Thursday, December 14th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Daawo markii uu dhacay weerarkii xalay lagu qaaday dadkii ka soo baxay salaada Taraawiixda ee masaajid ku yaala waqooyiga London ayaa la xaqiijiyey hal qof oo dhimasho ah iyo 10 qof oo dhawac ah

Published on June 19, 2017 by   ·   No Comments

Ninkan oo cadaan ahaa oo gaadhi weyn watay ayaa dadkoo aad u badan oo masaajidka ka soo dareeray salaadii tarwaaxiida abaaro 12.20 habeenimo si xawli ah uGu soo dhexdaayey gaadhiga intuu wadadii ka soo baxay.  Dadkii goob joogayaasha ahaa ayaa sheegay inuu ku qaylinayey waxaan rabaa inaan muslinka laayo.

IMG-20170619-WA0017Ninkii weeerarka geystay oo muslimiinut gacanta ku soo dhigeen

Markuu dhibaatadan geystay ayuu gaadhigii ka soo booday oo uu  isku deyey inuu baxsado laakiin markiiba waxa ka daba cararay dadkii mulimiinta ahaa ee goobta buuxay oo soo qabtay, iyagoo aad u garaacay hayeyna ilaa boolisku u imanayey oo uu kala wareegayey.

Raysawasaaraha ayaa canbaarayn weyn dusha ka saartay cidii ka danbaysay falkan waxayna tidhi waa fal aragaxisnimo.   Wararka TV yada dalkan ayaa sheegay in ninka dhintay uu dhacay oo uu dhulka yaalay oo dhalinyaro muslim ahi caawinaysay  markuu baaabuurkii kuligoodba jiidhay, waxayna sheegayaan inaan la hubin in ninkaasi u dhintay baabuurka oo jiidhay iyo inuu u dhintay wixii uu markii hore dhulka ku dhacay.

Telifishinada dalkan ayaa aad muslim ku uGu dhaleeceeyeen siday arinkan uga waramayeen ama muhiimada ay siinayeen. marka loo eego labadii weerar ee sidan oo kale baabuurta loo adeegsaday ee ka dhacay magalaada London.   Si yar oo kooban ayey xalay marmar live u soo yara gelinayeen wixii ka dhacay goobtaasi, halkan labadii weerar ee sidan oo kale baaburka lagu fuliyey tv yadu laba cisho ay live u ahayeen oo ay ka soo waramayeen goobahii shilku ka dhacay.

muslimattck6

muslimattck5

Baabuurkii weerarka lagu geystay

muslimattck4 muslimattck3 muslimattck2 muslimattck1

 
,, ,,,.