Friday, August 18th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Published on February 20, 2017 by   ·   No Comments

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin inuu dhamaystirto waxbarashadiisii sare ee uu higsanayay. Xuseen waxa laga yaabaa in badan oo inaga mid ahi in aanay garanin maanta sababtuna waxay tahay taariikhdii sheegi lahayd oo aynu hilmaanay qoritaankeedii. Xuseen waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1965, wuxuuna dusgiga quraanka (malcaamada) ka dhigtay halkaas. 

dhagaxtur1

Dugsigiisii hoose wuxuu ka bilaabay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, ka dib markii marxuunkii dhalay Allah ha u naxariistee loo badalay gobolkaas. Dugsigisii dhexe waxa uu ka galay magaalada Muqdisho (Dusgiga Sheekh Madar), ka dibna waxa uu dhamaystay tacliinta dugsiga sannadkii 1981kii oo uu ka soo baxay Dugsiga Sare ee Banaadir.

Marxuun Xuseen markii uu dhamaystay dugsiga sare waxa uu door biday inuu ka bilaabo shaqadii qaranka halkii uu ku dhashay iyo magaalada Hargeysa oo in muddo ahba hiyigiisa ka dhex guuxaysay sidii uu ugu soo laaban lahaa. Waxaanu noqday macalin shaqo qaran ah oo ka dhiga Dugsigii Sare ee Gacan Libaax oo isla sannadkaas la furay (1981). Haddaba waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo ardaydii Xuseen ee fasalka 1aad ee dugsiga sare G/libaax, waxaanu noqday macalinkaygii Bayoolajiga.

Marxuunku waxa uu kala kulmay magaalada Hargeysa dareen ka duwan kii Muqdisho ka jiray wakhtigaas, waxaana hor lahaa kacdoonkii dadka reer Somaliland sida cad ugala hor yimaadeen taliskii nacabka ahaa ee Siyaad Barre. Waa wakhtigii la xidhxidhay dhalliyaradii aqoonyahanada ahaa ee loo yaqaanay UFFO. Waxaana bilow ahaa halgankii hubeysnaa ee dagaalyahankii SNM.

dhagaxtur

Maalintu waxay ahayd Sabti bisha February tahay 20, sannadkii 1982kii, waa maalin taariikhda iyo nolosha dad reer Somaliland wax wayn ka badashay oo raad weyn ku yeelatay, isla markaana ay shacbiweynaha Somaliland muujiyeen in la diidi karo yeeltii taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre. Aroorinimadaa dadka reer Hargeysa intiisa badan waxay u wada dhag taagayeen waxa ay ka yeeli doonto maxkamadii wareegi jirtay dhallintii UFFO ee la xidhxidhay. Magaalada dadku waxay u dareereen dhinaca maxkamada si ay u soo dhagaystaan dacwada been abuurka ah ee lagu soo eedeeyay nimankaa aqoonyahanada ahaa. Waxaan xasuustaa h ooyaday oo dhinacaa u sii dhaqaaqday laftigeedu aniguse waxaan tagay dugsiga maalintaas. Saacadu waa ilaa 11kii subaxnimo waxaanu ka soo noqonay sidaan u malaynayo xilligii nasashada (break time), waxa noo bilaabmatay xiisadii 4aad oo ahayd Bayoolaji. Macalinka xiisadan noo dhigayay waa marxuun Xuseen Cabaase oo aan ku xusayo qoraalkaygan maadaama uu ahaa mid ka mid ah macalimiintii i bilowday dugsiga sare.

dhagaxtur2

 Markay xiisadu meel dhexe marayso ayaa waxa na soo gaadhay dayaanka rasaasta iyo baabuur badan oo si xawaare ah dhanka faras magaalaha uga imanaysa. Qayladii ardayda iyo sawaxankii hoonka baabuurta ayaa is qabsaday markiiba, maanka ruux kasta oo naga mid ahaana waxa ku soo dhacday tolow sidey wax u dhaceen, waayo waxaanu wada ogsooneyn in maanta ay tahay maalintii maxkamada la keenayay dhallinyaradaas dhinbiisha u noqday halgankeenii ee UFFO. Talo meel noomay oolin laakiinse haddana dareenka waanu ka sinayn, hiyigana waxaa nu ku haynay in hubka kaliya ee aanu heli karnaa yahay dhagaxa oo miskiin caawiye aanu ciyaalnimadii ula baxnay. Fasalkii oo dhami mar kaliya ayaanu albaabka boobnay, Macalin Xuseen waxa uu isku dayay inuu yidhaa jooga laakiinse Allah ha u naxariistee isaga laftiisa ayaa dareenka nala wadaagayay. Dusgiga ardaydii ku jirtayna intooda badani waabay naga siiii horeysay oo dhinacaa iyo badhtamaha magaalada ayaanu u dhaqaaqnay si aanu ugala qayb qaadano ardayda iyo dadweynaha kale kacdoonka lagaga soo horjeeday xadhigii xaq darada ah ee lagula kacay qaar ka mid ah macalimiintayadii, aqoonyahano iyo dhakhtaradii magaalada qaar ka mid ah oo aniga shakhsiyan qalniin igu sameeyay dhawr bilood ka hor, kuwaas oo aan xasuusto sida ay naftayda u badbaadiyeen ee goor fiidnimo ah oo danbe iyagoo shaqada aan ku jirin haddana go’aansaday in ay qalniinkan igu sameeyaan. Daryanka rasaaska iyo dayaankeeda ayaa is qabsaday oo wixii rasaas dhacday malaha ruux nooli magaalada kuma hadhin ayuu is odhanayay ninkii joogay.

somali army

Maalintaas dadka intii wax noqotay ama la xidhay la isma tabin oo intii is ag joogtay ayuun baa iska war haysay. Nasiib darro, Marxuun Xuseen Cabaase waxa isla dharaartaa gacanta bidix kaga dhacday xabadihii askartu ay sida arxan darida ah ugu ridayeen dadka, waxayna xabadu ku haleeshay meel aan ka dheerayn dugsigii uu macalinka ka ahaa ee G/libaax, waa waddada xero jaadka sida aan u malaynayo. Dhaawacaas ka dib waxa loola cararay dhanka Cisbitaalka guud ee Hargeysa si loogu daweeyo, inkastoo shaqaalaha caafimaadku aanay yaraysan intii kartidooda ah in ay daaweeyaan marxuunka. Haddana waxa nasiib darro noqotay in ay cisbitaalka ka dhex ugaadhsanyeen dadkii ku soo dhaawacmay dhagaxtuurka askartii magacyada badnayd ee loo samaystay cabadhunta shacbiga sida Hangashta, NSS iyo kuwii Dhabarjabinta ee magaca xumaa. Marxuunka waxa dhakhtarka ugu yimid ciidamadaas qaar ka mid ah oo shaqaalihi i caafimaadka amray in ay gabi ahaanba ka joojiyaan daaweyntii Xuseen (Allah ha u naxariistee). Mid ka mid ah ardaydii ku booqatay marxuunka oo aan ka wareystay bal siduu ahaa markay dhakhtarka ugu tageen ayaa isagoo aad u murugaysay igu yidhi waxaan xasuusta wali waardhkii uu yaallay wuxuuna noo sheegay in xataa dhaymihiii ay ka tureen qolo Dhabarjabinta ahayd oo u sheegtay in ay danbi baadhayaal yihiin. Marxuunku waxa ka mid ahaa ereyadii uu ku yidhi ardaydaas dhakhtarka ugu tagtay Allah ha u naxariistee “Meel kulul ayay i dhigeen oo dheymihiina way iga joojiyeen, sayloonkii way iga tureen, gacantii waataa oo dirxi ayaa iga galay eegi kari maysaan si aanu u sii noolaanba Illaahay ayaa og”.

Allah ha naxariistee Xuseen sagaal cisho oo rafaad, xanuun, dhibaato iyo cago-jugleyn ah ka dib ayuu u geeriyooday dhaawacaa fudud ee gacanta bidix ka soo gaadhay oo haddaan nafta lagu silcin si dhib yar looga daaweyn lahaa.

Xuseen Allah ha u naxariistee waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo 17sanno markaa jiray, soona dhamaystay uun tacliinta dugsiga sare oo madi ah, hooyadii waxay umul aroortay isagoo 10jir ah. Aabbihiina waxa uu ka mid ahaa geesiyaashii saraakiisha ciidanka ahaa ee naftooda u huray dagaalkii xabashida iyo Soomaalida ee 1977. Waxa uu la dhashay marxuunku lix hablood oo 5 ka mid ahi degan yihiin dalkan Ingiriiska halka inanta kale ku nooshahay Somaliland. Marxuunku wuxuu ahaa ruux shakhsiyad fiican oo bashaasha dadkana aanay is diidin oo macaan, isla markaana ardaydu ay aad u jeclayd oo magac ku lahaa dugsiga dhexdiisa.

Haddaba inkastoo wixii Illaahay qadaray an ciddina oofin karayn haddana sida ay ula dhaqmeen ciidamadii taliskii cadowga ahaa ee Faqashtu isaga iyo dhigiisuba waxay qayb ka tahay taariikhda dayacan ee duuga ah, taas oo dadka reer Somaliland u taalla maanta in ay wax ku qaataan oo xafidaan si aan baritoole dadka kale been uga sheegin ama ugu gabraaran oo aanay guullahooda u afduubin. Waxaana hubaal ah in ay haddii aynu qorno taariiikhda oo derisno aynu kaga badbaadi karno mashaakilaad badan oo qaarkood wakhtigan xaadirka ahba ina haystaan.

Taariikhda maalintaas iyo wixii dhacay oo faahfaahsan qoraalka kaliya ee laga hayaa waa buug cusub oo dhawaan uu qoray mid ka mid ah ardaydii dugsiyada ee wakhtigaas, kaas oo markii aan akhriyay igu baraarujiyay in aan baadi doono taariikhda macalinkaygii Allah ha u naxariistee. Buuggana waxa uu si waadix ah uga sheekaynaya dhacdadii UFFO iyo kacdoonkii dhagaxtuurka ee ka bilaabmay Hargeisa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland 1982kii (A note on my teachers group: news report on an injustice.).

Illaahay naxariistii janno haka waraabiyo marxuun Xuseen Cabaase iyo intii la midka ahayd ee ku shahiiday kacdoonkii dadka reer Somaliland kala hor yimaadeen Askartii cadowga ahayd ee u adeegaysay taliskii Muqdisho. Maanta inteena noolna waxa la gudboon in aynu wax ku qaadano dhibtii iyo rafaadkii aynu u soo marnay soo dhicinta Maandeeq oo aynu ka waantowno wixii aynu isku seegnay nidaamadii tallada Jamhuuriyadii Soomaalida iskaga danbeeyay oo ay kow ka ahayd cadaalad darida iyo sinaan la’aantii jirtay.

 

Khadar Hassan Ali

 
,, ,,,.