Wednesday, November 25th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti

Published on November 26, 2015 by   ·   No Comments

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr Sacad Cali Shire oo weli ku guda jira safar shaqo uu ku joogo dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku qaabilay Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada dalkaas ee Djibouti.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr Sacad Cali Shire oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee jaarka iyo saaxiibka ah ee iskaashiga dhinacyada nabadgelyada, bulshada, dhaqanka, ciyaaraha iyo isu socodka labada shacab ee walaalaha ah, waxana ka mid ah hadalladiisii, “Waxannu ugu tagnay Madaxweynaha Djibouti kulan salaan sharafeed ah “Courtesy Call” si fiican ayuu noo soo dhaweeyay oo noo qaabilay Madaxweynuhu. Waxannu uga mahadcelinnay soo dhawaynta iyo xidhiidhka labada dal iyo taageerada ay dawlad ahaan u fidiyeen Xafiiska Somaliland. Waxannu ka wada hadallay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga dhinacyada badan ee aan wadaagno Djibouti haddii ay tahay xagga nabadgelyada, haddii ay tahay xagga dhaqanka, dhaqaalaha, bulshada, ciyaaraha iyo guud ahaan iskaashiga labada wadan. Waxan u gudbiyay Madaxweynaha Djibouti salaam aan uga siday Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”

Waxa ku wehelinayay Wasiir Sacad Cali Shire kulankan Safiirka Somaliland u fadhiya Djibouti Danjire Maxamed Warsame Cali, Safiirka Djibouti u fadhiya Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Wasiirka Warshadaha JSL, Mudane Shucayb Maxamed Muuse ayaa laga wada hadlay

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr Sacad Cali Shire wuxu isla maanta la kulmay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda wadanka Djibouti Mudane Ilyaas Muuse Dawaale oo labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhka wada shaqayneed ee dhinaca hay’adaha maaliyadda iyadoo Wasiirku ka codsaday inay waxtaraan dhiggooda Somaliland oo ka gacansiiyaan dhinacyada muhiimka ee farsamada.

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha JSL, Mudane Shucayb Maxamed Muuse ayaa isaguna kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Qaybta Warshadaha oo hoos timaada islaWasaaradda Maaliyadda waxanay labada masuul ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ku yimi Djibouti iyo kulamada kala duwan ee illaa heer Madaxweyne ah iyo wasaarado badan ayaa u muuqda safar midho dhal ah oo faaiido badan ugu fadhiya danaha Somaliland guud ahaan xidhiidhka labada wadan ee Somaliland iyo Djibouti oo waxbadan waxbadan wadaaga.

 

Hore, waxa uu shalay la kulmay Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Djibouti, ka horna waxa casuumad ballaadhan oo soo dhawayn ah u fidiyay Wasiirka Wasiiro tiro badan uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Djibouti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kana mid ahaayeen Wasiirka Shaqada, Cabdi Xuseen Axmed, Wasiirka Cadaaladda Mudane Cali Faarax Casoowe, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta, Mudane Aden Xasan Aden, Wasiirka Kharashka, Mudane Boodeh Maxamed Rooble iyo sidoo kale, Danjiraha Djibouti u qaabilsan Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye, Ex-MP Antuwaan Miisheel iyo masuuliyiin kale.

Waxa iyana xusid mudan is bedelka weyn ee ka muuqda shaqada iyo hawlqabadka Safaaradda Somaliland ee dalka Djibouti ee uu hoggaamiyo Ruug Caddaa Danjire Maxamed Warsame Cali iyo doorka weyn ee Safiirka Djibouti usoo magacawday Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye uu ku leeyahay xoojinta xidhiidhka labada wadan isagoo haatan ku hawlan inuu xadhiga ka jaro shaqada Xafiiska Safaaradda Djibouti ku leedahay Somaliland.

Source: Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

26th Nov 2015

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...