Sunday, May 31st, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Nuxurka War-qad Codsi Ah Oo Xisbiga WADDANI U Diray Wasaarada Cadaalada

Published on November 30, 2016 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO.com): Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa wasaaradda cadaaladda u gudbiyay waraaq codsi ah oo uu kaga dalbanayo in loo ogolaado in ay soo kormeeraan xabsiyadda dalka.

Talaabadaasi ayaana ka danbaysay kadib markii dhawaan warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International ku sheegtay in maxaabiista ku jirta xabsiyadda Somaliland ay tacadiyo la kulmaan, isla markaana ay qaarkood ku dhintaan halka xaaladda xabsiyadana ay ka dayrisay.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xisbiga WADDANI, kaasi oo saxaafadda loogu tallo-galay, isla markaana nuqul ka mid ah uu soo gaadhay shebekadda wararka ee SDWO.

Warkaasi qoraalka ahna waxa uu u dhignaa sidan:

Ku: Wasiirka Cadaalada JSL
Og: Komishanka xuquuqal insaanka Qaranka
Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Ujeedo: Codsi Kor-Meer Jeelasha Dalka

Mudane: Wasiir

Ka dib markii aanu aragnay war-bixintii hay’adda Amnesty intranation, ka soo saartay qaar ka mid ah xabsiyada dalka , annaga oo ka war-qabna dhacdooyinkii is-dabajooga ahaa ee ay ku jiraan dhimashadu dhawaan ka dhacday xabsiyada dalka, annagoo tix-gelin u hayna hawsha aad qaranka u hayso.
Waxaanu si milgo iyo maamuus leh kaaga codsanaynaa in aad noo ogolaato in aanu soo kormeerno muwaadiniinta maxaabiista ah ee xoriyaddooda laga qaaday ee ku jira jeelasha dalka, gaar ahaana magaalooyinkan

1)- Boorama

2)-Gabiley

3)-Hargeysa

4)-Berbera

5). Laascanood

6). Iyo Ceeriogaabo

Si aanu wax uga ogaanno xaalada dhabta ah ee ay ku suganyihiin muwaadiniintaasi iyo sababaha keenaya dhibaatooyinka dhiilada leh ee ka soo noqnoqanaya Xabsiyada.

Waxaanu ku rajo-weynahay in aad noo ogolaato codsiga kor-meerkayagaas

Wabilaahi Tawfiiq

Barkhad Jaamac Batuun

Xoghayaha Cadaalada Xisbiga WADDANI

 
,, ,,,.