Friday, August 18th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Sicir Bararka iyo Sarifkii Doolarka oo cirka isku shareeray iyo ganacsatadii oo ganacsigoogii albaabada u laabay

Published on April 13, 2017 by   ·   No Comments

Ganacsatada suuqa ugu balaadhab Somaliland ee Waaheen ee badhtamaha magaalada Hargeysa ayaa maanta ku dhaqaaqay shaqojoojin ay alabaabada ugu laabeen goobahoogii ganacsiga ka dib markii ay xuuumadu ku guuldaraysatay inay wax ka qabato sicir bararka iyo sarifka doolarka oo cirka isku sii shareeraya maalinba maalinta ka danbaysa.

Sarifka doolarka ayaa maraya halkii ugu saraysay taariikhda Somaliland isagoo halkii doolar marayo 9000 ee shilinka Somaliland ah, halkuu 10kii sano ee ugu danbeeyay uu u dhexeeyay 6500 ilaa 7000shilling.

Dabayaaqadii hore ayuu doolarku sidan oo kale uu kor uGu kacay isagoo gaadhay 8 kun oo shilin taasi oo markiiba ay xukuumadu xakamaysay oo ay ku soo celisay 7 kun hase yeeshee aanay wax dabagal ah ku sii samayn taasi oo sababtay inuu wiigag yar ka diba uu doolarkii bilaabo inuu kor u sii kaco oo uu gaadho 9 kun manta.  Xuukuumada Ayaan ilaa hada ka hadlin werwerkan balaadhan ee soo foodsaartay shacbiga.

shaqojoojin3

shaqojoojin34 shaqojoojin2 shaqojoojin1

 
,, ,,,.