Friday, November 15th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Jaaliyada Somaliland ee UK oo kulan afur iyo casho ahayd uGu dabaal degtay maalinta 26ka June ee xornimadii Somaliland ka qaadatay mustacmarkii ingiriiska

Published on June 28, 2016 by   ·   No Comments

Jaalliyada SSUK ( Somaliland Society UK) ayaa bishan 26keedii xaflad si weyn loo soo agaasimey oo iskugu jirtay afur iyo casho ay ku qabteen  galbeedka magaaladaLondon habeenkan oo9 lagu maamusayey sannad-guuradii 56 ee ku beegnayd maalintii xornimadooda shacab weynaha reer Somaliland ka qaateen boqortooyadii Ingiriiska 26kii June 1960.

londonjune15

Munaasabadda waxa goob joog ahaa madaxda qaranka kana mid ahaayen Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Somaliland – Maxmuud Adan Jama, Safiirka Somaliland ee UK – Cali Adan Cawaale, La taliyaha Madaxweynaha ee Saxaafadda- Khadar Xasan Cali Gaas, Agaasimaha TV-ga Qaranka Somalilan – Cabdiraxman Maxamad Adan – Dhari, Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee SSUK – Cabdalla Salim, Aqoonyahan Cabdillaahi Qadaafi, Aqooonyahan Maxamad Baashe, suugaanyahan, Cumar Cabdi Cumar. Waxa kale oo munaasabadda ka soo qaybgalay kana hadlay madax ka socda saddexda xisbi qaran ee Somaliland iyo qaar ka mid ah jaaliyada London.

londonjune11

Cumar Cabdi Cumar oo ka sheekeynaya sidii uu uga qaybqaatay habenkii calanka la saarayey ee 26/6/1960

londonjune1

londonjune9

Suganyahan Cumar Cabdi Cumar ayaa ku dheeraaday kana sheekeeyey sidii dabaaldegii maalintaas 26kii June uu uga dhacay magaalada Hargeysa, isagoo goob jog ka ahaa kuna tilmaamay dadiisu inay ahayd ilaa 17 jir,  waxaanu ka mid ahaa dhalinyaradii maalintaas dabaaldega ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka boodaysay, isla markaasna gabayo iyo heeso uu ka tiriyey.  Waxaanu sheegay in dabaaldegu bilaabmay gelnkii danbe isagoo roob da,ayna cid ka dhaqaaqday aanay jirin oo lagu dhex damaashaadayey,  waxaanu sheegay in saacadu markay ahayd cabaaro 10kii habeenimo loo dhaqaaqay beerta xoriyada oo xafladii calan saarku ka dhacaysay, isagoo halkaas ka sheekeeyay sidii loogu kala horeeyay ee fanaaniintu heesaha uga qaadeen goobtaasi.

londonjune19 londonjune20 londonjune18 londonjune21 londonjune17 londonjune16 londonjune14  londonjune13 londonjune12  londonjune10  londonjune8 londonjune7 londonjune4 londonjune5 londonjune6 londonjune2 londonjune3

 
,, ,,,.