Wednesday, November 25th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Suldaan Sabayso Oo U JAwaabay Madax-dhaqameedka Awdal

Published on August 30, 2016 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO.com): Suldaan Mawliid Cali Ibraahim (Sabayso), oo ka mid ah madax-dhaqameedka woqooyiga Hargaysa ayaa si adag ugu jawaabay hadallo maalmahan danbe ka soo yeedhayay cuqaasha gobolka Awdal.

ssss

Kuwaasi oo sheegay in aanay ogolaanaynin in diiwaangelinta codbixiyeyaasha laga qabto lix goobood oo ku yaalla woqooyiga Hargaysa, tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay xukuumadu ku dhawaaqday in diiwaangelinta laga qabanayo.

Waxaanu sheegay suldaan Sabayso in hadaladda xanafta leh eek a soo yeedhaya madax-dhaqameedka reer Awdal ee xaalad abuurka ah ay yihiin hadallo dadka sii kala fogaynaya, isla markaana colaad abuuri kara.

Suldaan Mawliid Cali Ibraahim (Sabayso), oo maanta shir jraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa waxa kale oo uu sheegay in uu xukuumadda ku hambalyay-nayo in ay dib uga qabato diiwaangelinta goobaha woqooyiga ee hore loogu muransanaa.

Waxaanu tilmaamay in haddii ay yihiin madax-dhaqameedka woqooyiga Hargaysa in ay xukuumadda ku garab taagan yihiin in si wanaagsan ay diiwaangelintu uga qabsoonto lixdaasi goobood.

sabays

Suldaan Sabayso, oo ka jawaabayay hadaladda ka soo yeedhayay salaadiinta reer Awdal, waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo qaylo dhaanta beryahan ka soo noq-noqonaysay gobolka Awdal. Waxaan leeyahay salaadiinta reer Awdal ee telefishanada ku wareeray, Somaliland waad ku faa’iideen ee rebashka yaraysta.

Xukuumadda-na waxaan leeyahay lixdii goobood ee gobolka Maroodijeex ka xayirnaa ee diiwaangelinta codbixiyayaasha laga qabanayo waanu idinku garab taaganahay, waanad ku mahadsan tihiin. lixdan goobood-na waa degaankayagii, waana nasiib daro in rag salaadiin sheeganayaa habeen walba yidhaahdaan dagaal ayaa ka dhacaya lixdaa goobood ee gobolka Maroodijeex ka xayir naa.

Sidoo kale suldaan Sabayso, ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedka reer Awdal in ay iska joojiyaan hadaladda colaadda iyo kicintu ka muuqato ee ay maalin walba warbaahinta la hor taagan yihiin.

“Suldaan, waa looga wanaagsan yahay in uu colaad abaabulo, waa looga wanaagsan yahay in uu waxaas oo kale ku hadlo. Lixdaas goobood xalay ayaan tegay, kuwaasi oo kala ah Cabdi-geedi, Ceel-sheekh, Ceel la Helay, Damasha Hulka iyo Bidhaanley”ayuu yidhi suldaan Mawliid Sabayso.

Suldaan Sabayso waxa uu la hadlay beesha Ciise, waxaanu yidhi “Qolada Ciise waxaan leeyahay Saylac, idiinkumaanaan qabsan, xuduudeenana waad garanaysaan iyo halkii inoo xad ahayd. Markaa waxaan leeyahay Ciise niman kaa reer Awdal idinka ayaa kiciyaye halkoodii nagaga celiya. Ciise-na wax gaar ah ayaa naga dhaxeeyay, laakiin reer Awdal waa baroortu Orgiga ka weyn”.

ssss

Si kastaba ha ahaatee, maalmahan danbe ayaa madax-dhaqameedka gobolka Awdal waxaa ka soo yeedhayay hadallo cunfi ka muuqdo oo ay ku eedaynayeen xukuumadda in ay degaankoodii siisay beel kale, isla markaana ay dawladu doonayso in dhibaato ka dhacdo goobahaasi.

Lixdan goobood ee hore muranku uga taagnaa ayaa la filayaa in 3-da bisha October ee soo socota ay ka bilaabanto diiwaangelinta codbixiyeyaashu.

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...