Friday, July 28th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Si Meeqaam Sare ah Loogu Soo Dhaweeyey Oodweyne

Published on July 10, 2017 by   ·   No Comments

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxtinimada xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee Xarunta Gobolka Daad-madheedh, waxana ay shacabka ku dhaqan deegaankaasi muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin murrashaxa KULMIYE iyo siyaasadda xisbigaba.

 

oddweynekulmiy12

Shacabka reer Oodweyne, ayaa iyaga oo isku duuban Waayeel, Haween, Dhallinyaro iyo waxgarad waxa ay waftiga kaga hor tageen goob ka baxsan magaalada, iyaga oo murrashaxana u galbiyey dhinaca gudaha magaalada oo uu hadallo mahadnaq iyo u guubaabin la xidhiidha qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha u jeediyey.

oddweynekulmiy15


Madaxda heer gobol ee Oodweyne, madax-dhaqameed, aqoonyahanno, dhallnyaro, Haween, xildhibaanno iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey taageerada luxdan ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Oodweyne, waxana ay xuseen inay codkooda la garab geli doonaan xisbiga waqtiga doorashada la gaadho.

 

oddweynekulmiy4


Xubno xukuumadda ka tirsan oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Warfaafinta Md. Cismaan CabdIlaahi Saxardiid Caddaani iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Hawlaha Guud Md. Mukhtaar Maxamed Cali oo iyaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa guddoomiyaha uga mahadnaqay sida uu yoolka koowaad uga dhigtay booqashadiisa uu ku gaalaa bixinayo goobaha diiwaangelintu ka socoto ee gobolka Togdheer, waxana ay si isku mid ah u muujiyeen in soo dhaweynta baahsan ee shacabka reer Oodweyne Sameeyeen marag ka tahay codka iyo taageerada uu xisbigu ku leeyahay deegaanka.

oddweynekulmiy11


Badhasaabka gobolka Daad-madheedh iyo guddoomiyaha gobolka oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa shacabka ka codsaday inay maanka ku hayaan lexejeclada uu xisbiga KULMIYE ka qabo gobolka Oodweyne, waxana ay xusuusiyeen riig-biyoodka lagu reeyey ee xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay deegaanka Ceelsame oo ay sheegeen inay nolosha shacabka wax baddan ka beddeshay.

 

oddweynekulmiy10


Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa farxad weyn ka muujiyee soo dhaweynta ballaadhan ee reer Oodweyne u sameeyeen waftiga, waxana uu xusay inay xisbi ahaan filayaan taageeradii taariikhiga ahayd ee KULMIYE gobolka ku lahaan jirey.

 

oddweynekulmiy9


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo goobta ka jeediyey hadal mahadnaq u badan bulshada u jeediyey, waxana uu sheegay inay xisbig ahaan mar walba muhiimad gaar ah u leedahay deegaanka Oodweyne, maadaama uu horeba baal dahab ah gobolkaasi kaga qornaa guulaha KULMIYE.

 

oddweynekulmiy7


Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiye Muuse Biixi xadhigga ka jaray xafiis cusub oo uu xisbigu ka furtay gudaha magaalada Oodweyne, isaga oo sidoo kale agab ciyaareed ku wareejiyey kooxo kubadda cagta ah oo ka dhisan magaalada Oodweyne.

oddweynekulmiy17 oddweynekulmiy16  oddweynekulmiy14 oddweynekulmiy13     oddweynekulmiy8  oddweynekulmiy6 oddweynekulmiy5  oddweynekulmiy3 oddweynekulmiy2 oddweynekulmiy1

 
,, ,,,.