Wednesday, September 18th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Gabay: GEESI iyo GALLAD EEBBE – Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile oo gabay ku cabiray siyaasadda Kulmiye ka curatay

Published on October 29, 2015 by   ·   No Comments

Gabaygan oo uu curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile, wuxuu ka hadlayaa xaaladda siyaasadeed iyo tartanka ka dhex curtay xisbiga  KULMIYE, taariikhda iyo dadaalka uu u soo maray Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, deegaamada iyo gobollada taageeray guddoomiyaha xisbiga iyo abaalka uu sii gashaday, go’aanka Madaxweynuhu qaatay iyo guuldarrada ku timi raggii kale ee loollanka kula jiray.

Gabaygan oo abwaanku tiriyey dhawr toddobaad ka hor intaan qaraxan siyaasadeed ee weyni soo bixin kulmiye,wuxuu noqonayaa saadaal rumowday iyo guhaanka abwaanku sii arko.

Abwaanku wuxuu yidhi sidan:-

  1. Galladaada eebbow adaan, cidina gaadhayne
  2. Adaa dunida guudkeeda idil, nagu gargaaraaye
  3. Raxmaddaada gaar iyo mid guud, laga geyoonnayne
  4. Afartaasi  khayr gogol dhigiyo, guudmar kaygii dhe
  5. Imikana bal aan soo gelbiyo, middan la guuxaayey
  6. Libaax wuu yaqaan kii ganiyo, kii galladay waaye
  7. Geesina sidoo kale ayuu, garasho yeeshaaye
  8. Waxaad soo gignaataba rag waad, gudubtay xeeshiiye
  9. Waxaad gododka booraan qafilan, gees ka dhaafaysay
  10. Ama gagi abaar iyo cidladi, gaadada u jiiftay
  11. Ama aad galgalad iyo dagaal, jiidha guuraysay
  12. Ama gaajadaad golongalkii, caday gasiin mooday
  13. Gaawaytadoo madhan waxaad, gaasas carinaysay
  14. Guubaabadaad dhabar adayg, gawska u qaniintay
  15. Markay guushu dhalatiyo markaan, goonnida u soocnay
  16. Guurtida markaad dhagax dhigtiyo, gulufki yeedhaayey
  17. Galladani ninkii celin ayaa, gool cad kuu qaliye
  18. Waa godob nin muusow markani ,garab ka weydaaye
  19. Ninka guulwadeeyaa mar kale, maanka geli waaye
  20. Rag  gaashaan bir weeyiye kolkuu, guusha dhicinaayo
  21. Wuxuu gebi dhacleeyaba kolbuu, goolka dhalliyaaye
  22. Kama gaadho geed sare  nimaan, tacab ka gaadhayne
  23. Guul ooman waxa loo dhaxaa, geediyaal badane
  24. Guyaal badan waxaa loo maraa, guuro bahaleede
  25. Gidaar adag waxaa laga jafaa, gebi ku xeernaaye
  26. Gocondhiyo mar baa gaade badan, garab ku gooyaaye
  27. Gacan iyo gargaar niman lahayn, gudub ku eegaane
  28. Gurigood ba’ qaar badan marbay, kuu gabbinayaane
  29. Garta hadal la qaadaba marbay,kuu gafaayaane
  30. Wax ku guba hankaa oo goblama, geydha ladi weydo
  31. Geed sare raggii koray marbay, hadalka  kaa goyne
  32. Adoon galabsan eedayn marbay, kaa ganbinayaane
  33. Rag nimaad gunnaysaa marbuu, gaabis kaa noqonne
  34. Nimaad gurada saartaa marbuu, goonni kaa faqiye
  35. Ginni lacag marbay kaa duddaan, gabi masayr koode
  36. Gommadaha marbay kaa cunnaan, nacas gun weeyaane
  37. Gallad nimaad ka eegayn mar buu, geedsan kuu noqone
  38. Uu kuu garaabaa waxaad, garasho doontaaye
  39. Rag nin soo guddoonshaa yaqaan, noocyaduu gala’ e
  40. Gurgushaa sidii baad wax badan, gurada saartaaye
  41. Nin is gaabshay mooyee nin kale, gooha ladi waaye
  42. Nacas baa gol-nuuge nin raggii,  kaama gaabsada e
  43. Gaashaamo nimankaa degiyo, bananka gaaroodi
  44. Burco iyo galbeedkeeda iyo ceeri gudda heeda
  45. Gob weeyee halkii gole la yidhi, gobo’da hiilkooda
  46. Carroogay garaaceen wakaa, giidi soo kacaye
  47. Beer iyo yirroowiyo gar adag,  gaar usoo baxa, e
  48. Hadday gorof maggaabin hanbadaa, kalama guuraane
  49. Gadhwadeena talliyaan oggahay, oo gar qaad wacane
  50. Waxaa gocasho loo yidhi abaal, gudida weeyaane
  51. Alle geesi weeyiye intuu, kaahin garab joogay
  52. Ruug caddaa gu’ weyn baa raggii, seef la soo galaye
  53. Garaadkiisa oo saxa go’aan adag guddoonsiiye
  54. Gudgudaha sidii roob wuxuu, galowgu ooyaayo
  55. Ninka guuldaraystaa wadnuhu, gawda ladi waaye
  56. Gurmagoo in badan bay warmaha, nagu garaaceene
  57. Afartaa gam siiyaye midkale, idin garwaaqsiine
  58. Dadka guudka boorama degiyo, gacal wadaageena
  59. Iyaguba hadday gawda tahay, garab rag weeyaane
  60. Go’aankay mar qaataan haddana, kama gamiimaane
  61. Gunburaha raggaa hawd ka xiga, geella wada maalno
  62. Haantaba guntaa laga unkaye, gaadh ma kugu xeermay
  63. Girriyaad bankiyo geerrisiyo, guban ilaa saylac
  64. Wax la soo gucleeyaba markani, kuma gumeeyaane
  65. Saaxil kaama guurta e waxay, guddi abaalkiiye
  66. Ragga gobboladaa sool degiyo, geyiga buuhoodle
  67. Weligood nin geesiya agtood, gawrac laga giigye
  68. Sayidkii raggii goob la galay, ee gunnimo diiday
  69. Gumaysigi shisheeyaha raggii,  gamaska tuuraayey
  70. Gabbaad weeyi goortaad darwiish, soo galbinayaaye
  71. Cabdow goob xun kuma dhigo haddaad, garato taariikhe
  72. Afar kale waxaan guud mar idhi ,gacale waayaabe
  73. Anoo soo gunaanaday murtida, gees yar ka iftiinshay
  74. Waxaan uga golleeyahay nin raggi, wuu i maan garane
  75. Weligii rag waa goob xun joog,  galalaf weerkeede
  76. Geedkuba hadduu xidid adkayn, way gilgilayaane
  77. Gal dad liqa ul baa lagu deyaa, teer intaad geline
  78. Waa lagu gubtaa digo kolkay, dhamac guntii taalle
  79. Muujad guuxday doonidu marbay, kula gadoontaaye
  80. Gab intaanad soo odhan guntaa, laga sal gaadhaaye
  81. Lama guuxo xaajow adoo, sahan ku guurayne
  82. Hadduu geeddi niman kuu furayn, gibisha kuu saaro
  83. Goor danbaad ogaataa godkaad, qaladay goodow’e

Abwaan Sacad Axmed Xasan (Roodhiile)

Tel. 0634420532                     email: saadroodhiile@gmail.com

 
,, ,,,.