Monday, August 21st, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xisbiga KULMIYE oo Tartankii ugu Horreeyey Kubadda Cagta ee loo Qabto Degmooyinka Hoos Yimaada Gobolka Togdheer uga Furay Degmada Balli-dhiig

Published on June 14, 2017 by   ·   No Comments

Xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa tartankii ugu horreeyey ee loo qabto dhallinyarada ku nool degmooyinka hoos yimaada Gobolka uga furay demgada Balli-dhiig.
Tartanka oo loo qabtay lixda degmo ee kala ah; Balli-dhiig, Dhoqoshay, Duruqsi, War-cibraan, Qoryaale iyo Qorilugud, waxa furitaankiisii oo ka dhacay magaalada Balli-dhiig waxa goob jog ka ahaa masuuliyiinta ugu sarraysa xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, madax ka socotay Garabka Dhallinyarada Heer Qaran, Madaxda Degmooyinka Tartanka Qaybta Ahaa iyo bulshada baybaheeda Kala Duwan.

bilidhigkmy1


Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Md. Xasan Mataan oo tartanka furay, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE dadaal ugu jiro sidii dhallinyarada ay isku dhexgali lahayd, isla markaana uga waantoobi lahayeen qabyaaladda, tahriibka, balwadaha iyo wixii la mida, waxaannu ugu baaqay kooxaha ciyaaraya inay si farshaxannimo ku jirto u ciyaaraan oo aanay la iman is qabqabsi iyo iska horimaad.

bilidhigkmy2
Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Mr. Abokor Carab Ileeye, ayaa isna ku nuux-nuuxsaday dadaalka uu xisbigu ugu jiro sidii dhallinyarada Somaliland u noqon lahayd mid isku duubban si loo helo dhallinyaro mustaqbal leh. Waxa kaloo uu intaa ku daray in xisbiga KULMIYE uu hore uga qaybgaliyey dhallinyarada siyaasadda, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo uu magacaabay Wasiirro, Agaasimayaal, Badhasaabo iyo Xoghayeyaal intuba dhallinyaro yihiin, taasina ay ku tusinayso sida uu xisbiga KULMIYE ugu heelanyahay dhiirrigelinta dhallinyarada.

bilidhigkmy5
Madaxa Xidhiidhka Degmooyinka iyo Gobollada Garabka Dhallinyarada heer qaranka ee Xisbiga KULMIYE Mr. Mustafe Faarax Cali (Mustafe Qalab) oo isagu lahaa hindisaha tartankan in lagu qabto Balli-dhiig, ayaa sheegay in tartanka xisbiga KULMIYE ay muhiimad wayn u leeyihiin in lagu qabto degmada Balli-dhiig, isagoo xusay inay ka dhallinyaro ahaan dadaal badan u galayaan sidii tartannada noocan ahi ay u soo noqon lahaayeen si loo helo dhallinyaro isku duubban iyo is dhexgal ka dhasha tartannadaasi.

bilidhigkmy4


Guddoomiyaha degmada Balli-dhiig iyo masuuliyiin kale o iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tartankan, ugana mahadceliyey xisbiga KULMIYE

bilidhigkmy7 bilidhigkmy6 bilidhigkmy3

 
,, ,,,.