Sunday, April 30th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

Published on November 21, 2015 by   ·   No Comments

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu inyar furay uu is yidhi qooraanso.  Isla markiiba askartii maraykanka ayaa degdeg ku galay qolkiisii ka dibna rasaas baas ah ku furay meydkiisii oo markaa dhulka halkii uu ku dhacay yaala ka dib markii xabadii lala soo shiishay ay kaga dhacday madaxa iyadoo xaaskiisii iyo caruurtiisiina ay ag joogeen.

 

Warbixintan waxa qoray askari magaciis la yiraah Matt Bissonnette oo ka mid ahaa askartaas ka qaybqaadatay dilkii Bin Laden, isla markaasna ahaa ninkii xaqiijiyey inuu dhintay Bin Laden.

 

Askariga ayaa lagu eedeyey inuu jebiyey heshiiskii xafidaadii sirta ciidanka  oo uu saxeexay markii uu ka tegayey shaqada ciidankii uu ka tirsanaa bishii April ee sanadkan 2012ka. Isla markaasna wuxuu hanjabaado badan ka helay dadka lagu tilmaamo muslinka xag jira  oo fariimo qoraal ah inay dilayaan u soo mariyey dhinaca fariimaha internetka.

 

 

Askarigan ayaa isticmaala magaca Mark Owen.  Buugiisa ayaa wuxuu ku bilaabay maaha maalin fududu,  waxay ahayd habeen qudcur ah 1dii May 2011.  24 Asakarta loo yaqaano (US Navy Seals) ayaa ka baxay saldhigoodii magaalada Jalalabaad ee dalka Afgaanistaan iyagoo ku sii jeeda qasrigii uu ku dhuumanayey Bin Laden ee magaalo yar oo ka tirsan dalka Pakistan ee la yidhaah Abbottabad.   Askarta oo loo qaybiyey 3 qaybood ayaa waxa qaaday laba diyaaradaha qumatiga u kaca ee  ee loo yaqaan Black Hawk Helicopter.  Waanuna ka wada warhayney inuu Bin Laden halkaas ku jiro sidoo kale waxaan filaynay sidii dhacay inay gurigaas kula suganyahiin  dadka ay ka mid ahayeen Khalid, waa mid ka mid ahaa inamadiisa, Ahmed al-kuwaiti iyo ninkan walaalkii Abrar al-kuwaiti oo isagu ahaa ninkii u qaabilsanaa dhinaca boostada warqadah iyo wixii uu dirayo ama loo soo dirayo binu laden.

gurigii binladen

Gurigii lagu weeraray Bin Laden

Askarigan Owen ayaa ka warbixiyey sidii markii ay hawgalka guda galeenba ay dhibaatadu u soo wajahday hawshoodii ka dib markii ay helicopter ay saaraayeen ee uu ka mid ka ahaa ay la kulantay cilad farsamo ka dibna ay ku dhex dhacday gurigii bin laden dhexdiisii.  Qorshahayagii horena wuxuu ahaa in helicopter ka ay ciidamadu ay xadhko kaga soo daataan oo aanay  helicopter ku dhulka ku soo degin, laakiin qasab ay noqotay in qorshahaasi is bedelo.   Ka dibna  Helicoptertii kale ee qorshahu ahaa in ay askartu xadhkaha kaga soo boodaan guriga dushiisa sare ayaa askartii ku dejisay guriga dibadiisa hore ka dib markii ay aragtay helicopter tii kale oo dhacday oo dhulka fadhida.

 

Owen wuxuu sheegay in ay heysteen 30 daqiiqo oo keliya inay hawgalka ku dhamaystiraan taasi oo ay ku salaysnayd xadidkaa shidaalka ay helicopteradu sitaan.

 

Owen wuxuu sheegay in kooxdii askarta ee uu ku jiray ay iyagu u dhaqaaqeen dhinac guriga martida ee ka dhex dhisanaa deerykii weynaa ee ku wareegsanaa gurigii Bin Laden, waxayna ka warhayeen inuu halkaas ku jiro Ahmed al-kuwaiti iyo reerkiisii.  Isla markaasna waanu ka war helnay inuu na arkay markii aanu soo galnay deyrka weyn ee guriga.  Gurigani wuxuu ahaa meel aad u madow oo bilaa laydh ah, waxaana ku xidhnaa albaab weyn oo bir ah  iyo dusha sare ee albaabka oo muryad ah.   Owen wuxuu yidhi intaan jilbo istaagay albaabka dhinaciisa ayaan ku dhejiyey albaabkii birta ahaa qalabka lagu qarxiyo albaabad iyo meelaha xidhan.  Askari kalna wuxuu fuulay jaranjarta tagta guriga martida ama (gues house ka)  saqafkiisa sare,  markiiba waxa baas is daba joog ah laga soo riday gurigan dhexdiisa AK-47 oo markiiba burburisay muraayadii ka saraysay albaabkii weynaa ee xadiidka ahaa, rasaastaas oo diriqi uu kaga badbaaday asakarigaasi , laakiin gebigiisaba wax qariyey oo ku daatay jajabkii muraayadii ay xabadii baaska ahayd burburisay.

 

Askari ka mid ahaa kooxdayadii ayaa afcarabi ku dhawaaqay uu leeyahay Al-Kuwaiti dibada u soo bax iyadoo dhinaca kalana uu markaa  Owen sheegay inuu rasaas ku ridayey halkii ay xabadu kaga soo dhacaysay.  Markiiba waxa aayar la furay albaabkii guriga, waxaana ka soo baxday gabadh.   Owen wuxuu yidhi maadama ay meeshu ay ahayd meel madow oo ay isticmaalayeen muraayadaha habeenkii ciidanku wax ku arki karaan oo muuqaalka wax kaste ka dhigan cagaar ayaan arkay in gabadhu ay wax gacamaha ku hayso, markiiba waxaan ka shekiyey inuu yahay waxa ay sitaa bomb,  Markiiba waxaan gacanta saaray keebkii qoriga, anigoo shiishkana ku haya madaxeeda, daqiiqado yar gudahood bay ku dhiman lahayd, laakiin markii danbe ayaan gartay in wixii ay siday ahaa ilmo yar.  Al-Kuwaiti xaaskiisii waxay soo baxday iyadoo ilmo yar sida sedex kalana ku daba dhuumanayaan.  Weli Owen wuxuu shiishka ku hayaa gabadhan ilaa ay u sheegtay Al-Kuwaiti inuu dhintay oo rasaastii dhacaysay ku dhacday.

 

Markiiba albaabka waxaan ka arkay lugo dhulka jiifa dhinaca saqduudka ku dhow qolka hurdada. Owen wuxuu sheegay inuu dhawr xabadood oo kale uu Al-Kuwaiti meydkiisii ku dhuftay si uu u xaqiijiyo inuu dhintay.  Sidaasna waxaan ku hubinay in gurigii martida uu hada gacantayada ku jiro oo aan wax cabsi ahi inay nagaga iman karin.   Ka dib waxaan u dhaqaaqnay dhinacii gurigii weynaa ee uu ku noolaa Bin Laden.  Gurigan bin laden wuxuu u qaybsana laba qaybood,  dabaqa labaad iyo sedexaad ayay ku noolaayeen Bin Laden iyo reerkiisu, waxaanay lahaayeen albaab u gaar ah iyaga oo laga galo.

 

Owen wuxuu sheegay in kooxdii askartoodii uu hogaaminayo nin ku hawlgelayey magaca Tom loo diray inay galaan dabaqa kobaad ee gurigii uu ku jiray Bin Laden. Sidii gurigii hore ee lagu dilay Al-kuwait kanina wuxuu ahaa siduu u dhanyahay qudcur madow oo wax laydh ahi muu shidnayn, laakiin askarta waxa caawinayey muraayadahii ay xidhnaayeen ee ciidanku habeenkii wax ku arko ee loo yaqaano (Night Vission Goggles), waxayna arki karayeen luuq ama saqduud dheer oo labada cidhif ku kala leh albaabo la furi karo.  Ninkii noo qaabislanaa qori diiradlaha ayaa arkay nin madax  kala soo baxbaxaya qolkii koobaad ee noogu soo xigay oo ku yaalay dhinaca bidix ee saqduudkii dheera, askarigii baa shiishay oo toogtay ninkii madax albaabka kala soo baxayey,  ninkii wuxuu dib ugu noqday qolkii uu ku jiray.  Askartii markii ay gaadhay albaabkii qolkii ninku qoorta kala soo baxayey, waxay arkeen isagoo dhulka jiifa oo ay xabadii lala soo shiishay ku dhacday oo sakaraadkii la rafanaya, markiiba rasaas baas ah bay ciidankii ku fureen si ay u xaqiijiyaan inuu dhintay, wuxuu ninkaasi ahaa Abrar Al-kuwaiti ninkii qolkii hore lagu soo dilay walaalkii, waxa isku dayday inay badbaadiso xaaskiisii oo isagoo dhulka jiifa ku dul booday, laakiin iyadana askartii ayaa halkii ku dishay.  Qolka koonahiisa kale waxa isku urursaday gabadh iyo dhawr caruur ah oo ooyeyay.  Qolka waxa yaalay oo laga helay qori AK-47 ah, markiibana waxa rasaastii ka saaray Askarigii magaciisu ahaa Tom intii ay ciidanka intooda kale ku mashquulsanayeen baadhitaanka qolka intiisii kale.

 

Ka dib markii askari kale qarxiyey albaabkii birta ahaa ee naga xanibayey inaan u gudubno dabaqii labaad ee guriga, waxaan bilaabaabnay inaanu galno dabaqii labaad oo jaranjarooyin luuq dhuuban ku yaala lahaa.  Owen wuxuu yidhi waxaan gaadhay dabaqii labaad, waxaa ii muuqday  qof meyd ah oo qadaaadka u yaaala, dhinaca jaranjarooyinkii iga sareeyay ee u dhaxaysay dabaqa labaad iyo dabaqii sedexaad.  Qofka meydka ah ayaa noqday Khalid, waa mid ka mid ahaa Bin Laden inamadiisii, oo sidey u ekayd ku noolaa dabaqa labaad.

 

Owen wuxuu sheegay in ciidankii oo dhami soo gaadhay dabaqaasi oo ay isaga ku soo wada daba safteen jaranjartii uu sii fuulayey ee tegaysay dabaqii sedexaad, waxaanan u dhaqaaqay inaa gaadho dabaqa sadexaad mar hadii ciidan ku filan inay baadhaan dabaqii labaad ay i soo gaadheen. Waxaanan sii dhaafay meydkii Khalid oo dhulkii oo dhan ka dhigay wada dhiiga iyo qorigiisii AK-47 ee aanu isticmaalin.

 

Waxaan filayey buu yidhi dagaal adag maadaama had iyo jeer laga hadlijiray dad xidhan suunka la isku qarxiyo, laakiin mid ka mid ha labadii ilma Kuwaiti oo qudha ayaa rasaas yara riday.

 

Waaxaan ayaar ku sii soconaba jaranjartii dhuubnayed ee tegaysay dabaqa sedexaad,  ee aan u jiray xagii ugu saraysay ilaa 5 kaabadood oo keliya ayaa waxaan maqlaybuu yidhi qof ayaar  socoda sanqadhii kabahiisa. Markiiba ninkii noo qaabilsanaa qori diiradlaha ayaa arkay nin kolba madaxa ayaar albaab inyar furan kala soo baxaya oo eegaya wax meesha ka socda dhinaca midig ee saqduudkii dabaqa sedexaad meel aan sidaas ba nooga sii dheerayn, markiiba baas ayuu ku furay askarigii qofkii madaxa la soo baxbaxayey, laakiin maan sheegi karaynin in xabadaasi ku dhacday qofkaasi iyo inkale,  Ninkiina wuxuu dib ugu libdhay qolkii oo qudcur madow ahaa.

 

Waxaanu ayar aayar ugu sii soconay qolkii, qolkii markii aanu galnay waxaanu aragnay laba dumara oo ka dul ooyaya  oo dul taagan nin dhulka meel u dhow sariirta rukunkeeda  yaala.  Labadii dumarahaa tii yarayd ayaa soo booday markiibana labadoodiiba waa la qabtay waxaana la joojiyey meel koonaha qolka ah.  Owen wuxuu sheegay hadii gabadhaasi xidhnaan lahayd suunka la isku qarxiyo, askarigaasi wuu dhiman lahaa lakiin wuxuu badbaadin lahaa askarta intoodii kale.

 

Wuxuu sheegay Owen ninka dhulka yaalay inuu xidhnaa garan cad  oo gacmo gaab ah iyo surwaal.  Ninkan ayay xabadu kaga dhacday isha midig dusheeda. Isagoo dhiig badani ka baxay isla markaasina maskaxdii ka soo qubatay dhinaca midig ee madaxiisa, laakiin weli wuu sii yara noolaa oo wuu sii rafanayey.  Owen wuxuu sheegay in isaga iyo askari kale ay dhawr xabadood kaga dhufteen laabta ilaa uu dhaqdhaqaaii joojiyey ama uu dhintayba.

binladinbody

 

Sedex caruur ah ayaa qolka koonahiisa fadhiyey iyadoo ciidankii kamaadoosta ahaa baadhayaan laba qol oo yaryar oo ka sii dhex baxayey qolkii weynaa, ciidanka intiisii kalan waxay baadhayeen dhamaan dabaqii sadexaad intiisii kale si ay u xaqiijiyaan in aanay cidi ku dhuumanaynin.

binladenbed

Sariirtii Bin Laden

Owen wuxuu sheegay in isaga iyo askartii kale ay bilaabaan inay baadhaan meydkani ciduu yahay.  Ninkan wajigiisa waxa ku dhacday xabad isla markaana waxa guud ahaanba wejigiisii qariyey dhiig. Dalool baa ka muuqday ishiisa dushiisa oo ahayd halkii ay xabadu ka gashay oo sababtay in ay burburto ishiisii midig iyo laftii ka saraysayba. Sidoo kale waxa dilaacday laabtii halkii ay raasaastii badnayd kaga dhacday, guud ahaan meydkiisii waxa qarqiyey dhiigii ka baxay isaga, anigoo ku sii foorara maydkiisii ayaa waxa ii yimid askarigii kale ee magaciisu ahaa Tom, markaasbuu yidhi waxaan u malaynayaa in kani yahay wiilkeenii (Inankeenii).

Sababtuu Tom sidaas u yidhina waxay ahayd muu rabin in raadyahii ciidanka laga maqlo isagoon hubin hadii uu odhan lahaa kani waa bin laden, maadaama uu ogaa wax wal oo raadyaha laga leeyahayna in toos uu u dhageysanayey Madaxweyne Obama.  Markaa waxaanu rabnay in marka hore aan iska hubino intaanan warka gudbinin, hase yeeshee ninka meydka ahi wuxuu lahaa dhereerkii Bin Laden, isla markaasna wuxuu shabahayey sawirkiisii aanu sidanay ee nala soo siiyey. Asakartii waxay bilaabeen in dhiigii faraha badnaaa ee wejigiisii qariyey ay bustahii sariirtiisa saarnaa ay kaga masaxaan, markiibana ninkii wuxuu u ekaaday ninkii la raadinayey inkastoo uu noola muuqday nin ka da,a yar ninkii aanu raadinaynayney, gadhgiisii cirada ahaana wuu madoobeeyay.   Owen wuxuu bilaabay inuu sawiro ka qaado meydkii oo dhan iyo sawir intii madaxo oo keliya ah isagoo gadhka qabanay oo kolba dhinac u janjeedhinaya madaxiisa si aan sawiro uga qaado, waxaanan ka qaaday dhawr sawir oo kala duwan.

binadedoperation

Madaxweyna Obama iyo wasiiradiisii oo si toos ah u daawanaya sida uu hawgalku u socdo

 

Waxaan weeydiyay buu yidhi askartii kale ee ila socotay in ay indhahiisii ii kala qabtaan oo ay ii furaan si aan sawiro uga qaado indhahiisii oo muuqda, ka dibna kamarada ayaan aad ugu soo dhoweeyay oo aan ka qaaday sawir fiican. Asakrtii intii kalana waxay ku mashquulsanyahiin gurida computeradii, fiiyowyaashii, buugaagtiisii yaalay guriga, koox kalana waxay diyaarinayeen inay qarxiyaan diyaaradii helicopter ka ahayd ee deyrka guriga nagaga dhex dhacday.

 

Diyaaradii kale ee Black Hawk and CH-47 Chinook helicopters kii waxay u baxeen shidaal qaadasho meel noo jirtay 15 daqiiqo, waxaanay sideen ciidan dheerad ah hadii loo baahdo gurmad degdeg ah oo intaas hawada ayay ku jireen oo ay wareegayeen,  intaas ay wareegayeena waxa nagaga khasaarayey shidaal muhiim ah oo aan u baahan karno.  Wakhtiguna waxa uu ahaa muhiim oo wuu is gurayey.  Askari kale oo magaciisa lagu sheegay Walt waxa uu markiiba bilaabay inuu DNA ka qaado dhiigiisii iyo candhuuftii afkiisaba.  Waxa kale oo uu Walt isku dayey inuu irbad dheer oo ciidanka sirdoonka CIA du u soo dhiibeen uu kaga mudo lafta si uu DNA uga qaado dhuuxiisii, laakiin dhawr jeer markii uu isku dayey ee ay irbadii shaqayn weyday ayuu iska dhaafay.

 

Waxa loo baahday oo aan ka qaadnaybuu yidhi laba DNA iyo Laba qaybood oo sawiro ah oo la saaro midba diyaarad labada helicopter, si aan DNA gu u lumin hadii diyaaradaha mid la soo rido markay dib ugu noqonayaan Jalaalabaad oo ahayd saldhigii ay markii hore ka soo duuleen, is ta kale ee badbaaday looga helo DNA gii iyo sawiradii.

 

Dhinaca kalana ciidanku wuxuu weli isku dayey inay xaaskiisii oo dhaawac ka gaaray kuraanta hoose ee lugta ka xaqiijiyaan in ninkan meydka ahi yahay Bin Laden, laakiin beeno badan bay ku hadashay oo ay kolba tiraahdaa uun iyadoo ku sheegaysa waa Sheekh.  Ka dibna askari ayaa u tegay caruurtiisii oo markaa qolka dibada looga bixiyey oo dhamaantood amusan oo la fadhiisyey gidaarkana lagu sii jeediyey, askarigu intuu ku soo foorarsaday inan(gabar) yar ayuu ku yidhi waa ayo ninkani, yartan yari may aqoonin in been la sheego, markiibna waxay tidhi waa Osama Bin Laden.  Askarigii intuu dhoola cadeeeyay ayuu ku yidhi yartii ma hubtaa inuu yahay Bin Laden, yartii waxay ugu jawaabtay haa waa isagii. Askarigii intuu qolkii ku soo noqday ayuu soo jiiday labadiisii xaas mid ka mid ah intuu xoog u gilgilay ayuu u hanjabay, ayuu ku yidhi waa ayo ninkaas qolka hurdada yaalaa, Sidii uu u gilgilayey ayaa gabadhii bilowday inay ooydo iyadoo aad u cabsootay, markaasayay tidhi waa Osama. Askarigii oo ku qaylinaya ayaa ku yidhi waa Osama kuma isagoo gacant xoog u sii haya, markaasey tidhi waa Osama Bin Laden.  Markii ay heleen labadaas xaqiijimood ee yartii yarayd iyo xaskiisii ayay toos ula soo hadleen xaruntii laga hagayey hawlgalkoodii oo iyaguna u sii gudbinayey Madaxweyne Obama.

 

Askartii kale waxay ku mashquulsanayd inay baabiyaan wax wal oo muhiim ah oo laga heli karo hawgalkoodii, ayaa Owen siduu sheegay wuxuu arkay meydkii Bin Laden oo laba askari lugta jiidayaan oo ay jaranjartii ka sii dejinayaan oo ay sii jeedayeen ilaa helicopterkii. Qolki Bin Laden waxa laga helay qori iyo bastoolad laakiin midna xabado kumay jirin, Owen wuxuu yidhi waan la yaabay sida aanu uguba diyaar garoobin bin laden inuu is difaaco, marnaba qorshaha ugumay jirin inuu dagaalamo sida ka muuqatay guriga, inkastoo uu dadkii aaminsanaa figradahiisa ku dhiirigelinjiray inay xidhaan suunka la isku qarxiyo ama ay diyaarado ku dhuftaan dhismayaasha dhaadheer.

 

Owen wuxuu yidhi Meydkii Bin Laden waxa lagu riday bacda lagu rido meydka.  Dumarkii iyo caruurtiina waxa lagu xareeyay gurigii martida ee lagu dilay Al-Kuwaiti si aanay ugu dhawacmin markii la qarxinayey helicopterkii meesha kaga dhacday.

 

Owen wuxuu sheegay inuu raacay Black Hawk gii lagu qaaday meydkii Bin Laden sababtoo ah tani way ka fududeeyd helicopterkii kale ee waynayd ee CH-47 waxaana yarayd jaaniska lagu soo rido karo.  Owen wuxuu sheegay askartayadii mid ka mid ah ayaa ku sii dulfadhiistay meydkii Bin Laden oo yaalay cagahayga kuraasta Helicopterka.  Intii diyaaradu ku sii socotay afgaanistan hadana askartii waxay bilaabeen inay baadhaan meydkii Bin Laden laakiin wax cusub kamay helin, ka dibna askarigii wuxuu dib ugu noqday oo uu ku fadhiistay laabtii bin laden oo isaga kursi u ahayd ilaa afgaanistaan.  Owen wuxu yidhi inkastoo meydkii aanu sidano bin laden oo uu cagahayga hoos yaalo hadana waxaan dareemayey inaan ku dhacnay hawgalkii maadama wakhtigii naloo qabtay aanu dhaafnay, oo aanu halkii kaga nimid waxyaabo badan oo sir ah oo loo baahnaa.  Markii aanu gaadhnay xaruntii aanu ka soo duulnay ee Jalalabaad markiiba waxa meydkii la saaray gaadhi weyn buudhigiisii danbe, waxaana loo kexeeyey saldhigii weynaa ee maraykanku ku lahaa Kaabuul e Bagram.

 

Sarkaalkii hawgalka Afgaanistaan ka soo hageyay Jalalabaad Admiral McRaven ayaa na weeydiiyay buu Owen yidhi inaanu tusno wejiga meydka Bin Laden, waxanan ka soo jiiday bacdii ama baagii uu ku jiray meydkisiii ee saarnaa gaadhiga weyn, waxaanu ku soo dhacay dhulkii sidii kaluun (fish) dhintay oo kale ayuu dhulka ugu soo dhacay, intaan foorarsaday ayaan siibkii bacda furay, waxaana muuqatay in muuqaalkii jidhkiisii iyo wejigiisii isbedelay, bacda gunteedana waxa ka buuxay dhiig, markaas baan sarkaalkii ku idhi kani waa meydkaagii aad rabtay.

bindledenpict

Askartii oo meydkiisii isku sawirtay

Sarkaal Admiral McRaven wuxuu soo dul istaagay meydkiisii, Owen wuxu yidhi ka dibna wejigiisii baan kolba dhinac ugu jeediyey intaan qabtay gadhkiisii si sarkaalku u arko inuu yahay isagii, intuu uu sarkaalku ku sii foraray ee uu rabay inuu aad uga bogto inuu isagii yahay ayaa meeshee ciidankii kale ku soo buuqay oo la wada dul yimid meydkisii.  Sarkaalkii intuu ku jeestay mid askartayadii ka mid ah ayuu ku yidhi dherarkaagu hort imisuu ahaa ma 6-4, askarigii wuxuu ugu jawaabay waxaanu isku dherer ahayn Bin Laden.  Ka dib sarkaalkii wuxuu askarigii weydiiyay inuu ag jiifsado meydka si uu u qiyaaso inuu dhererkiisu saxyahay.  Owen wuxuu yidhi isku cabirka dhererka meydka inkastoo ay iska ciyaarciyaar ahayd hadana waxa shakiga keenay gadhkiisii cirada lagu ogaa oo madow ahaa. Inkastoo la hubay inuu meydkani yahay ninkii la raadinayey ee Bin Laden.

 

Warbixintan ayaa lagu soo gebogebeeyay in sheekadan buugani ay wasaarada gaashaandhiga maraykanku aad uga xanqaday markay ka warheshay in daabacaadii ugu horeysayba buugani ay soo baxday 575 kun oo buug oo ay suuqa galeenba laguna iibinayo buugiiba lacag ku dhow $40 doolar.   Gaashaandhigu waxa ay la socodsiiyeen ninka buuga qoray ee Owen, magaciisa saxda ahina yahay Bissonnette in la soo dacwayn karo maxkmadna la soo saaridoono hadii aanu si degdeg ah u joojin inuu sii wado daabacada buugan.

 

Waxa soo turjumay – Guled Abdi Sheekhaash – SDWO.COM

 
,, ,,,.