Sunday, June 25th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Hay’ada UNDP Ee Somaliland Mr’s Ilaria Carpen.

Published on April 16, 2017 by   ·   No Comments

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa cusub ee Hay’ada UNDP, gaar ahaan xafiiska ay ku leeyihiin Somaliland, Mr’s Ilaria Carpen oo dhawaan loo soo magacaabay inay noqota Madaxa cusub ee Hay’ada UNDP ee Somaliland.

17952674_1268828686564315_8148982230470480523_n

Kulankaasi ay la yeelatay Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland ayaa lagaga wada hadlay Xaalada abaaraha dalak ka jira iyo dardar gelinta mashruuca horumarinta dawlaha hoose ee loo yaqaano JPLG-ga iyadoo balan qaaday in hay’ada UNDP ay kaabis xoog leh ku samayn doonto mashruucani sidoo kalana waxa ay sheegtay in hay’ada UNDP ay qayb laxaadleh ka qaadanayso gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

17992189_1268828586564325_4633993791389757502_n

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Saylici oo dalka kusoo dhaweeyay sarkaaladan cusub, isagoo ugu baaqay in hay’ada UNDP ay dadaalkeeda sii laban laabto, islamarkaana ay qayb libaax ka qaadato horumarinta dalka iyo u gurmadka abaaraha ku habsaday Somaliland

17952479_1268828693230981_9060140218941446151_n 17861754_1268828596564324_6589464066624652885_n

 
,, ,,,.