Wednesday, November 25th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Mahdi Cismaan Buuri Oo Beenisay In Biyo La’aani Ay Ka Jirto Berbera

Published on August 30, 2016 by   ·   No Comments

Hargasya (SDWO.com): Wasaaradda biyaha Somaliland ayaa beenisay in wax biyo la’aan ah ay wakhtigan ka taagan tahay magaallo xeebeedka Berbere, taasi oo la sheegay in mudooyinkii danbeeyay ay dadweynuhu ka cabanayeen biyo yaraan soo waajah-day.

vlcsnap-2016-08-30-18h44m53s960

Wasiir ku xigeenka wasaaradda khayraadka biyaha Mahdi Cismaan Buuri, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in aanay jirin wax biyo la’aan oo haatan ka taagan magaaladda Berbera, balse muddo kooban uu xidhmay Beebkii biyaha magaaladda uga keenayay degaanka Dubaar, isla markaana ay si deg-deg ah uga hawl-galeen kana shaqaysiiyeen.

Mahdi Cismaan Buuri, waxa uu tilmaamay in sababtii keentay biyo yaraanta maalmo kooban laga dareemay Berbera ay ka dhalatay kadib markii ay Xayaabo xidhay Beebka biyaha ka keena degaanka Dubaar oo ah halka ay biyuhu uga yimaadaan magaaladda Berbera, isagoo xusay markii danbe ay shaqeeyeen sidii beebkaasi xidhmay loo furi lahaa.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Ma jirto biyo la’aan khatar ah oo taagan Berbera, balse waxa jirta in Beebkii biyaha ee ka imanayay Dubaar ayaa Owd-may. Waayo marka uu Beebku muddo shaqeeyo Xayaab ayaa ku dhalanaya, Xayaabkiina waxa uu isku bedelayaa Shacaabi, Shacaabigaasina waxa uu marka danbe gaadhayaa in uu Beebkii xidho”.

ber

Wuxuu sheegay in markii lagu soo wargeliyay in Beebkii biyaha ka keenayay Dubaar uu xidhmay in ay markiiba ka hawl-galeen, iyadoo Beebkaasi uu hadda si caadi ah u shaqaynayo. “Markiiba waa la ila soo hadlay, aniguna waxaan la hadlay isu-duwihii wasaaradda biyaha ee gobolka Saaxil, isla markiibana wuu ka jawabay, waxaanan filayaa in arrinkaasi uu dhamaaday. Biyo la’aani may jirin ee Beebkaasi ayaa Oodmay, Beebkiina waanu furnay, biyihiina way shaqaynayaan imika”ayuu yidhi Mahdi Cismaan Buuri.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka biyaha waxa uu ka hadlay sida ay ka wasaarad ahaan xil weyn isaga saaraan in aanay mar qudha biyuhu ka gu’in magaaladda Berbera, maadaama oo ay tahay magaallo-xeebeed, isla markaana ay ka dhoofaan xoolaha.

Waxaanu yidhi “Dhawaan ayaan anigu tegay Berbera, waxaanan soo furay 180 guri oo uu madaxweynuhu amray in halkaa laga dhiso, kuwaasi oo ay fulisay dawladda hoose ee Berbera. Anaguna haddii aanu nahay wasaaradii biyaha waxaanu gelinay guryahaasi Beebkii biyaha siin lahaa.

Markaa wax biyo la’aan ahi maanta kama jiraan Berbera, mudnaantayadda koowaad-ba waa Berbera. Sababtuna waxay tahay, inagu waxa ugu badan ee aynu dhoofinaa waa Adhiga, halka Adhiga laga dhoofiyaana waa Berbera, xoolihii aynu dhoofinaynay-na waa Caws iyo biyo ku nool”.

Isagoo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi “Markaa haddii xoolihii la dhoofinayay ay biyo waayaan, ma suurto-gelayso in aynu dhoofino. Maxaa yeelay, inta Maxjaradda ku jiraan waxay u baahan yihiin biyo, marka ay xooluhu markabka saran yihiin biyo Sahay ah ayaa loo sii saaraa, sidaas darteed mar-qudha kama maar-mayaan biyaha”.

Isku Soo wada duuboo, hadalkan wasiir ku xigeenka biyaha ayaa ka danbeeyay kadib markii ay maalmahan dadweynaha ku nool magaaladda Berbera ka soo yeedhaysay cabasho la xidhiidha in aanay xaafado ka mid ah magaaladaasi wax biyo ah helin maalmo badan.

Waxaana jirtay in shalay ay idaacadda BBC laanteedda Af-soomaaliga baahisay war ku saabsanaa in magaaladda Berbera ay xiligan ka taagan tahay xaalad biyo la’aaneed oo aad u daran, iyadoo lagu jiro wakhtiga Xagaagga ah, isla markaana uu si aad u sii kordho kulaylku.

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...