Sunday, August 25th, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Taageerro Ku Socota Barkhad Jaamac Batuun Oo Isku Sharaxay Kursiga Madaxweyne Ku Xigeenka WADDANI

Published on September 28, 2016 by   ·   No Comments

ali-photo

Aniga oo ka mid ah taageerayaasha xisbigga WADDANI, waxaan si mugle u taageeraya Garyaqan Barkhad Jaamac Xirsi “Batuun?, oo ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay jagada Madaxwayne Ku-Xigeenimo ee xisbigga WADDANI, oo haatan ay kula tartamayaan 5 musharax oo kasoo jeeda Gobolka Awdal.

Mudadii uu xilalka kala duwan kasoo qabtay Xukuumadda Kulmiye iyo Xisbigga WADDANI, , Garyaqaan Barkhad wuxuu muujiyay karti iyo hufnaan, xilkasnimo dheeraad ah, wadaninimo iyo daacidnimo.

Waa geesi aan gaban iyo halyeeyay u heelan horumarka Somaliland.

Waa aqoonyahan garyaaqana oo hanan kara xilkaas. Waxaan ku boorinayaa dhamaan dhalinyaradda Xisbigga WADDANI , ergooyinka qurbajoogta iyo Gobolada kale ee Somaliland , inay codkooda siiyaan garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi “ Batuun”.

ali-photo

Ali Ibrahim Jaamac ,Toronto.

Alibrahim100@yahoo.com.

 
,, ,,,.