Sunday, September 22nd, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Maxaa Ku Dhacay Wax-soosaarkii Beeraha Somaliland Rubuc Qarnigii Lasoo Dhaafay? W/Q:-Cabdi Qaadir Maxamed Ismaaciil

Published on June 25, 2016 by   ·   No Comments

Tan iyo markii somaliland xornimadeeda lasoo nooqotey wadankani wuxuu ku tiirsanayhay cuntooyin ka dibada laga soo dhoofiyoo inagoo haysa cimilada iyo ciida aduunka ugu wanaagsan iyo sidoo kale biyo inagu filan sanadkoo dhan. Waxaa hubaala in sanad kasta ay biyo aad ubadani galan bada, mudo yar kadib aynu ka cabo biyo la,aan iyo baad la,aan samaysa dad iyo duunyaba, taasina waxay ku tusaysaa maamul xumada iyo siyaasad la,aanta gaadhay in wax kayar boqolkiiba toban (10%) cuntooyinka wadanka lagu isticmaalo kala soo baxno wadankeena, inta kalena dibada laga soo dhoofiyo.

 ASKARI

Nolosha markabka saaran ee wadankeenu waa tan horseeday sixir bararka heerkii ugu sareyey gaadhey ee maciishada iyo lacagaha qalaad tasoo aaney muuqan siyasad cad oo uga taala madaxda qarankan hogaamisa sidii kor loogu qaadi lahaa wax soosaarka beeraha, xoolaha iyo kaluumaysiga ee wadanka.

Cuntooyinka dabada laga soo dhoofiyo waa kuwo tayadoodu lidato tasoo inta badan dhibatooyinka caafimaad ee wadanka kusoo badanayo sababta, majirto hayada hubisa tayada cuntoyinka wadanka la keenayo (quality control) iyadoo kanbani kastaaba uu cuntada usoo dhoofiyo si habaqla,a. cuntooyinka wadanka lagu isticmaalo waxaa laga soo dhoofiya qaradaha aduunka oo dhan sida Asia, America, Europe iyo Africa in taba ku darsoo tirada dadkeena waxaa lagu qiyaasaa ila 3000000 (seddex milyan oo qof), waxaa ku filan banankan midka mida oo sifiican loo beero sida (tuuyo, saraar, wajaale, qoolcadey ama aroori).

 

Dhibaatooyinka soo wajaha wax soo saarka somaliland

1.     Waxaan jirin siyaasad wanaagsan oo lagu maamulo(good policy) sidii aan wax ula soo bixi lahayn, oo lagu hago qaran kan rubuc qarniga jiray tasoo lagu maamulayo, laguna kala xadaynayo dhulka wax barista loo isticmalayo, dhul keymeed iyo xoolo daaqeenka. Ma jirto siyaasad lagu hago tayada siidhka labeerayo, sida loola dhaqmayo cudurada iyo cayayaanka markay dilaacaan, nooca caro nafaqeeyayaasha iyo cayayaan dilayaasha la isticmaalyo, sida laga faa,iidaysanayo tiknoolajiyada casriga ah iwm. Sidoo kale ma jirto siyaasad cad oo kala xadaynta waxsoo dajiinta iyo wax soo saarka dalka

2.     Mishiinada iyo qalabka beeraha (machinery and farm tools) mishiinada iyo qalabka beeraha lagu fasho waxay qayb weyn ka qaataan horumarinta wax soo saarka beeraha iyo sugida cuntada (food security)  iyagoo fududeeya hawl maalmeedka beeraha sida qodaalka, waraabka, shiniyeynta, haramaynta, goosashada, buufinta cayaayaanka iyo cudurada, samaynta dhamamka biyaha lagu keydsada iwm. Hadaba mahaysano mishiino iyo qalab ku filan oo aan beeraha ku falanaaa tan badalkeeda waxay lacag badan inagag baxdaa ibsashada baabuurta lagu raxaysto iyo shidaalkooda. Waxaad moodaa wasaradaha dalka geershayo baabuurta lagu xarayo.

3.     Aqoon la,aanta: in ta badan dad keena beeralayda waa dad aan waxna qorin wax na akhiriyin mana helaan tababaro kor loogu qaadayo xirfadooda aqooneed. Iyadoo taasi jirto ayaa dawlada somalilanda ay kasaartey manhajka dugsiyada sare madada Beeraha.

4.     Maalgalin la,aan (lack of investment) :  beeralayda dunidu waxay kab iyo daynba ka helaan dawladahood, ganacsatadooda iyo hayadaha calamiga iyo ku maxaliga ah waa nasiib daro in aaney beerlaydeenu helin xataa cid dayn siisa , iyagoo haya hawshii qarankani baahida iyo gumaysiga kaaga bixi lahaa, nolol fican iyo xornimana ku helilahaa.

5.     Wacyi galin la,aan (lack of awareness): wacyigalinta iyo dhiirigalintu waxay kalin wayn ka ciyaarta in beeraladu noqdaan kuwo markasta horumarayi wax soo saarka, majirto cid ilaa hada beeralayda ku dhiiri galiso  inay horumariyaan wax soo saarka dalka, waxaa meesh ka baxday doorkii wasaarada beeraha iyo bulshada inteeda kaleba.

6.     Wasarada beeraha oo aan haysan khuburo ka caawisa dhinaca horumarinta beeraha iyo wax soo saarka, oo ka tirsan wasaarada si fiicana loola xisaabtamo.(lack of experts)

 

Waa Qalinkii: Cabdi Qaadir Maxamed Ismaaciil

 (Cabdi Qaadir Askari)

Qaadiro101@gtmail.com

 
,, ,,,.