Tuesday, June 2nd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Safaaradda Maraykanka Ee Kenya Oo La Xidhay

Published on October 28, 2016 by   ·   No Comments

Nairobi (SDWO.com): Safaaradda dawladda Maraykanku ku leedahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta xidhan, kadib markii shalay nin mindi ku hubaysan lagu dilay safaaradda horteedda.

usa-kenya

Waxaanay wararku sheegayaan in aan maanta la furin, isla markaana aanay wax shaqo ah qaban dhamaanba qaybaha kala duwan ee safaaradda, sida qaybta qunsuliyadda.

Talaadaasi lagu xidhay safaaradda ayaa ka danbaysay ka dib markii xalay lagu qoray bogga Internet-ka safaaradda Maraykanka ee Nairobi in hakad la gelin doonno shaqadda safaaradda ilaa 30-ka bishan, isla markaana aanay safaaradu wax shaqo ah qaban doonin marka laga reebo hawlaha deg-deg ah.

Dhinaca kale dilkii toogashadda ahaa ee shalay ka dhacay safaaradda hor teeda, ninkaasi la dilay oo ka hor intii aan la toogan tooray uu sitay ku weeraray nin ka mid ah booliska ilaaladda safaaradda.

Waxaana la sheegay in ninkaasi la toogtay uu toorayda ku muday askariga, kadib-na uu askari kale toogtay, kaasi oo doonayay in si qasab ah safaaradda gudaha ugu gallo.

Sida laga soo xigtay masuul ka tirsan booliska ninka weerarka ku soo qaaday safaaradda in uu u dhashay dalka Kenya. Gaar ahaana in uu ka soo jeedo dagaanka Wajeer.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda u jeedadda dhabta ah eek a danbaysay weerarkaasi, isla markaana midkood-na wax war ah kama ay soo saarin dawladaha Maraykanka iyo Kenya.

kennnn-as

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.