Friday, July 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

London: Shirweynahii Hoodaale ee beelweynta sacad muuse oo sabtidii ka dhacay galbeedka magaalada London

Published on August 29, 2016 by   ·   No Comments

Waxay Beel-weynta Sacad Muuse ee UK magaalada London ku qabsatay 27/08/2016 shirweyne balaadhan oo la iskaga kala yimid dhammaan magaalooyinka iyo gobollada dalka UK. Shirweynahaas oo loogu magac daray HOODAALE UK

ATT00002

Ujeedada shirku waxay daarnayd sidii loo dardar gelin lahaa taageerada musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo M/weyne ku xigeenka A/raxmaan C/lahi Saylici iyo guud ahaanba Xisbiga Kulmiye, looguna biirin lahaa muruq, maal iyo maskax intaba, meelna looga soo wada jeedsan lahaa hawlaha u diyaargarawga doorashooyinka soo socda.

ATT00000


Shirku wuxu ku dhammaaday guul iyo jawi qurux badan.

Shirkaa waxa ka soo baxay go’aano waafiya oo wax ku ool ah: Waxaa halkaa lagu magacaabay gudiyada kala ah:

A. Guddiga guud ee Siyaasadda Beesha SM
B. Guddi hoosaadka dhaqaalaha

C. Guddiga hoosaadka Abaabulka iyo wacyigelinta

D. Guddiga Musdambeedka

 

 

 

Waxaa shirkaa qudbado dhinacyo badan taabanaya kasoo jeediyey Odayaasha, Dumar  Aqoonyahan iyo wax-garad ku hadlayey magaca bulshada magaalooyinka iyo gobollada UK ee Bristol, Manchester, Birmingham, Coventry , London , Sheffield iyo Leicester.

 

 

Tixraac

 

Guddiga Siyaasadda SM UK

 
,, ,,,.