Friday, August 18th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Daawo: Madaxwayanaha Somaliland Oo Furay Shirweyne Lagaga Tashanayay Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Siyaasada Dawladda Ee Ku Saabsan Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay

Published on May 17, 2017 by   ·   No Comments

Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta furay shirwayne lagaga tashanayo sidii kor loogu qaadi lahaa siyaasada dawladda ee ku saabsan ganacsiga gaarka loo leeyahay,shirwaynahani oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Smaliland waxa kasoo qayb galay ganacsatada waaweyn, guddomiyaha rugta ganacsiga Somaliland,qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirdda.

shirgancsi13

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi “Xukuumadaydu si buuxda ayay uga war haysaa kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaana ay si fiican uga shaqaysaa xuquuqda ganacsatada iyo qaabkii loo abuuri lahaa deegaan xasiloon oo lagu ilaalinayo shuruuc iyo qorshe istiraatajiyadeed oo kor loogu qaadayo ganacsiga, ujeedadayadu waa in aanu dhiiri galino ganacsiyada gaarka loo leeyahay si loogu guulaysto horumar dhaqaale oo waara iyo koboc ganacsi .

 

“Xukuumadaydu waxay markii ugu horaysay furaysaa wada tashiga siyaasada ganacsiga gaarka ah kulankana waxa diirada lagu saari doona siyaasad loo dhan yahay oo kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka oo Somaliland u baahan tahay inay maal geliso si loo gaadho koboc dhaqaale,tartan ganacsi iyo shaqo abuur, waxaan u hambalyaynayaa Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga, rugta ganacsiga iyo wasaaraddaha kale ee ka qayb qaatay sidii ay u qabsoomi lahayd munaasibadan balaadhan, waxaan ku dhawaaqayaa inay munaasibadu furan tahay”ayuu yidhi Madaxwayanaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo

shirgancsi9

shirgancsi12 shirgancsi11 shirgancsi10 shirgancsi8 shirgancsi7 shirgancsi6 shirgancsi5 shirgancsi4 shirgancsi3 shirgancsi2 shirgancsi1

 
,, ,,,.