Friday, July 28th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Shacabka Reer Durruqsi oo Si Ballaadhan Usoo Dhaweeyey Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo

Published on July 10, 2017 by   ·   No Comments

Shacabweynaha ku dhaqan degmada Durruqsi ee gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn ballaadhan maanta ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal la xidhiidha dhiirrigelinta qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha deegaanno ka tirsan gobollada Daad-madheedh iyo Togdheer.

 

durqsikulmiy2

Maamulka, haweenka, dhallinyarada iyo madax-dhaqameedka degmada Durruqsi, ayaa guddoomiyaha iyo waftigiisa kaga hortegay dibadda magaalada, waxana ay u galbiyeen goob fagaare ah oo uu uga jeediyey hadallo mahadnaq iyo dardaaran u badan.

 

durqsikulmiy9


Ugu horrayn madaxda degmada, cuqaal, salaadiin iyo dhalinyaro ka tirsan deegaanka, ayaa guddoomiyaha iyo waftigiisa uga mahadnaqay booqashadooda, waxana ay shaaciyeen inay si hagar la’aan ah u qaadanayaan talooyinka hoggaanka xisbiga ee la xidhiidha qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha.

 

durqsikulmiy1


Guddoomiyaha Awal Bari Md. Axmed Nuur Shire, Caaqil Aadan Axmed Naaleeye, Oday Salaan Ayjeex, Oday Maxamed Cabdilaahi, Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim iyo xubno madax-dhaqameed ah oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Durruqsi ku bogaadiyey sida ay ugu hagar baxeen soo dhaweynta guddoomiyaha.

 

durqsikulmiy8


Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md. Maxamed Cali Saleebaan Ramaax, guddoomiyaha gobolka Gabiley Md. Xamse Cadow Yuurura, wasiir ku-xigeenka madaxtooyada Md. Cali Dhegoole, xildhiibaan Maxamed Cali Xirsi Obama iyo guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Mataan oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay leedahay qaadashada kaadhadhku, waxana ay shacabka ku adkeeyeen inay waqtiga codaynta xusuusta ku haystaan waxqabadka xisbiga KULMIYE oo u muuqda mid xaq u leh in mar labaad hoggaaminta dalka loo doorto.

durqsikulmiy6


Guddoomiyaha xibsiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi , ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey shacabka degmada Durruqsi, waxana uu ka codsaday inay maalinta codaynta codkooda ku taageeraan, maadaama oo uu yahay hoggaamiye shirraban oo u qalma hoggaaminta dalka

durqsikulmiy10   durqsikulmiy7  durqsikulmiy5 durqsikulmiy4 durqsikulmiy3

 
,, ,,,.