Sunday, September 22nd, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Garabkii la baxay isbahaysiga Kulmiye oo u sii kala jabay Bari iyo Galbeed iyo Garabkii Bariga oo Burco maanta gaadhay

Published on November 26, 2015 by   ·   No Comments

Garabkii isbahaysiga musharaxiinta kulmiye ee uu hogaaminayey Wasiirkii hore ee madaxtooyada ee ku guuldaraystay inay ku tartamaan golaha dhexe ee Kulmiye dhexdiisa ayaa sida muuqata imikana u sii kala jabay garabka bariga iyo galbeedka Somaliland.    Arintana ayaa waxay soo shaac baxday ka dib markii koox uu hogaaminayo wasiirkii hore ee madaxtooyadu Xirsi Xaaji Cali Xasan uu soo gaadhay magaalada Burco iyagoon la soocnin saaxibadiisii ka soo jeeday dhinaca galbeedka Somaliland.    Kooxdan uu horkaxayo Xiris oo dhamaanka soo jeeda gobolka togdheer ayaa kala ah Xilidhbaan Waabeeye, Wasiirkii hore ee shaqada iyo arimaha bulshada Cabdi aw daahir iyo xildhibaan cabdicasiis Ducaale.xirsi1

Waxa dad tiro badan oo hayb ahaan loo  soo ururiyey lagu soo guray basas iyo baabuurta waaraadka ah ee xamuulka qaada, iyadoo is dhexyaaci hal qofina ku dhintay 4 qofna ku dhaawacmeen.    Wararku waxay sheegayaan inay ka cudurdaarteen inay xubnahii kale ee galbeedka Somaliland ka soo jeeday ay u raacaan kooxdan abaabulka rabta inay ka bilaabaan bariga, halka wararka qaarna sheegayaan inay labada garab isku awood sheeganayaan oo ay isku samaynayaan dhoolatus inay haystaan taageerada reeraha ay ka soo jeedaan iyagoo la sheegayo inay kooxda galbeedkuna arinkan kaga falcelindoonto inay tagaan gobolada Gebiley iyo Awdal oo ay tusaan saaxibadood cududa ay iyaguna ku haystaan galbeedka ay ka soo jeedan.

xirsi4Dad dhalinyaro u badan oo baabuur lagu soo guray

xirsi2

xirsi3

 
,, ,,,.