Friday, July 28th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxwayne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha Qaranka iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayey ayaa kormeer hawleed ku tagay Degmada Sallaxley iyo Magaalomadaxda Gobolka Hawd (Balligubadle) iyo deegaanada hoos yimaada.

Published on July 12, 2017 by   ·   No Comments

Ujeedada kormeerka Madaxwayne ku-xigeenka ayaa waxay daarnayd inuu u kuurgalo isla markaana uu xogogaal u noqdo qaabka ay Gobolka Gabiley uga socdaan hawlaha qaybinta kaadhka doorashooyinka iyo arrimaha u baahan wax ka qabasho.

saylici6

Waftiga uu hogaaminaayey Madaxwayne ku-xigeenka waxa ku wehelinayey Wasiiro, Afhayeenka Madaxtooyada JSL , Wasiir ku-xigeeno, iyo Agaasimayaal kuwaasoo dhamaantood shacab weynaha ku dhaqan deegaanadaasi si mug leh ugu wacyi geliyay sidii ay xil iskaga saari lahaayeen qaadashada kaadhka Codbixinta Doorashooyinka Madaxtooyada.

 

saylici5

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulsho weynta ku dhaqan Gobolka Gabiley uga mahad celiyay soo dhawaynta qiimaha leh ee ay ku maamuuseen isagoo dhanka kalena si weyn ugu wacyi geliyay inay qaataan kaadhka codbixinta waxaanu yidhi madaxwayneku-xigeenku “Aad baan idiinkaga mahad celinaynaa sida qiimaha leh ee aad noosoo dhawayseen iyadoo ay wakhti danbe tahay, waxaanu Gobolka Gabiley aanu u imi waa arrin kaliya oo ah sidii aad u qaadan lahaydeen kaadhka codbixinta doorashada oo xaq kuu siinaya inaad doorato qofka aad la jeceshahay inuu dalka hogaamiyo, olole umaanaan iman waxaan idinku boorinayaa inaad hogaaminta dalkiina wax ku lahaataan oo aad qaadataan kaadhka oo aydaan iska qoomamayn biri ka maalin” ayuu yidhi mufane Cabdiraxmaan Saylici.

 

saylici4

Sidoo kale Madaxwayne ku-xigeenka ayaa kulan balaadhan la qaatay waxgaradka iyo haldoorka Gobolka Gabiley, kulankaasi oo ahaa mid ay labada dhinac kaga wada hadlayeen horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Gabiley.

Xuseen Adan Cige (Deyr),
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

saylici3 saylici2

 
,, ,,,.