn in meel ay isugu timaado”. Hadalkaas ayaa xubnaha ka qayb galay shirku ay Hubaal  u sheegeen in madaxweynuhu ka garaabay oo uu aad ula dhacay.

Arrinta xusida mudan ee madasha ka dhacday ayaa iyana ahayd in wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde oo Madaxweynaha ku  wehelinayay shirka uu odayaashan ku qaabilay uu ka marag furay hadalka oday Xuseen Rodol  iyo hogatuska uu ku sameeyey dhabihii UDUB maray iyo sidoo kale baaxadda beeshan.

Waxaana wasiirka oo hadal kooban ku darsaday shirku uu isagoo ku halqabsanaya ajandaha madasha waxaa uu sheegay in uu wax badan ka yaqaanno beeshan oo uu ku soo dhex koray bari ilaa galbeed, “Madaxweyne Anigu waxaan ku dhashay Wajaale, yaraantaydii ilaa intaan gaashaan qaadka noqdayna waan ku dhex koray deegaannada beeshanna aad baan u kala aqaannaa oo waa mid ballaadhan” sidaa ayaa uu yidhi wasiirku.

Xubnaha kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiirrada Beeraha Maxamed Aw Daahir Ibrahim, Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo wasiirro kale. Gebogabadii Kulankaasoo  bilowday fiidkii socdayna ilaa saacaddu markay ahayd kow iyo tobankii habeennimo ayaa Madaxweynaha iyo xubnaha la kulmay waxaa ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto danta xisbiga iyo ka midho dhalinta kaalinta uu qaranka kaga jiro maadaama oo uu yahay xisbul xaakimka dalka hoggaamiya.

 

Source: Hubaal Media

 
,, ,,,.