Sunday, May 31st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Arimaha Dibada oo sababay in laga reebo weftigii Madaxweynaha

Published on September 29, 2015 by   ·   No Comments

Tan iyo intii gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilanyo isla garteen la qabto shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye 10ka November ayaa waxa is soo tarayey muran ka dhex abuurmay madaxweynaha iyo wasiirkiisa arimaha dibada Maxamed Biixi oo isagu ka biyo diidan is afgarashada laga gaadhay in qabashada shirka golaha dhexe ee xisbiga isla markaasna la sheegayo in madaxweynahu taageero weyn u muujiyey musharaxnimada Muuse Biixi.    Madaxweyne Siilaanyo  ayaa sida la sheegayo aad uga sii cadhooday ka dib markii uu duufaan siyaasadeed oo reeraysan oo aanu filaynin madaxweynahu uu ku soo kiciyey wasiirku laba hebeen ka hor.

Wararku siday sheegayaan wasiirka arimaha dibada oo ka mid ahaa markii hore weftiga madaxweynaha ayaa laga reebay oo lagu wergeliyey inaanu raacaynin weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha halkiisiina lagu bedelay wasiirka madaxtooyada Xirsi xaaji Cali Xasan.

Waxa la saadaalinayaa in muranka u dhexeeya madaxweynaha iyo xubno ka mid ah wasiiradiisa uu kor u sii kicidoono marka lagu soo dhowaado xiliga uu dhacayo shirka golaha dhexe ee xisbigu oo ku began 10ka November 2015.   Xubnaha la hadal hayo in dardartoodu dibada u soo baxdo waxa ka mid ah Wasiirka madaxtooyada oo hadii uu talaabo aanu madaxweynahu raali ka ahayn uu qaado sida la hadalhayo xilka waayidoona.

Dhinaca kale cabdicasiis Samaale oo waxyaabahuu ku waayey xilkiisii wasiirnimo ay ka mid ahayd musharaxnimada xisibiga Kulmiye ayaan ilaa intii xilka laga qaaday ka hadal qorshahiisii musharaxnimo isagoo halkiisii uu buuxiyey wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis

 
,, ,,,.