Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Warsaxaafadeed: Kulan hawleed oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo la yeeshay Madaxda sare ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Mac hadka Shaqaalaha Dawladda.

Published on November 25, 2015 by   ·   No Comments

WAR-SAXAAFADEED    –      Taariikhda: – 25/11/2015

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta (25.11.2015) Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Prof. Maxamed Mixile Boqore, Agaaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Mudane Xasan Aadan Geedi iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog. Madaxweynuhu wuxuu kulankaa war bixin iyo xog warran qoto dheer kaga dhagaystay saddexda masuul ee ugu sarreeya Hay’adda Shaqaalaha iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda. Saddexdan masuul waxay si faah-faahsan uga war bixiyeen wixii u qabsoomay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda sannadkan 2015-ka iyo waxa u qorshaysan labadan hay’adood sannadka soo socda ee 2016-ka.

silnykulan2

Ugu horayn waxaa kulankaa ka war bixiyay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Professor Maxamed Mixile Boqore oo soo bandhigay qoraal muujinaya wixii u qabsoomay Hay’adda Shaqaalaha mudaddii uu xilka hayey. Ugu horrayn Guddoomiyuhu wuxuu sharraxay qaabdhismeedka Hay’adda isagoo ku dheeraaday waajibaadka shaqo ee ay u hayaan Qaranka. Professor Mixile wuxuu kulankaa ku caddeeyay tirade guud ee shaqaalaha Dawladda oo dhan 15,273 (shan iyo toban kun iyo laba boqol iyo saddex iyo todobaatan) shaqaale ah.

silnykulan1

Sidoo kale, Guddoomiye Mixile waxa kale oo uu tibaaxay heerarka ama darajooyinka kala duwan ee ay shaqaalaha Dawladdu ku shaqeeyaan oo kala ah sida soo socota: 2491 qof oo ku shaqeeya darajada (A grade); 8161 qof oo ku shaqeeya darajada (B grade); 2231 qof oo ku shaqeeya darajada (C grade) iyo 2390 qof oo ku shaqeeya darajada (D grade). Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Prof. Maxamed Mixile Boqore waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay tirade shaqaalaha ah ee u qorshaysnayd in la shaqaaleeyo sannadkan 2015-ka oo ah 483 oo ay weli dhimantahay in la shaqaaleeyo 148 oo qof.

silnykulan4

Guddoomiyuhu wuxuu xusay isla markaana uu hoosta ka xarriiqay, si loo sugo tirada dhabta ah ee shaqaalaha shaqeeya inay Hay’ad ahaan bilaabeen kormeer ay xog ururin ku sameeyeen dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda si ay u helaan xogo dheeraad ah oo ku saabsan macluumaadka dhabta ah ee shaqaalaha. Hay’adda Shaqaaluhu waxa kale oo ay hawl-gal ka fulisay Xarumaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha qaarkood si loo cadeeyo shaqaalaha dhabta ah ee shaqeeya iyo tirada shaqaalaha qoran balse dhab ahaan aan jirin (caagleyaasha) ee ku jira shaqaalaha Wasaaradahaa iyo Hay’adahaa iyaga ah. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay qabteen ama soo saareen tiro kooban oo shaqaale ah oo ka tagay shaqada ama dhoofay isla markaana ay ka joojiyeen shaqadii una gudbiyeen Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka si uu arrintaa uga hawl-galo.

silnykulan3

Guddoomiyuhu isagoo ka duulaya aragtida ama hal-ku-dhegga ah: “Shaqaale Tayaysan ayaa Toosiya Qaran” wuxuu tibaaxay Barnaamijka Dib-u-habaynta Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda, waxana uu caddeeyay in hawl balaadhani ay haatan ka socoto. Waxa kale oo uu caddeeyay in Bangiga Aduunku uu ka caawinayo sidii wax looga qaban lahaa sharciga shaqaalaha, sanduuqa hawl-gabka, derejada iyo mushaharka shaqaalaha, dib u eegidda qaab-dhismeedka Hay’adaha Dawladda, dhisidda iyo kobcinta waaxaha shaqaalaha iyo qorshaynta ee Wasaaradaha, iyo tayaynta iyo tababaridda shaqaalaha Dawladda. Ugu danbayntii, Guddoomiyuhu wuxuu ku soo gaba-gabeeyay war bixin kooban oo uu si guud u dul-xaadiyey caqabadihii ka hor yimi muddadii uu xilka hayey.

Waxaa kale oo isna ka war bixiyay wixii u qabsoomay Machadka Shaqaalaha Dawladda Agaasimaha Guud ee Machadka Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog. Agaasimuhu wuxuu awar bixin kooban ka bixiyey taariikhda Machadka iyo sidii loo aasaasayi yo muhimadda uu u leeyahay kor u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta Shaqaalaha Dawladda. Agaasimuhu wuxuu sharraxaad ka bixiyay barnaamiyada Machadku bixiyo oo uu ku kala sheegay tababarro gaagaaban iyo tababarro heer Jaamacadeed ah. Agaasimuhu wuxuu xusay inay Sannadkan 2015-ka tababareen shaqaale tiradoodu dhantahay 534 oo ka faa’iidaystay barnaamijyada uu Machadku bixiyo.
Wuxuu kale oo agaasimuhu sheegay inay barnaamijyadaasi ka turjumayaan baahida aqooneed ee shaqaalaha dawladda. Agaasime Guuleed waxa kale oo uu xusay inay xidhiidh wacan oo qoto dheer la leeyihiin Jaamacadda Shaqaalaha ee dalka Itoobiya, isaga oo cadeeyay inay sannad walba shaqaale tiradoodu dhantahay 20 ay aqoon-korodhsi ugu diraan Jaamacaddaa si ay uga qayb qaataan barnaamiyada waxbarashada Jaamacdda heerka labaad (Master’s Degree). Ugu danbayntii Agaasimuhu wuxuu ku gaba-gabeeyey muhimadda ay Qaranka u leeday in la dar-dar galiyo barnaamijka dib-u-habaynta Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda, kaasoo ka taageeri doona in machadku uu balaadhiyo barnaamijyadiisa taasoo raad iyo saamayn toganba ku yeelan doonta shaqada iyo shaqaalaha.

Waxa kale oo isaguna kulankaa hadal kooban ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Mudane Xasan Aadan Geedi isagoo ka codsaday Madaxweynaha Qaranka in dib loo fasaxo shaqaalaynta, maadaama uu Madaxweynuhu arrinta shaqaalaynta bishii afaraad ee sannadkan dikreeto ku hakiyay, si loo hubiyo tirada iyo tayada Shaqaalaha Dawladda.

Ugu dambayntii, waxa kale oo isaguna kulankaa hadal kooban oo miisaaman ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda ku booriyey inay mudnaanta koowaad siiyaan hubinta iyo daba-galka tirada Shaqaalaha ah ee Dawladda rasmi ahaan ugu shaqeeya. Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu tibaaxay muhimadda ay Qaranka u leedahay isku dheelli-tirka shaqaalaha ee Gobollada dalka, waxana uu Madaxweynaha u soo jeediyey in la sameeyo guddi ay ka mid yihiin M/weyne/k/xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo SamSam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaha Prof. Maxamed Mixile Boqore si ay uga soo talo-bixiyaan arrinta shaqaalaynta tirada weli sannadkan 2015-ka dhiman in la shaqaaleeyo oo ah 148 oo qof.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Afhayeenka Madaxmweynaha JSL

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...