Wednesday, November 25th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Badhasaabka Togdheer Oo Digniin U Diray Dhalinyarradda Ku Kaca Falalka Budhcadnimadda Ah

Published on September 29, 2016 by   ·   No Comments

Burco (SDWO.com): Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa sheegay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan kooxo dhalinyarro hubaysan ah oo khal-khal ku riday amaanka magaaladda Burco, isla markaana bulshadda ku dhibaateeya jidadka.

qq

Waxaanu badhasaabku digniin adag u diray waalidiinta oo uu ugu baaqay in haddii ay ilashan waayaan ubadkoodda in maamulka gobolka, gudiga nabadgeliyadda gobolka iyo hay’adaha amaanku ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Kooxahan dhalinyaradda shuftadda ah oo mudooyinkan danbe ku soo kordhay magaaladda Burco ayaa la sheegay in ay xaafadaha magaaladaasi ka gaystaan falal budhcadnimo ah, iyadoo baadhasho iyo dhibaatooyin kaleba u gaystaan dadweynaha.

kul

Maxamed Ibraahim Qabo, waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay laamaha amaanka ee gobolka Togdheer. Kulankaasi oo lagaga wada arrinsanayay sidii la isaga kaashan lahaa qorshena looga yeelan lahaa wax ka qabashadda kooxahan shuftadda ah eek a dilaacay magaaladda Burco.

amna

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay badhasaabka gobolka, taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdher, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Togdheer, taliyeyaasha saldhigyadda booliska ee magaaladda Burco.

Badhasaabka Togdheer ayaa ugu horayn waxaa uu baaq u diray waalidiinta, isagoo u jeediyay in ay ilaashadaan caruurtoodda. Waxaanu yidhi “Waxaa laga rabaa waalidiinta in ay ogaadaan meesha ay ka soo toosaan ubadkoodu, waxaananu uga digaynaa waalidka iyo caruurtoodaasi, tallaabo ayay dawladu ka qaadi doontaa, gobol ahaan, ka gudi nabad-geliyo ahaan, iyo ka maamul ahaan”.

Maxamed Ibraahim Qabo, waxa uu sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin lagu xakamaynayo dhalinyaraddan shuftadda ah. “Waxaanu qaadi doonaa tallaabo, tallaabadaasina ka farxin mayso in badan oo waalidiin ah. Waxaanu halkan u marinaynaa waalidka ilmahiisa hayn waaya, waa loo haynayaa, oo dawladda ayaa u haynaysa. Haddii aad waalidoow haysan waydeen ilmihiinii, anaga ayaa idiin haynayna.

Waxaananu idiinku haynaynaa in aanu tarbiyadiisii hore dib ugu soo celino, in aanu naas-nuujintiisii dib ugu soo celino. Waxaanu u haynaynaa in aanu dhibin dadka dariiqyadda maraya, oo aanu noqon qaadicul-dariiq”ayuu yidhi guddoomiyaha Togdheer.

1

Geesta kale guddoomiyaha gobolka Togdheer, mar uu faahfaahin ka bixinayay kooxahan dhalinyaradda ah iyo falalka ay gaystaan, waxa uu yidhi “Waxaa beryahan Burco ka dhaca, oo aan hore uga dhici jirin, in dhalinyarro aad u yar yar oo 20 jirro ah, oo waxbarta oo arday ah, inta ay Go dhigtaan dariiqyadda magaaladda Burco, in of kastoo soo mara dariiqaasi ay ku yidhaahdaan 2000 Shilling ku rid, oo ay dadka baad ka ururiyaan.

Mid wadaad ah, mid waayeel ah, hooyooyinka iyo hablaheenii, in ay ku yidhaahdaan 2000 shilling ku rid, hadddii kale halkaa dhaafi maysid, iyadoo ay dhacdo in qofka Saacadda uu xidhan yahay laga furto, ama wixii la doonno lagu sameeyo”.

Waxaanu intaasi ku daray “Socon mayso, caqli qal-na ma aha, in hablaheenii Dahabkii laga furto, oo Diriceedda laga furto. Dhalinyaradani waxa weeyi kooxo budhcad ah, oo sita Faashash, Soodhadh iyo mindiyo, oo dadka baqdin gelinaya, ayaa ka buuxa Burco.

Waxaanu uga digaynaa mar iyo lababa, waalidku waa ka koow, waxaanan leenahay ilaashadda oo haysta ubadkiina”ayuu yidhi Qabo.

b

Si kastaba ha ahaatee, magaaladda Burco ayaanay hore uga dhici jirin dhalinyarro kooxaha oo hubaysan falal dhibaayan ah in ay gudaha magaaladda ka gaystaan.

Inkastoo qaar ka mid ah magaalooyinka dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa in ay sidan oo kale uga jiraan dhalinyarro kooxo ah oo xiliyadda habeenkii baadhasho iyo dhibaatooyin kale kulak aca dadweynaha.

Khadar Cabdi Muuse

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...