Wednesday, September 18th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Af-hayeenka Cusub Ee Madaxtooyadda Oo Xilkii Kala wareegay Af-hayeenkii Hore+Daawo Sawirradda

Published on August 30, 2016 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO.com): Wasiiru-dawlaha wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Maxamed Muuse Abees, ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyay af-hayeenkii hore ee madaxtooyadda gar-yaqaan C/raxmaan Sheekh Cilmi faahiye (Shamax), iyo af-hayeenka cusub Eng. Xuseen Aadan Cige (Dayr).

111

123

Munaasibadda xil wareejinta oo ka qabsoontay xafiiska warbaahinta madaxtooyadda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda Wershedaha Shucayb Maxamed Muuse, oo halkaasi hadallo ka jeediyey ayaa ku dheeraaday aqoonta iyo kartida ay labadaa afhayeen ee isbedelay u leeyihiin shaqada Afhayeenimo.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha habmaamuuska Madaxtooyada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi) iyo Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada, Saacid Cabdi Ciise, waxanay iyaguna iska daba maray wada shaqaynta ay hore ula soo yeesheen labadan afhayeen ee xilka kula kala wareegayey maanta.

shamax

Af-hayeenkii hore ee Madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) oo khudbad ka jeediyey munaasibada xil wareejinta waxa ka mid ahaa hadaladiisa” Waxaa xafiiskan la yidhaahdaa xafiiska saxaafada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, xafiiska uu afhayeenku madaxda ka yahay waa kaa, ma jiro haba yaraatee shaqo saxaafadeed oo ka baaqatay muddoa 7-bilood ahayd oonn anigu joogay haday habeen, gelin danbe iyo haday gelin hore soo dhacdo wax shaqo ahi waanad nagula xisaabtami kartaa.

Saxaafaduna waxay ku fiican tahay hal qodoboo iyadu dheriga ay kariso saxaafadu iyo shaqada ay qabato makhraati bay leedahoo hadaad igu tidhaahdo bishii saddexaad aad joogtay jaraa’idkii soo baxay soo saar si aan u garto inaad shaqaynayseen waan soo saarayaa markaa shaqo nagu baaqatay haba yaraatee ma jirto waana kaydsan yihiin qoraal iyo codba habeen iyo dharaar way kaydsanyihiin si mihnadaysan oo (Professional) ah.

Af-hayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa uu madaxweynuhu yidhi afhayeenka madaxtooyada JSL, baa la yidhaahdaa anigu waxan ku shaqaynayey intaan halkan joogay inaan noqdo afhayeenka madaxtooyada somaliland, Waxan annagu shaqaynay oo aan ku faanaynaa waa laga yaabaa shamax ma guuluu sheeganayaa maya gidaaro maanu dhisin annagu diyaaradana maanu kicin doonyana maanu kaxaynin, laakiin shaqadayadii uun baan ku faanaynaa in aan qabanay” .

“Madaxweynaha JSL wufuud baa u timaada dibada ka timada xafiiska afhayeenka oo waliba afhayeenka ayaa awood u leh shirka madaxweynuhu la gelayo diblumaasiyiinta shisheeeye waanu la geli jirnay waan kasoo warami jirnay warkaasna dadka annagaa gaadhsiin jirnay oo awood u lahayn keligayo hadaanu nahay xafiiska afhayeenka, waxa u danbeeyey masuulkii agaasimaha guud ee Inter Peace ahaa”.

“Waxaan ka qeyb qaadanay oo aanu iyadana caan ku noqonay heshiiskii ay dawladdu la gashay shirkada DP World, ayuu xafiisku aad uga shaqeeyey ilaa nin masuuliyiinteena ka tirsan oo halkan joogaa igu yidhi maalin markaan xasuusto DP World iyo heshiiska dhexmaray dawladeena xafiiska afhayeenkuna maskaxdayda wuu kusoo dhacaa sidaad wax uga qorteen taasna aad baan uga shaqaynay, waxa kale oo aan noqonay annagu halka war laga helo maadaama halkani halkii dalka ugu saraysay ay tahay meesha war laga helo ee ugu caansan dalka ayaan noqonay.

Waxa kale oo noo hirgalay xidhiidh wanaagsan oo aanu la yeelano saxaafadda oo noo hirgashay oo saxaafadu ma dhib yar, Insha Allaah waxaan rajaynayaa inaan noqonay kuwii xafiiskaa wax kusoo kordhiyey, siyaalaha aad xafiiska wax ugu soo kordhin karto waxaa ka mida waa inaad dadka shaqaalahaaga ah aad wax la raadsataa sidoo Capacty-ga iyo meesha loo dhisi lahaa hay’adda la yidhaahdo ASI tababaro ayey na siisay shaqaalahayaga ayey tababaro siisay afhayeenka xafiiska ayey tababar siisay waxana noo balan ahaa in tababaradaasi noo sii socdaan aadna waan ugu mahad naqayaa idinka hortiina”.

shahado

“Shaqada xafiiska afhayeenka waa afar iyo labaatanka saacadoodba tobadaba cishabada way shaqeeyaan goor walba waa lagu yeedhaya, goor walba shaqaa taala shaqadu aad iyo aad bay u badan tahay, shaqada xafiiska afhayeenku arrin kalena way leedahoo waa shaqo aad u xaasaasi ah ama madaxtooyadii ku diratay ayaa shaqaday kuu diratay ka gaabinaysa dabadeedna halkaa waxaa kaga soo kordhaysa culays ama Axsaabta mucaaridka ah dhinacooda culays kaga imanayaa oo kaa eed sheegan kara ama saxaafadda ayaa kaa eed sheegan karta, xafiiska afhayeenku madaxtooyadu waa meel markaan qiimeeyey anigu aad iyo aad u xaasaasi ah, dadbaa had iyo jeer jecel baan is idhi inay xafiiska ka hawl galaan laakiin waxaan ogaaday war la’aan baa col hoddee xafiiska shaqada taalla ayaanay ka warhaynin “.

“Haddii uu Shamax afhayeen wanaagsan ahaa nimankaa yar yar ee uu madaxda u yahay Naasir, waxaanu ahayn team aad iyo aad u fiican oo is fahmay, inta badan shaqaale iska yara masuul baan ahaan jiray waax baan xukumi jiray madaxtooyada horteed maan arag meel markaan soo galaba la yidhaahdo mudane ama (Sir), wada shaqayn fiican oo midnimo ah ayaa naga dhaxaysay runtii, shaqaalahaan wareejinayaa waa 13-qof kuwaasoo ka hawlgala xafiiska afhayeenka.

Waxa kale oo aan wareejinayaa saddex xafiis, hal gaadhi oo Laanguruuser (Land cruiser)ah ayaan wareejinayaa gaadhigaa waliba waan ku dhaadanayaa, waxaan imi iyadoo aan xafiisku gaadhi lahayn waxaan idhi gaadhigaa hala keeno sababtoo ah suuro gal may ahayn in shaqaalahayagu marka ay baxayaan madaxweyanaha raacayaan ama madaxweyne ku xigeenka inay gawaadhida kale raacaan” Af-hayeenkii hore ee Madaxtooyada JSL.

dayr2

Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo halkaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibada uu xilka kula wareegayey, ayaa yidhi “ Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka, waxaanan idiinka mahad-celinayaa ka soo qaybgalka Xafladdan Xil-wareejinta.

Ugu horraan waxaan M/weynaha Jam. Somaliland Mudane Ahmed Maxamed (Silaanyo) si mug iyo maamuusba leh ugaga mahad-naqayaa kalsoonida uu i siiyey ee uu mar kale iigu magacaabay Xilka Afhayeenka Madaxtooyada.

Mudanayaal iyo Marwooyin; sida aad la socotaan, muddo gaaban gudaheed waxa la iga bedelay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga waxana la igu soo celiyey Xilka Afhayeenka Madaxtooyada. Taa macneheedu maaha casilaad ama hoos-u-dhigid, aniguna qof ahaana sidaa uma arko. Dhinaca kale, beddelkaygu salka kuma hayo saluug, xil-gudasho la’aan ama dhalliilo xaggayga ka jira. Laakiin, duruufaha siyaasiga ah ee ka jira dalkeenu waxay u baahan yihiin maarayn, tanaasul iyo dulqaad. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in adiga lagugu ciiro, taasina ay ku jirto danta Qaranka iyo maslaxadda ummaddu, dabcan waxa wacan inaad muujiso bisayl iyo go’aan qaadasho siyaasi ah oo aad dan-wadareedka Qaranka kaga hor marinayso dantaada gaarka ah iyo hanka siyaasiga ah ee aad leedahay.

Mudanayaal iyo Marwooyin: Hadafka iyo himilooyinka siyaasiga ah ee aniga i hagaa kuma salaysna Kursi doon iyo Kala jeclaysi aan ku kala xulanayo masuuliyadaha Qaranka. Madaxweynuhu isagaa hore iigu magacaabay Xilka Af-hayeenka Madaxtooyada, isagaa ii gartay inaan noqdo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, haatana (wada-tashi iyo talo gelin uu Madaxweynuhu ii soo bandhigay kaddib) isagaa ii soo jeediyey inaan dulqaato, isagaana lagama maarmaan u arkay inaan noqdo Af-hayeenkiisa oo aan mar labaad ku soo noqdo Xarunta Madaxtooyada oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee laga hago hawlaha baaxadda leh ee Qarankeena.

dayr

Waxaan jecelahay inaan halkan ka xuso oo aan ka iftiimiyo, ka hor intii aanay soo bixin isku-shaandhayntu, Madaxweynuhu wuu ila tashaday, waxaanan u arkaa in uu i qiimeeyey oo uu i sharfay. Sidaa darteed, Madaxweynaha waxaan si milgo iyo qadarinba leh mar kale ugaga mahad-naqayaa kalsoonida iyo karaamada uu i siiyey ee uu dib iigu magacaabay inaan noqdo Af-hayeenkiisa. Waxaan leeyahay: “Madaxweyne si kalsooni leh ayaan ugu qanacsanahay talada aad ii soo jeedisay, si niyadsami leh ayaanan kaaga mahad-celinayaa fursadda aad i siisay inaan qayb ka noqdo legecy-gaaga iyo dhaxalka taariikhiga ah ee aad ummaaddaada uga tagayso.”

Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada iyo Muhimadda uu Qaranka u leeyahay Gudbinta dareenka, farriimaha iyo aragtiyaha Hoggaamiyaha Qaranka iyo Madaxda kale ee Xukuumaddu waa arrin muhiim ah oo u baahan in si qoto dheer oo miisaaman loo qorsheeyo loona gudbiyo. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyadu waa waax muhiim ah oo ka mid ah Xafiiska M /weynaha JSL. Waa barta laga hago isla markaana laga gudbiyo Xogaha iyo Farriimaha muhiimka ah ee ay Xukuumaddu hayso ee ay u gudbinayso bulshada, gudaha iyo dibeddaba.

Xafiiska Af-hayayeenka Madaxtooyada waxa la odhan karaa waa Codka Rasmiga ah ee ku Hadli kara Afka Xukuumadda, wuxuuna laf-dhabar u yahay gudbinta iyo hirgelinta wararka muhiimka u ah hawlaha Qaranka.

Haddaba, marka la eego baahiyaha waaweyn ee uu Qaranku u qabo in la helo Xafiiska War-baahinta Madaxtooyada oo tayo leh, waxa daruuri iyo lagama maarmaanba ah in dib-u-qiimayn, dib-u-habayn iyo dayactir dhammaystiranba lagu sameeyo qaab-dhismeedka iyo hannaanka hawl gal ee Xafiiska War-baahinta Madaxtooyada (xag maamul, shaqaale iyo xagga qalabkaba).

Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo dib-u-habayn lagu sameeyo tayadiisana la horumariyo, waxaan aaminsanahay inay horseedi karto:

1. In Xukuumaddu ay si sahal ah u gudbin karto himilooyinkeeda iyo hadafkeeda siyaasadeed.
2. In Xukuumaddu ay si kalsooni leh u difaaci karto guulaha iyo wax-qabadka ay ku tallaabsatay, bulshadana ay ugu fasiri karto si fudud oo ay fahmi karaan.
3. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo la tayeeyo wuxuu abuuri karaa jawi ku dhisan is-fahan iyo xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeya Xukuumadda, Shacabka iyo Saxaafadda, taasina waxay kor u qaadi kartaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan Xukuumada iyo nidaamka Dawliga ah.
4. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo la tayeeyo wuxuu Xukuumadda u sahli karaa inay gudbin karto xog urursan oo tayo leh oo dhinac u wada jeeda, oo aan lahayn hadallo is-burinaya, taasina waxay soo af-jari kartaa wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha laga fidiyo Xukuumadda.

5. Xafiiska Af-hayeenka/ Warbaahinta Madaxweynaha oo la hagaajiyo wuxuu suurto galin karaa in la ururiyo oo la isu-dubarido taariikh nololeedka mugga weyn leh, raad-raaca himilooyinka iyo aragtiyaha siyaasadeed ee Hoggaamiyaha, si dabadeed loo sameeyo kayd-taariikhi ah oo dhammaystiran oo ummaddeena u noqon kara dhaxal waara iyo bar-tilmaameedba.

Mudanayaal iyo Marwooyin; xilka iyo masuuliyaddu heer kasta oo ay yihiinba, maaha kuwa dhaliya ama keena isbeddelka loo baahan yahay!! Qofka xilka loo igmado ayaa ah ka la yimaadda isbeddelka looga baahan yahay in laga hirgeliyo hawshaa masuulka looga dhigay.

Guntii iyo geba-gabadii, anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, waxaan ballan qaadayaa in aan Xilkaa uu Madaxweynuhu ii igmaday aan u gudan doono sida ugu haboon. Waxa kale oo aan ballan qaadayaa inaan ku shaqayn doono isla markaana aan fulin doono hadafka iyo himilada ay leedahay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay M/weyne Ahmed Silaanyo taasoo ah in masuul kasta oo xil loo magaacabay, heer kasta oouu yahayba, uu la yimaado qorshe iyo jaangooyo cad oo uu ku beegsanayso horumar la taaban karo oo ummadda faa’iido u leh”.

abesss

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadlay soona Xidhay munaasibada xilalkiina u kala wareejiyey labadaasi masuul wasiiru-dawlaha madaxtooyada ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees.

Waxaanu yidhi “Masuuliyiinta uu ugu horeeyo wasiirka wershadaha Mudane Shucayb iyo masuuliyiinta kale ee ka soo qaybgalay munaasibada xilwareejinta iyo Agaasimeyaasha Madaxtooyada dhamaantiinba waxa aan idin leeyahay Alle Xafladan haynooga dhigo mid khayr keeda leh, Intaa ka dib maanta munaasibadani maaha sagootis ee waa soo dhawayn oo labaduba madaxtooyadii uunbay ka tirsan yihiin meel kale oo ay inaga tageena ma jirto ee hawshii uunbaa sidan laysugu kala bedelay, Deyr hadaan ku noqdo labadii xil ee uu marna afhayeenka ahaa marna Wasiirka ahaa.

Waxa ka weynaa xil kale oo aanu ku magacawnayn balse uu madaxtooyada uun la hayey kaasoo ahaa qoraa buu ahaa ninkani, saxaafadda caalamka mid dibadeed iyo mid gudeedba hawl adag ayuu halkaa ka hayn jiray oo aan anigu weliba qabo inuu kaga wada firfircoonaa labada masuuliyadood ee uu hayeyna oo nin ka muuqanayey uu ahaa, hawlahaa la aajigeed waa kuwa keenay maqaankan uu maanta taagan yahay uu yimaado, xuseen wuu ilaaway ee annagaa u xasuusinayna”.

13625393_1039386936175159_8690349302515899706_n

14068326_1039386852841834_930876587321103725_n

Waxaanu intaasi ku daray “Shamax Annagu waanu soo wada shaqaynay halkan uun kamaanu soo wada shaqayn uun aniga iyo Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirka Madaxtooyada annagoo niman dhalin yaro ah Baarlamaanka goodirka ayuu shamaxna saxaafadda joogay waa dhawr iyo toban sano ka hor markaanu xildhibaanada ahayn, wuxuu ahaa weriyeyaashii ugu firfircoonaa (Active)sanaa ee nala shaqaynayey wakhtigaa oo xaaladuhuna aad u adkaayeen colaado sakeeyana ay hurayeen oo ay hawshu adkayd.

Raggii nagala shaqaynayey ee saxaafada ugu dhiiranaa ee sida saxa ah u dhigayey wararka ayuu ahaa, Maanta Kow ima ah shaqadan maanta uu hayeyna nin aad u degan oo oday ah oo qiimi leh oo sidaa uu isaguba sheegay shaqaaluhu ay soo dhaweeyeen qof walibana waxa uu ku hawlgalaa dabcigiisa, wixii uu la yimaado ayuunbay dadkuna ku qiimeeyeen oo ay kula socdaan”ayuu yidhi Abees.

Isagoo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi “Goobtan aynu joognaa waa madaxtooyadii waxanan uga faaiidaysanayaa kelmed aan shaqaalaha dhamaantiiba leeyahay madaxtooyadu waa halkii dalkaba looga talinaayey Inanka iyo Innanta ka shaqeeyaa, shaqaalaha kale waxbay ka duwan yihiin waxay ka duwan yihiin haybad, sir wax la yidhaahna way ka duwan yihiin waana inay ogaadaan inay haybadii qaranka sitaan talaabadeedii iyo codkeedii in laga helaa meesha ayey ku jirtaa weliba waxan kula talinayaa goobaha ay marayaan iyo socdaalada ay soconayaan markaad madaxtooyada ka tagtaan waxad tihiin bartilmaameed la higsanayo.

Duruufaha siyaasadeed way wada adag yihiin waxa lagaa doonayaa inaad meel walba oo aad tegaysaa ku baydhsanaato oo ay qiimigeeda ku yeelato, sababtoo ah (For Security) ayaan anigu taa idinku sheegayaa.

14095704_1039386779508508_6394482516832712891_n

14095939_1039387809508405_3072507461920543233_n

Intaa ka dib waxan leeyahay wasaaraddan Madaxtooyadu deyrow kuguma cusuba, shamaxna waxa uu inoo tegay dhinaca sharciga oo uu muddo badanba uu ku jiray hadana uu master tii dhamaynaayo, afhayeenka cusubna waxan leeyahay xafiisku waa xafiiskaagi horena waad u soo maamushay maanta waad la wareegtay sidaa awgeed wakhtigu waa wakhti adag wixii xafiiskaaga ka dhiman waanu dhamaystiraynaa insha Allaa ”.

Dhinaca kale wasiiru dawluhu waxa uu shahaado sharaf ay ugu tallo galeen shaqaalaha Xafiiska Afhayeenku afhayeenkii hore ee xilka wareejiyey Mudane Shamax uu gudoonsiiyey.

DAAWO SAWIRRADDA:

1

2 222

111

14068326_1039386852841834_930876587321103725_n

14088520_1039387072841812_5365444458181474570_n

14089309_1039388409508345_6045175262378408442_n

14095704_1039386779508508_6394482516832712891_n

14095939_1039387809508405_3072507461920543233_n

14100288_1039388742841645_3402511393701181855_n

14102177_1039388676174985_6896687677136816125_n

14117680_1039386822841837_925251945634365937_n

14117747_1039387406175112_6106023778096127610_n

14117793_1039388589508327_567302096846459033_n

14117941_1039388522841667_4770777209750439184_n

14141496_1039388762841643_1321813552707076588_n

14141584_1039387006175152_1618268603275531516_n

14141948_1039387489508437_777428813166975095_n

14183672_1039387229508463_7022164945637095405_n

14183677_1039387982841721_6700814214320393905_n

14192045_1039388602841659_610405152935302002_n

14192046_1039386706175182_375643596235475857_n

14192601_1039386696175183_3950389942560324002_n

14192687_1039387536175099_3418420493449746879_n

14199289_1039387119508474_386977124213837752_n

14199561_1039387889508397_7928834372971782125_n

14202654_1039388682841651_7738971511169237866_n

14202766_1039387192841800_5803349801863405010_n

14203313_1039387102841809_8870806157907317802_n

14211989_1039387646175088_8233045686248059459_n

abesss

dayr

dayr2

sha

shahado

shamax

x d

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.