Saturday, November 28th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasaaradda Caafimaadka Oo Daawooyin Gaadhsiisay Gobolka Sanaag

Published on December 28, 2016 by   ·   No Comments

Ceerigaabo (SDWO.com): Wasaaradda caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta daawooyin kala duwan waxay gaadhsiisay gobolka Sanaag, daawadaasi oo loogu tallo-galay in lagaga hor tago cabsi laga qabo cuduro ka dilaaca degaamadda abaartu ka jirto iyo nafaqo-darri ka taagan meelahaasi.

vlcsnap-2016-12-28-22h52m30s584

vlcsnap-2016-12-28-22h52m31s608

vlcsnap-2016-12-28-22h52m32s967

Waxaana daawooyinkaasi oo isugu jira saddex qaybood oo kala daawadda shuban-biyoodka, nafaqo-daridda iyo daawooyin kale oo ka kooban kuwa loo isticmaalo xanuunadda faafa iyo xanuunadda ka dhasha abaaraha.

Daawooyinkaasi oo uu siday baabuur kuwa xamuulka ah ayaa maanta maamulka gobolka caafimaadka ee gobolka Sanaag ku wareejiyay Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee wasaaradda caafimaadka Iid Xasan Axmed, munaasibad kooban oo lagu qabtay magaaladda Ceerigaabo.

Iyadoo halkaasi ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo ka degmadda Ceerigaabo, qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha degaanka, madaxda caafimaadka ee gobolka Sanaag iyo gudiga taakulaynta abaaraha ee heer gobol.

vlcsnap-2016-12-28-22h53m06s022

Iid Xasan Axmed, agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee wasaaradda caafimaadka oo isugu daawooyinkani ku wareejiyay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Sanaag oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in daawooyinkan uu soo gaadhsiiyay gobolka Sanaag ay yihiin kuwo loogu tallo-galay dadka abaartu haleeshay ee gobolka.

Iyadoo degaamo ka tirsan gobolka Sanaag ay haatan ka taagan yihiin xaalado nololeed oo adag iyo dhibaatooyin caafimaad darro oo ay bulshadda dhaxalsiisay abaartu.

Iid Xasan Axmed, oo arrimahaasi faah-faahin ka bixinayay-na waxa uu yidhi “Daawooyinkani waxay isugu jiraan saddex qaybood qaybi waa daawadda Shuban-biyoodka lagu daaweeyo (Daria), qaybina waa daawadda nafaqo-daridda (Mal-nutrition), taasi oo loogu tallo-galay caruurta iyo dadka jilicsan, qabta kale-na waxa weeyi daawooyinkii kale ee nooc walba lahaa, saddexdaas qaybood ayay isugu jiraan daawooyinka aanu idiin sidnaa”.

Waxa kale oo uu sheegay in daawooyinkani ay marka hore ku wareejinayaan isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka, kadib-na ay iyagoo koox ah muddo todobaad ah kala hawlayaan degaamadda loo qorsheeyay in daawooyinkaasi la gaadhsiiyo.

“Anagu daawadan marka u horaysa waxaanu ku wareejinaynaa isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka, waxaana lana soo faray in aanu la sii joogno muddo todoba maalmood ah, oo aanu la shaqayno, lana soo samayno kormeeradda ay degaamadda ku soo wareegayaan, oo halka dhibaatadu ay taallo aanu tagno”ayuu yidhi Iid Xasan Axmed.

vlcsnap-2016-12-28-22h53m08s791

Geesta kale isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sanaag Dr. Axmed Maxamed Jaamac, oo daawooyinkaasi kala wareegay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee isla wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in daawooyinkan la soo gaadhsiiyay ay ka danbaysay baaq qaylo-dhaan ah oo ay hore ugu dirsadeen wasaaradda caafimaadka.

Dr. Axmed Maxamed Jaamac, waxa uu tilmaamay in maamulka caafimaadka ee gobolka Sanaag ay baahi weyn u qabeen helitaanka daawadani, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay in daawooyinkaasi la soo gaadhsiiyo.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in daawadani ay na soo gaadho, waayo? Hore waxaanu u samaynay baaq qaylo-dhaan ah oo aanu ku dalbanayno in daawooyin nalala soo gaadho gobolka Sanaag, wasaaradayadu-na si deg deg ah ayay noogu soo jawaabtay”.

Dhinaca kale madaxda heer gobol ee Sanaag, ka degmadda Ceerigaabo iyo waxgaradka ayaa si aad ah u soo dhaweeyay daawooyinkan ay wasaaradda caafimaadku soo gaadhsiisay gobolka Sanaag, waxaanay tilmaameen sida ay wakhtigan bulshadda gobolkaasi ugu baahan yihiin in daawooyin ay helaan.

vlcsnap-2016-12-28-22h52m34s557
vlcsnap-2016-12-28-22h52m43s240

Waxaanay xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda caafimaadka uga mahad celiyeen daawooyinkan kala duwan ee ay soo gaadhsiisay.

SDWO.com/Hargaysa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...