Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Turkiga Oo Somaliland Soo Gaadhsiisay 5000 Tan Oo Raashin Caawimo ah

Published on September 28, 2016 by   ·   No Comments

Berbera (SDWO.com): Markab sida c raashin aawimo ah oo dhan 5000 Tan oo ay dawladda Turkigu ugu deeqday dadkii reer Somaliland ee ay abaaruhu wax-yeeleeyeen ayaa maanta soo gaadhay dekadda magaaladda Berbera, iyadoo ay halkaasi kagala wareegeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

vlcsnap-2016-09-28-16h04m40s497

Cawimadan ay dawladda Turkigu soo gaadhsiisay Somalialnd ayaa ka danbeeyya kadib markii ay hore baaq qaylo-dhaan ah Turkiga ugu direen madaxweynaha Somaliland iyo gudiga abaaraha Somalialnd ee heer qaran.
Talaabadani oo noqonaysa in dawladda Turkigu ay ka soo jawaabeen baaqii ay hore Somaliland ugu dirtay.

vlcsnap-2016-09-28-16h11m52s266

Waxaana dawladda Turkiga caawimadaasi kagala wareegay dekadda magaaladda Berbera wefti uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo sidoo kale xubno ka socday gudiga abaaraha heer qaran ee Somaliland, maaluka dekadda Berbera iyo maamulka gobolka Saaxil.

safir

Geesta kale dawladda Turkiga waxaa halkaasi goob joog ka ahaa wakiilka Turkiga u fadhiya magaaladda Hargaysa Ambassador iyo masuuliyiin kale.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), ayaa sheegay in caawimadan ay dawladda Turkigu maanta soo gaadhsiisay Somaliland in ay ka danbaysay baaq ay hore ugu direen Turkiga xukuumadda Somaliland iyo gudiga abaaraha heer qaran ee Somaliland.

dibad

Isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaanu maanta dawladda Turkiga halkan kaga guddoomaynaa caawimo raashin ah, oo dhan 5000 Tan oo ay ugu deeqeen Somaliland dadkii ay abaaruhu wax-yeeleeyeen. Caawimadani waxay ka danbaysay baaqii qaylo-dhaanta ahaa ee ay hore dawladda Trukiga ugu direen gudiga abaaraha heer qaran iyo baaqii uu madaxweynaha Somaliland, xiligii ay dalka abaaruhu ka taagnaayeen.

Tanina waa baaqii oo ay ka soo jawaabeen dawladda Turkigu, taasi oo aanu aad iyo aad ugaga mahad naqayno dawladda Turkiga, farxad weyna ay noo tahay in aanu maanta ka gudoonno dawladda Turkiga caawimadani. 5000 Tan oo raashin ah ayay imika inoogu deeqeen, oo isugu jira Daqiiq iyo Sankor, oo loogu tallo-galay in la gaadhsiiyo dadkii ay baaruhu wax-yeeleeyeen”.

Axmed Aadan Kayse, waxa kale oo uu sheegay in aanay caawimadani ahayn tii u horaysay ee ay dawladda Turkigu caawimo soo
gaadhsiiso Somaliland. “Waxa kale oo ay dawladda Turkigu hore noogu deeqeen 5000 tan oo raashin ah, sanadkii 2013-kii ay soo gaadhsiiyeen Somaliland, iyadoo ay taasi ka dhigayso 10,000 Tan. Iyadoo ka dhigaysa ilaa hadda inta caawimo ah ee ay dawladda Turkigu ina soo gaadhsiisay”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda.

vlcsnap-2016-09-28-16h10m34s051

Dhinaca kale safiirka dawladda Turkiga u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargaysa Mr. Musafer, oo qayb ka ahaa wareejinta raashinkani mucaawimadda ah ee ay dawladda Turkigu ugu deeqday Somaliland ayaa sheegay in aanay ahayn markii u horaysay oo dawladda Turkigu ay caawimo noocan ah soo gaadhsiiso Somaliland.

Waxaanu tilmaamay danjire, Musayfer in dawladda Turkigu ay Somaliland kala shaqayn doonto dhinacyadda caawimadda, horumarka, arrimaha bani’aadan-nimadda iyo maal-gelinta.

Waxaanu yidhi “Waxaan halkan u joognaa dhamaanteen wareejinta raashinkan caawimadda ah ee aanu ugu tallo-galnay in aanu ku caawino walaalaheena reer Somaliland ee ay baartu wax-yeelaysay.

Waanu sii wadaynaa in aanu la shaqayno dawladda iyo dadka Somaliland mustaqbalka, ma aha oo keliya in aanu Somaliland kala shaqayn doono caawinta raashinka iyo arrimaha bini’aadan-nimadda, laakiin waxaanu kala shaqayn doonaa dhamaanba dhinacyadda kale, oo ay ku jiraan barnaamijyadda horumarinta, kobocinta dhaqaalaha, iyo sidoo kale maal-gelinta. Taasi waa mid naga go’an, waana mid masuuliyadayadda ah”.

vlcsnap-2016-09-28-16h54m27s007

Sidoo kale wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb, oo munaasibadii ay raashinka kula wareegayeen ka hadlay ayaa dawladda Turkiga uga mahad naqay caawimadan ay soo gaadhsiiyeen.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa dawladda Turkiga haddii aanu nahay xukuumadda Somaliland, caawimadan bini’aadan-nimo ee ay na soo gaadhsiiyeen. Waxaanu iska kaashan doonaa dawladda Turkiga dhinacyo badan”.

xigen

Badhasaab ku xigeenka gobolka Saaxil, Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indho-balac), oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa walaalaheena dawladda Turkiga oo mar walba na garab taagan, oo nagu caawiyo waxyaabaha daruuriga ah, sida raahsinka.

Ma aha markii u horaysay oo ay Turkigu ina caawiyaan, waxaanan leenahay sii wada caawimadda. Aad iyo aad ayaanu ugaga mahad celinaynaa dawladda Turkiga caawimadani ay na soo gaadhsiisay”.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay maareeyaha dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, waxaanu sheegay in ay dawlada Turkiga uga mahad naqayaan caawimadani ay soo gaadhsiisay.

Isku soo wada duuboo, ma aha markii u horaysay ee ay dawladda Turkigu cawimo noocan oo kale ah soo gaadhsiisao Somaliland, hase yeeshee waxaa jirtay in sanadkii 2013-kii xiligii ay dalka abaaruhu ka jireen in ay soo gaadhsiiyay 5000 tan, iyadoo tiradda mucaawimadda Turkigu Somaliland soo gaadhsiiyay ka dhigaysa 10000 Ton.

Inkastoo aanay haatan ka taagnayn Somaliland xaalad abaareed, hadana sida ay masuuliyiintani sheegeen raashinkan caawimadda ah ayaa loo qaybin doonaa dadkii ay baaruhu hore u wax-yeeleeyeen.

Hase yeeshee deeqdan ay maanta dawladda Turkigu soo gaadhsiisay Somaliland ayaa u muuqata mid ay aad ula daah-day, isla markaana ka habsaantay xiligii loogu tallo-galay ee ay dalka abaaruhu ka jireen.

1vlcsnap-2016-09-28-16h04m40s497

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...