Friday, February 28th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxwayne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Dhanka Bani’aadan nimada ee Dalalka Somaliland iyo Somaliya

Published on July 28, 2017 by   ·   No Comments

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa qaabilay wafti ballaadhan oo uu hogaaminaayo ku-xigeenka ergayga qaramada midoobe u qaabilsan bina-aadan nimadda ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr.VINCENT LELEI oo socdaal ku yimi dalka isagoo Madaxwayne ku-xigeenkuna kala hadlay sidii ay qaramada midoobay usii laban laabi lahayd arrimaha bani-aadanimo ee ay ka wado Jamhuuriyadda Somaliland .

 

madaxtoyada3

Mr.VINCENT LELEI ku-xigeenka ergayga qaramada midoobay ee dhanka bina aadannimada ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiimada koowaad siinayaan sidii ay u gacan qaban lahaayeen bulshada ay abaartu saamaysay ee somaliland waxaanu sheegay in qaramada midoobay gar-gaar binaaadan nimo la garab joogsan doonto Somaliland waxaanu yidhi Wakiilku “Kulankii ballaadhnaa ee aan la yeeshay Madaxwayne ku-xigeenka JSL waxaanu ka wada hadalnay marxaladaha Somaliland ka jira ee dhinaca abaaraha, waxaanu isla qaadanay in loo baahan yahay in aanu masuuliyad gaara iska saarno in lasii kobciyo baahida ay bulshadani u qabaan gar-gaar bani aadannimo, waxa ahmiyad gaara noo leh tayaynta xoolaha nool, dhan kayaga masuuliyad weyn ayaaanu iska saarnay hawshan abaaraha”ayuu yidhi Mr.VINCENT LELEI ku-xigeenka Wakiilka qaramada midoobay ee dhinaca bani’aadannimada ee Somaliland iyo Soomaaliya

 sylici madaxtoyada2 madaxtoyada1

 
,, ,,,.