Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Maxkamadda Laascaanood Oo Bur-burisay Khamri Tirro Badan

Published on September 28, 2016 by   ·   No Comments

Laascaanood (SDWO.com): Maxkamadda gobolka Sool ayaa maanta xukuno ku riday laba nin oo ku eedaysnaa in ay ka ganacsanayeen maandooriyaha Khamriga, kuwaasi oo lagu soo qabtay hawl-gal ay dhawaan sameeyeen ciidamadda boolisku.

vlcsnap-2016-09-28-17h42m24s643

Khamrigaasi oo dhamaa 42 Litir, ayaa lagu bur-buriyay barxadda hore ee maxkamadda gobolka Sool, ee magaaladda Laascaanood, iyadoo loo soo qabtay Khamrigaasi laba eedaysane, kuwaasi oo ay maxkamadu ku xukuntay midkiiba saddex sanadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed.

vlcsnap-2016-09-28-17h42m56s503

Waxaana goobtii lagu bur-buriyay Khamrigaasi goob joog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool iyo bahda gar-soorka Laascaanood iyo sidoo kale taliyaha qaybta ee ciidamadda booliska gobolak Sool gaashaanle dhexe Ibraahim Jaamac Daad.
Gar-soorihii xukunkaasi riday, ayaa sheegay in eedaysaneyaashaasi lagu xukumay midkiiba saddex sanadood oo xadhiga ah. Waxaanu gar-sooruhu ka codsaday bulshadda in ay ciidamadda amaanka la soo socodsiiyaan cid kastoo ku hawlan in ay fasahaadiso dadka.

vlcsnap-2016-09-28-17h43m06s682

Gar-sooraha maxkamadda gobolka Sool oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Eedaysaneyaasha, midkiiba waxay maxkamadu ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah. Sidaas darteed waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in cid kasta oo isku dayda in ay dadka fasahaadiso, ama in ay amniga khal-khal geliso, waxaanu bulshadda ka codsanaynaa in ay u soo sheegaan ciidamadda booliska”.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Sool, ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Saaka, waxaanu halkan ku gubnay Khamrigii lagu soo qabtay labadda eedaysane. Waxaa nasiib wanaag ah oo aan hore taariikhda Laascaanood uga dhicin in hooyo wiilkeedii oo Khamri ganacsi uu ka ganacsanayay u keenay, si ay ugu qariso, in ay ciidamadda booliska u tagtay oo ku soo war-gelisay in wiilkeedii uu Khamri ka ganacsanayo”.

vlcsnap-2016-09-28-17h43m43s631

“Laba arrimood ayaan soo jeedinayaa: in la ganaaxo eedaysaneyaasha iyo gaadiidka lagu soo qabto Khamriga. In lacagta ganaaxa ah ee laga qaado dadka lagu soo qabto Khamriga in laga daayo qasnadda dawladda ee lagu shubayo, oo lagu dhiiri geliyo ciidamadda booliska ee arrimahaasi ka hor tegisteedda ku hawlan.

Loona siiyo dhiiri gelin askarta soo qabata Khamriga si ay askarta kale ugu daydaan. Taana waxaan ka codsanayaa maxkamadda gobolka”ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Sool.

vlcsnap-2016-09-28-17h43m50s181

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool, oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay tiradda Khamrigaasi iyo eedaysaneyaashii loo soo qabtay.

“Waxaa saaka lagu fuliyay xukunkii maxkamadda 42 Litir oo Khamri ah. Khamrigaasi oo ay soo qabteen ciidamadda boolisku, iyagoo kaashanayay qoyskii uu ka dhashay wiilkii doonayay in uu Khamrigani ka ganacsaddo. Waxaanan aad iyo aad ugu mahad celinaynaa waalidkii dhalay wiilkaasi sida ay isaga soo qabteen waxaasi xaaraanta ah ee gurigoodda lagu qarsaday” ayuu yidhi gaashaanle dhexe Ibraahim Jaamac Daad.

Dhinaca kale taliyuhu wax auu dig-niin adag u diray cid kastoo ka ganacsata mukhaadaraadka in ay la kulmi doonaan ciqaab adag, isagoo xusay in ciidamadda boolisku ay diyaar u yihiin sidii ay ula dagaalami lahaayeen joojinta ka ganacsiga mukhaadaraadka.

vlcsnap-2016-09-28-17h43m50s181

Gaashaanle dhexe Ibraahim Jaamac Daad, oo arrimahaasi ka hadlayay-na wax auu yidhi “Waxaan u soo jeedinaynaa guud ahaanba bulshadda gobolka Sool gaar ahaana kuwa magaaladda Laascaanood, waxaanu ka codsanaynaa in ay la soo socod siiyaan ciidanka booliska meel kasta oo ay ku arkaan in lagu iibinayo maan-dooriyaha Khamriga.Ciidanka booliskuna wuxuu u taagan yahay, in uu la dagaalamo mukhaadaraadka, gaar ahaana Khamriga iyo wixii la mid ah.

Kan maanta aan bur-burinayna waa kii u horeeyay, waxaananu u sheegaynaa cidii kale ee falkaasi u guddo jirta ama ku tallo jirta in ay samayso ama ka shaqaysata in ay ka tanaasulaan, hadddii kale-na ay mudan doonaan, lana kulmi doonaan, ciqaabtan oo kale ah iyo mid ka sii weyn. Intaasi waa dig-niin, dig-niintaasi ayaananu u sheegaynaa dadka mukhaadaraadka ka ganacsadda”.

vlcsnap-2016-09-28-17h43m53s788

vlcsnap-2016-09-28-17h43m54s578

Isku soo wada duuboo, waa markii u horaysay ee ay maxkamadda Laascaanood xukun noocan ah oo lagu fuliyay eedaysaneyaal lagu soo qabtay maandooriyaha Khamriga ay riddo.

Inkstoo maxkamadaha magaalooyinka kale ee dalka inta badan ay ka dhacaan kiisas dad ku eedaysan in ay Khamri ka ganacsanayeen lagu fuliyo.

DAAWO SAWIRRADA:

vlcsnap-2016-09-28-17h42m23s485

vlcsnap-2016-09-28-17h42m24s643

vlcsnap-2016-09-28-17h42m26s162

vlcsnap-2016-09-28-17h42m29s690

vlcsnap-2016-09-28-17h42m32s967

vlcsnap-2016-09-28-17h42m34s627

vlcsnap-2016-09-28-17h42m37s785

vlcsnap-2016-09-28-17h42m39s873

vlcsnap-2016-09-28-17h42m41s390

vlcsnap-2016-09-28-17h42m42s479

vlcsnap-2016-09-28-17h42m43s837

vlcsnap-2016-09-28-17h42m45s232

vlcsnap-2016-09-28-17h42m46s717

vlcsnap-2016-09-28-17h42m48s424

vlcsnap-2016-09-28-17h42m49s694

vlcsnap-2016-09-28-17h42m51s789

vlcsnap-2016-09-28-17h42m53s402

vlcsnap-2016-09-28-17h42m54s797

vlcsnap-2016-09-28-17h42m56s503

vlcsnap-2016-09-28-17h42m57s702

vlcsnap-2016-09-28-17h43m04s797

vlcsnap-2016-09-28-17h43m06s682

vlcsnap-2016-09-28-17h43m42s500

vlcsnap-2016-09-28-17h43m43s631

vlcsnap-2016-09-28-17h43m49s485

vlcsnap-2016-09-28-17h43m49s894

vlcsnap-2016-09-28-17h43m50s181

vlcsnap-2016-09-28-17h43m53s788

vlcsnap-2016-09-28-17h43m54s578

vlcsnap-2016-09-28-17h44m02s543

vlcsnap-2016-09-28-17h44m06s459

vlcsnap-2016-09-28-21h25m57s701

vlcsnap-2016-09-28-21h38m20s799

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...