Tuesday, September 22nd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Warsaxaafadeed: Wasiirka Arrimaha Debadda JSL iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo DalkaMasar socdaal ugu baxay + Qorshaha Weftiga Wasiirka

Published on August 25, 2016 by   ·   No Comments

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire  ooo   socdaal shaqo ugu baxay dalk Masar  ayaa maanta gaadhy magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Debadda JSL oo ay ku weheliyan weftigiisa Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda, Mudane Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta Bariga Dhexe Mudane Fahmi Maxamed Qaasim ayaa saaka caabbaara 6;30kii subaxnimo lagu soo dhaweeyay Gagada Dayuuradaha ee Qaahira.

IMG-20160824-WA0003

Weftiga Wasiirka oo shalay gelinkii dambe ka ambabaxay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka helay dhiggiisa dawladda Masar, waxana kaga  horyimi  Madaarka Qaahira masuuliyin sarsare oo ka socotay  Wasaaradda Kharaajiga Masar  iyo xukuumadda dalkaas oo soo dhaweeyay weftiga.  

IMG-20160824-WA0004

Mudada uu ku suganyahay weftigu Qaahira waxay kulamo muhiim ah la qaadan doonan  dhinacyo kala duwan oo ay ka midyihiin  Wasiirka Arrimaha Debadda  Masar  Mudane  Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada  sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.

Ujeedada safarka ee weftiga Wasiirka Arrimha Debadda JSL ayaa qayb ka ah  sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga dhinacyada badan ee labada wadan ee Somaliland iyo Masar

IMG-20160824-WA0001

 

Source:  Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL

Hargeisa,  Somaliland

24th August, 2016

 
,, ,,,.