Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Sweden Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland

Published on December 28, 2016 by   ·   No Comments

Hargeysa(SDWO.com): Mr. ARHE HAMEDNACA, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden, ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo xilal kala duwan ka haya dawladda.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Mr. ARHE HAMEDNACA, oo mudooyinkanba booqasho ku jooga Somaliland waxa uu xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ee magaaladda Hargaysa shahaadooyin ku gudoonsiiyay wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden ayaa ka mid ah mudaneyaasha ka tirsan xisbiga taladda dalkaasi Sweden haya ee Social Democrats. Iyadoo wefti uu xildhibaanku hogaaminayo ay mudooyinkan booqasho ku joogaan Somaliland.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Shahaado sharafyadan uu Mr. ARHE HAMEDNACA, gudoonsiiyay masuuliyiintan ka tirsan xukuumadda Somaliland wuxuu ku sheegay in ay yihiin mid uu xubnahaasi ugaga mahad celinayo sidii wanaagsanayd ee qiimaha iyo qadarinta-ba lahayd ee masuuliyiintani ay dalka ugu soo dhaweeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayay markii ay Somaliland yimaadeen.

Mr. ARHE HAMEDNACA, wuxuu sheegay in soo dhawayntii wanaagsanayd ee madaxda Somaliland u sameeyeen in ay ku noqotay mid aanu weligii ilaawi doonin, isla markaana isaga ku reebtay xasuus gaar ah iyo in uu Somaliland u soo hiloobi doono.

Dhinaca kale inkastoo Mr. ARHE HAMEDNACA, ay dawladdiisa Sweden uga digtay safarkiisa markii uu Somaliland u soo baxayay oo uu isagu in muddo ah ku taamayay inuu booqasho ku yimaado. Hase yeeshee wuxuu si mug leh uga markhaati kacay arrimo uu in badan Somaliland ka maqli jiray.

Kuwaasi oo ay ka mid yihiin Nabadgeliyadda, xasiloonida, nidaamka dimuqraadiyada iyo horumarka ay jamhuuriyadda Somaliland ku talaabsatay, taasi oo uu ku hambalyeeyey Shacabka iyo qaranka Somaliland.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Kulankaasi uu xildhibaanka reer Sweden shahaadooyinka ku gudoonsiiyay masuuliyiinta Somaliland waxaa soo qaban qaabisay wasarada Arrimaha Dibedda Somaliland.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Dr. Saad Cali Shire, wasiiru-dawlaha Professor Maxamed Mixile Boqore, agaasimaha guud C/raxmaan Abdeeq iyo Gudoomiyaha waaxda qurbo joogta Somaliland Cabdi Cabdillaahi iyo marti sharaf kale.

DAAWO SAWIRRO:

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.