Wednesday, April 1st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Siilaanyo oo magaalada Hargeysa ka furay wareegii 2aad ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland

Published on October 27, 2016 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayso Marwada koowaad ee qaranka Somaliland, Marwo Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde, iyo xubno ka mida golaha wasiirada, gudoomiyaha gobolka maroodijeex, maayarka caasimada, salaadiin, xildhibaano, iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa Madaxweynughu waxa uu si rasmi ah u furay wareega labaad ee tartanka gobolada dalka Somaliland.

ciyaaro3

Waxaana galabta lagu furay labada gobol ee Saaxil iyo Xaysimo oo soo bandhigay ciyaar ciyaar dhaaftay oo aad u heersaraysa kana muuqatay waayo aragnimo iyo degenaan ay muujiyeen ciyaar yahanadii ku sugnaa garoonku, waxaana ciyaarta qaybtii hore lagu kala nastay 3:0 ay ku hoggaaminaysay saaxil halka xaysimona aanay waxba keensan, waxa iyana xusid mudan in ciyaar yahanka numberka shanaad ama daafaca uga ciyaara gobolka saaxil uu qaatay kaadhka cas dibedana looga saaray ciyaarta, balse aanay u dhitin xulka gobolkiisa saaxil ciyaarta oo 1:0 ahna ay ka dhigeen 3:0, markii lagu soo noqday qaybtii labaadna waxa ciyaarta halkeeda ka sii watay gobolka saaxil oo gool afraadna u raaciyey ciyaar yahanadii ku ciyaarayey magaca gobolka xaysimo sidaasina wax ku soo dhamaatay guud ahaan ciyaartii lagu furay wareega labaad ee ciyaaraha gobolada Dalka Somaliland.

ciyaaro8

Xulalka Gobolada ku tartami doona wareegan labaad ayaa kala ah sidan:

1. Gobolka Sool
2. Gobolka Saaxil
3. Gobolka Xaysimo
4. Gobolka Sanaag
5. Gobolka Awdal
6. Gobolka Hawd
7. Gobolka Daadmadheedh
8. Gobolka Gabiley

ciyaaro25 ciyaaro24 ciyaaro23 ciyaaro22 ciyaaro21 ciyaaro20 ciyaaro19 ciyaaro18 ciyaaro17 ciyaaro16 ciyaaro15 ciyaaro14 ciyaaro13 ciyaaro12 ciyaaro11 ciyaaro10 ciyaaro9 ciyaaro7 ciyaaro6 ciyaaro5 ciyaaro4 ciyaaro2 ciyaaro1

 
,, ,,,.