Saturday, July 4th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xukuumadda Oo Go’aamo Ka Soo Saartay Goobaha Codbixinta Woqooyiga Hargaysa Ee Uu Muranku Ka Taagan Yahay

Published on August 28, 2016 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO.com): Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku dhawaaqday in dib looga bilaabayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha lix goobood oo ku yaalla woqooyiga gobolka Maroodijeex, goobahaasi oo uu muddo dheer ka taagnaa muran u dhexeeya beelaha Awdal iyo woqooyiga Maroodijeex.

toon

Wasiirka cusub ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha saacado yar uun ka dib markii uu xilka wasiirnimo la wareegay, ayaa sheegay in xukuumadu ay wareegto ka soo saartay lixdaasi goobood.

Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu tilmaamay in xukuumadu ay qodobo ka soo saartay goobahaasi, isla markaana dhawaan la gayn doonno sanduuqyadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

t2

Wasiirka oo arrimahaasi faahfaahinayay-na waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan idiin sheego wareegto ka soo baxday xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha masiirka codbixinta ee degaamadda lixda ah ee woqooyiga Hargaysa. Wareegtadaasi waxay odhanaysaa:
In aanay lixdaasi goobood meel-na raacaynin, ee keliya ay ka qayb qaadanayaan doorashadda madaxtooyadda ama madaxweynaha lagu dooranayo.

Qodobkaasi haddii aan faahfaahiyo, waxa weeyi goobahaasi dadka codbixiyeyaasha ah ee iska diiwaangeliya, waxay codaynayaan oo keliya doorashadda madaxweynaha. Balse codkoodda kuma bixinayaan ama la aqbali maayo doorashooyinka golaha Wakiiladda iyo goleyaasha degaanka marka la gaadho.

Qodobka labaad: in aan doorashooyinka Wakiiladda iyo goleyasha degaanka laga geli doonin ilaa inta go’aan cad laga gaadhayo halka ay raaci doonaan. Ilaa masiirkoodda go’aan laga gaadho, oo xadkoodda la cadeeyo, lagama geli doono doorashooyinka dawladaha hoose iyo golaha Wakiiladda”.

Waxa kale oo uu sheegay wasiir Faratoon, in aanay diiwaangelinta codbixiyeyaasha eek a dhici doonta goobahaasi wax saamayn ah ku yeelan doonin go’aan ka gaadhista lixdaasi goobood iyo kala-xadayntoodda.

Waxaanu yidhi “Waxaan cadaynayaa in aanay diiwaangelinta codbixiyeyaashu wax saamayn ah ku yeelan doonin go’aan ka gaadhista lixdaas goobood iyo kala-xadayntoodda”.

Ugu danbayn wasiirka ayaa amray ciidamadda booliska in ay ilaaliyaan nabadgeliyadda lixdaasi goobood, isla markaana waajibaadkoodda ka gutaan mudadda ay diiwaangelintu ka socoto.

toon

“Ciidanka booliska ee jamhuuriyadda Somaliland waxaa lagu wargelinayaa in ay ilaaliyaan nabadgeliyadda, isla markaana ka gutaan waajibaadkoodda qaran, mudadda ay diiwaangelinta codbixintu ka socoto lixdaasi goobood. Haddaba, waxaa la idin farayaa in aad hirgelisaan diiwaangelinta iyo dhigista sanaaduuqda lixdaasi goobood, ee kala ah: Hulka, Ceel-sheekh, Cabdi-geedi, Ceel-lahelay, Bidhaanlay, iyo Damasha”ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha.

Isku soo wada duuboo, lixdan goobood oo uu muddo muran ka taagnaa degaan ahaan gobolka ay raacayaan, ayaa amarkan xukuumadu ay ka soo saartay waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay marar badan walaac iyo cabasho ka muujiyeen madax-dhaqameedka gobolka Awdal, tan iyo markii uu soo baxay warka sheegaya in sanduuqyadda diiwaangelinta dib loo dhigayo goobahaasi.

Taasi oo ay ugu danbaysay in maanta ay xubno madax-dhaqameed reer Boorama ah ay xukuumadda ku eedeeyeen in haddii sanduuqayadda la soo dhigo goobahaasi in dawladu ay masuul ka noqon doonto wixii halkaasi ka dhaca.

Halka ay sidoo kale-na xukuumadda ku eedeeyeen in ay iyadu dabadda ka riixayso in coldaad ay ka dhacdo degaamadaasi.

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.