Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya Oo La Dhaariyay iyo Xubno Muran Ka Taagnaa Oo Ku Jira

Published on December 27, 2016 by   ·   No Comments

Muqdisho (SDWO.com): Xildhibaanadda cusub ee baarlamaanka labadda aqal ee sare iyo hoose ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta dugsiga booliska general Kaahiye ee magaaladda Muqdisho.

dhaarinta-xildhibaanadda

Xildhibaanadda labadda aqal ee la dhaariyay ayay tiradoodu dhamayd 283 xildhibaan, kuwaas oo 242 ka mid ah ay yihiin aqalka hoose, halka 41-ka kale-na ay yihiin aqalka sare.

Waxaana baarlamaanka cusub dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Saleebaan.

Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka dad-ban ee Soomaaliya Cumar Maxamed Cabdulle, ayaa sharaxaad ka bixiyay tiradda xildhibaanadda maanta la dhaariyay iyo ilaa hadda tiradda xildhibaanadda labadda aqal ee ay siiyeen shahaadadda aqoonsiga xildhibaan-nimo.

Waxaanu yidhi “Tiradda guud ee xildhibaanadda maanta la dhaariyay waa 283 xildhibaan, oo 242 ka mid ah ay yihiin golaha shacabka, halka 41-tana ay yihiin aqalka sare. Tiradda aanu shahaadadda aqoonsiga xildhibaan-nimo siinay waa 293”.

Geesta kale xildhibaanadan maanta la dhaariyay waxaa ku jira 11 xubnood oo ay hore u soo celiyeen ama u diideen gudiga doorashooyinak dad-ban iyo gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, xubnahaasi oo la sheegay in qaar ka mid ah ay ku jireen xildhibaanadii maanta la dhaariyay.

Cumar Maxamed Cabdulle, Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka dad-ban ee Soomaaliya waxa uu sheegay in ay maanta uun ka war-heleen in xubnahaasi ay hore u diideen in ay ku jiraan kuwa la dhaariyay, isla markaana ay ka gudi ahaan arrintaasi shir ka yeelan doonaan war-murtiyeed-na ay ka soo saari doonaan.

“Maanta ayuun baanu ku aragnay wargeysyadda iyo idaacadaha, gudigu xeer iyo nidaam ayuu ku shaqeeyaa, arrimahaasi-na wuu ka fadhiisan doonaa, go’aankiisana wuxuu ka soo saari doonaa war-murtiyeed ku aadan go’aankan danbe ee ay madashu gaadhay”ayuu yidhi Cumar Maxamed Cabdulle.

Kadib munaasibadii dhaarinta xildhibaanadda cusub waxaa si ku meel-gaadh ah guddoomiyeyaasha labadda aqal loogu doortay labadda xubnood ee ugu da’da weyn baarlamaanka la dhaariyay kuwaas oo kala ah Cismaan Cilmi Boqore, oo noqday guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee golaha shacabka ama aqalka hoose iyo Maxamed Xuseen Raage, oo isna loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee aqalka sare.

Dhinaca kale, munaasibadii lagu dhaarinayay baarlamaanka cusub ayaanay ka soo qayb galin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wakiilka qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo sidoo kale danjireyaasha dawladaha safaaradaha ku leh Soomaaliya, marka laga reebo safiirka Turkiga ee Muqdisho.

dhaarinta-xildhibaanadda

Si kastaba ha ahaatee, baarlamaankan maanta la dhaariyay oo noqonaya kii tobnaad ee ay yeelato Soomaaliya, waxaanay isugu jira kuwo hore u soo ahaa xildhibaano, kuwo siyaasadda ku soo jiray iyo sidoo kale tiro badan oo dhalinyarro ah, kuna cusub siyaasadda iyo xildhibaan-nimadda.

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.