Sunday, September 22nd, 2019
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xulka Gabiley Oo 2 iyo 1 Kaga Badiyay Xulka Daad-madheedh

Published on October 30, 2016 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO.com): Xulka gobolka Gabiley ayaa 2 gool iyo 1 kaga badiyay xulka gobolka Daad-madheedh oo ay maanta ciyaari ku dhex martay garoonka kubbadda cagta ee Hargaysa Stadium, oo ay ka socdaan tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland.

gabiley

madheedh

Labadda xul oo mid waliba uu soo bandhigay ciyaar wanaag iyo sidii uu mid waliba u heli lahaa goolal ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxa u suurto gashay xulka gobolka Gabiley in ay dhashadaan gool.

Iyadoo markii la gaadhay qaybta labaad ee ciyaartaasi ay hadana gool labaad dhashadeen xulka ka socday Gabiley. Goolkaasi oo uu u dhaliyay laacibka sida weyn loo yaqaano ee Cabdi Riyaad.

Hase yeeshee, intii lagu gudo jiray qaybta danbe ee ciyaarta ayaa waxaa u suurto gashay xulka gobolka Daad-madheedh in ay dhashadaan gool rikoodhe ahaa, kaasi oo ahaa gool ku laad ama waxa loo yaqaano (Penult).

Intaas ka dib ayaa xulka gobolka Daad-madheedh waxa uu wax ka bedelay ciyaarta, iyagoo bilaabay dar-dar cusub iyo dhiiranaan uu geliyay goolka ay heleen. Balse xulka Gabiley ayaa iyag-na ku dedaalayay sidii ay weerarka isaga qaban lahaayeen.

Waxa xusid mudan in Kabtanka xulka gobolka Gabiley oo lagu naanayso Dhay-lo’aad oo ahaa ninka ayaa dhaawacmay gebagebadii ciyaarta, kaasi oo laga dhex qaaday garoonka intii aanay ciyaartu dhamaan.

Si kastaba ha ahaatee, gebagebadii ciyaartaasi ayaa ku dhamaatay 2 gool oo ay dhashadeen xulka gobolka Gabiley iyo xulka gobolka Daad-madheedh ee leh 1 gool.

gggg

Sidaasina waxay guusha ciyaartii maantu ku raacday xulka Gobolka Gabiley.

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.