Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Gudiga Abaaraha Heer Qaranka Oo Kulan Qiimayn Ah Ku Yeeshay Madaxtooyada

Published on November 30, 2016 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO.com): Guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha Somaliland oo muddooyinkan ku hawlanaa sidii deeqaha ka kooban raashinka iyo biyaha loo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen ayaa caawa kulan xog waran iyo xoojin ah ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee magaaladda Hargaysa.

1

kulankan oo saacado badan qaatay ayaa xoogga lagu saaray sidii deeqaha raashinka iyo biyaha ka kooban loo gaadhsiin lahaa deegaamada ay abaarta ba’ani biyo iyo baad tirtay halkaas oo sidoo kale xogo khadka taleefanka (telephone) ah lagaga dhagaystay xaalada dhibta iyo heerka ay taagan tahay guddi hooseedyada taakulaynta abaaraha ee heer gobol.

15178090_1132792410167944_6104398253835700275_n

Guddida oo mudooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd gaadhsiinta deeqda dawlada iyo muxsiniintu u hibaynayeen walaalahooda taagta iyo tamarta daran ayaa goobta lagu xusay tirada baxday iyo inta qorshaysan ee maalmaha soo socda gaadhi doonna deegaamada abaartu diiratay.

Waxaa sidoo kale dib loo eegay mudnaanta deegaamada maalmaha soo socda la gaadhsiinayo deeqaha iyadoo laga eegayo dhinaca xaalada xaalufka.

15193436_1132791476834704_368676145359274658_n

Ugu dambayn shirkan oo u gudoominaayey guddoomiyaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ahna ku simaha gudoomiyaha Guddida heer qaran ee Abaaraha Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku soo xidhmay qorshe hor leh iyo fulin loo balamay.

Waxaanay ku soo gunaanadeen duco iyo in ay Illaahay ummada u baryeen Naxariis biyo iyo baad ba leh oo Deeqluhu ugu deeqo umaddiisa.

SAWIRRO;

1

11

15178090_1132792410167944_6104398253835700275_n

15181548_1132792483501270_8016816580608931623_n

15193436_1132791476834704_368676145359274658_n

15202534_1132792950167890_2229454629882287693_n

15202769_1132793116834540_1145845875327819339_n

15267525_1132793323501186_7084526988061142445_n

15284177_1132792220167963_1707309508079783101_n

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 
,, ,,,.