Wednesday, April 1st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

SDWO Relief Project oo Dharkii Ciida gaadhsiiyey 15 Caruura oo ka tirsan xaafada Daami ee Magaalada Hargeysa

Published on July 7, 2016 by   ·   No Comments

SDWO Relief Project ayaa maalintii ciidii sidii caadada noo ahayd aanu ciidsiinay 15 caruura oo ka mid ah danyarta xaafada daami.   Baaqyadii aanu soo gaadhsiinay bulshada ku xidhan SDWO.COM ee aanu ku wargelinay inay nagala qaybqaataan baraamijka sanadlaha ah ee SDWO Relief Project ee  Ka farxi Walaalkaaga baahan maalinta Ciida.

samafaleid1

Ilaahay ha ka abaal mariyee waxa na soo gaadhay $850  oo aanu dhar ugu iibinay $750,  15 caruura halka ay $100 nagu soo gaadhay sadaqada fidriga oo dhawr reer raashin ahaan lagu siiyey sida ay tahay nidaamka fidrigu,   Waxa kale o intii bishii Ramadan socotay na soo gaadhay $784 oo nagu soo gaadhay barnaamijkii isna sanadlaha ahaa ee Afuri walaalkaaga baaha oo aanu raashin kala duwan iyagana aanu ugu qaybinay qaar ka tirsan danyarta xaafada Daami raashin iskugu jiray Bariis, Sonkor Daqiiq, Saliid iyo timir ay kaga baxaan bisha barakaysa ee Ramadaan.  Lacagta bishii Ramadaan na soo gaadhay ayaa ahayd $1643 ilaahay dhamaan ha ka abaal mariyo intii u soo deeqday

samafaleid6

Waa sanadkii 4aad ee aanu labadan mashruuc fulino ee Afuri dadka danyarta ah iyo ka farxi walaalkaaga baahan maalina ciida

 

samafaleid2 samafaleid3 samafaleid4 samafaleid5 samafaleid7 samafaleid8 samafaleid9

Halkan hoose click garee wararkii deeqahii bishii barakaysnayd ee Ramadaan na soo gaadhay

Haayada SDWO Relief Project oo deeq raashin kale ah gaadhsiiyey qoysas danyar ah bisha Ramadaan markii 3aad

SDWO Relief Project  oo wajigii 2aad ee qeybinta raashinka Ramadaanta gaadhsiisay qoysas kale oo danyar ah

SDWO Relief Project oo deeq raashin ah gaadhsiisay Qoysas danyar ah ee xaafada Daami ee Hargeysa bisha barakaysan ee Ramadan darteed

Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo deeqaha, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com

Guled Abdi Sheekhaash – SDWO & SomalilandNews.net  Chief Editor

Email: Guled@sdwo.com

 

 
,, ,,,.