Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Maxaa Keena In Ay Isu Ekaadaan Dad Ku Kala Nool Meello Kala Fog!

Published on January 4, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO.com): Waxaanan weli si fiican loo ogaan inay jiraan arrimo keenaya inay isku eekaadaan dad dunida ku kala nool goobo kala fog. Aqoonyahanada qaarkood ayaa ku fasiraya inay tahay hiddo ku kala fog, halka qaarkood-na ku sheegaan inay tahay arrin khayaali ah (fiction and folklore).

oooobbbbbbbbbbbmmmmmmmm

Sidaa awgeed ilaa hadda lama hayo arrin cilmi ah oo si buuxda kalsooni loogu qabo. Sanadkii 1796-kii ayaa dunida markii la fahmi waayay loo bixiyay magaca loo yaqaan oo ah doppelganger oo luqadda Jarmalka ah.

Iyadoo ka kooban laba eray oo kala ah Doppel oo ah laba iyo nger oo ah isku eeg. Waxayna ku macnayn jireen qofkii labada nuqul.

Waxaana eray bixintan sameeyay aqoonyahankii Jarmalka ahaa ee Chan Powl Waana erayo dunida laga yaqaanay ilaa muddo fog. Wakhtiyadii hore waxaa labadda qof ee isku eeg, ee aan waxba isku ahayn loo yaqaanay mataanihii sharka ahaa.

Waxaana la aaminsanaa in labada qof markay is arkaan ay tahay wakhtiga ay dhimashadoodu soo dhowaato.

Gabadha Taaj Lucas oo cilmiga Bayolagiga ku xeel dheer kana tirsan Jaamacadda Edilad ee Austerliya ayaa iyana sheegtay inay ku sameeyeen 4000 qof baadhis noocan ah.

Taasi-na ay muujinayso muuqaalka wejiga ee dadku uu aad ugu kala duwan yahay, isla markaana ay dhif tahay inay isu eegaadaan dad aan isku qoys ahayn. labadan sawir se sidee ayay kuula muuqdaan, ma hal qof mise laba qof oo kala duwan?

 
,, ,,,.