Tuesday, October 17th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Published on June 1, 2017 by   ·   No Comments

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami

caawi1

Nagala soo xidhiidh  Samafal@SDWO.COM

iftaar

caawi2 caawi3 caawi4

Waxaynu Guda Galnay Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan oo caan ku ah Cibaado iyo Camal Suuban..

Hadaba Haayada SDWO Relief Project markasta heegan waxay ugu jirtaa tabinta Wararka ay ku duugan yihiin xiisaha iyo xigmaddu waxaaney jeceshay iney markasta u gudbiso Akhristayaasheeda sharafta leh ee daafaha duniada jooga Fursad kasta oo ay ku heli karaan Libanta Aduunka iyo ta Aakhirba.

 Contact us:  Samafal@sdwo.com

iftaar

Haddaba waxaanu u soo gudbineynaa Akhriste kasta oo jecel inuu cid iftaar siiyo quudiyana dadka masaakiinta ah Fursadan dahabiga ah.

Haayada SDWO sidaad horeyba uugu barateen waxay ku caan baxday Taakuleynta dadka Tamarta daran ee ay ku geedaaman yihiin duruufaha nololeed ee aadka u adag, iyada oo Haayada qeybteeda Samafalka ama SDWO Relief  Project ku caan tahay jawaab celinta sadaqooyinka dadku la baxaan.

Akhriste haddii aad jeceshay inaad waalidkaa, Naftaada, Awlaadada, Oridaada, Sadaqo aad uula baxdo bisha ramadaan gaar ahaan Afurinta dadka Masaakinta ah iyo ka farxinta ayaanta ciida oo aad u iibiso qalab ama dhar Ajarkeedan aanu idinka baryeynu ineydun Alle ka heshaan nagala soo xidhiidh  Samafal@sdwo.com

4tii Ramadaan ee hore waxaanu si joogto ah maalinwalba afur u samaynayna dad danyar ah oo ku dhaqanaa xaafada daami.  Halka aan qoysaskalana aanu siinay raashin ay ku afuraan. 

Halku dhiga SDWO Relief Project waa: Daawanaayoow waa dadkaagii, Daawanayoow waa dalkaagii

 

Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo deeqaha, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com

 

 
,, ,,,.