Wednesday, April 1st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xulka Awdal Oo 2 iyo Eber Ugu Awood Sheegtay Xulka Sanaag

Published on October 28, 2016 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO.com): Xulka gobolka Awdal ayaa 2 gool iyo eber kaga badiyay xulka gobolka Sanaag oo ay maanta ciyaartii wareega labaad ee tartanka ciyaaraha kubbadda cagta ee goboladda Somaliland oo ka socda garoonka Hargeisa Stadium.

xul-awdal

xsanaag

Ciyaartii ay galabta wada yeesheen labadda xul ee ka kala socday goboladda Sanaag iyo Awdal, ayaa ku bilaabantay xamaasad iyadoo ay qolo waliba isku deyaysay sidii ay xulka kale isaga difaaci lahay, isla markaana goolal uga dhalin lahayd.

Qaybtii hore ee ciyaartaasi markii ay muddo daqiiqado ah socotay ayaa xulka gobolka Awdal, waxaa u suurto gashay in ay hal gool ka dhaliyaan xulka Sanaag. Goolkaasi oo dhiirigelin iyo niyad wanaag sii geliyay dedaalkoodda.

Waxaana markii goolka koowaad ay dhashadeen xulka Awdal sawaxan iyo farxad ay ka soo yeedhay taageereyaashii garoonka ku sugnaa.

Intaas ka dib markii la isagu soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa labadda dhinacba waxay garoonka la soo galeen dar-dar cusub iyo ciyaar wanaagsan, hase yeeshee waxaa mar kale u suurto-gashay xulka ka socday gobolka Awdal in ay goolkoodii labaad dhashaan.

Goolkaasi labaad ee ay heleen xulka Awdal ayaa sii dhiiri geliyay ciyaartoodii, waxaanay bilaabeen sidii aan iyaga wax gool ah looga dhaliyeen, inkastoo xulka Sanaag laftoodu ay si aad ah ugu dedaalayeen in ay goolal ka dhaliyaan xulka ay wada ciyaarayeen.

Gebagebadii ciyaartaasi ayaa waxay ku soo dhamaatay 2 gool oo uu dhashaday xulka Awdal, halka uu gobolka Sanaag-na lahaa eber. Waxaanu xulka gobolka Awdal sidaasi kaga badiyay xulka gobolka Sanaag.

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.