Wednesday, December 13th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

London: Daawo Warbixin laga diyaariyey Gabadh 2003 ku dhexdhimatay gurigeeda laakiin meydkeedii oo lafo noqday la helay 3 sano ka dib 2006

Published on July 31, 2017 by   ·   No Comments

Would anyone miss you? Nobody noticed when Joyce Vincent died in her bedsit above a shopping mall in North London in 2003. Her body wasn’t discovered for three years, surrounded by Christmas presents she had been wrapping, and with the TV still on

Joyce Carol Vincent waxay ahayd gabadh aad u qurux badan ood quruxda moodo Soomaaliyad ileen innagaa adduunka ugu qurux badane. Aabaheed nin Madow oo Caribbean ah buu ahaa hooyadeedna Hindida Caribbean ka. Inkastoo ay Joyce ahayd gabadh ragga aad u soo jiidataa oo dadka ay la caashirtaa jecelyihiin waxay ahayd gabadh jecel in ay keli ahaato.

joyce

Sannadkii 2006 ayaa meydka Joyce laga helay aqal ka dul dhisan suuqa Wood Green ee waqooyiga London iyadoo saddex sannadood mowtanayd, TVgeedu weli shidan yahayay hadyadihii Kirismiska ee la siiyeyna wada ag yaalaan. Waxay ku dhimatay 38 jir. Saddexdaa sannaddood ee ay mowtanayd cidna dhimashadeeda ma dareemin. Qolo loo soo diray in ay kirada aqalkeeda oo uruurtay ka soo qaadaan ayaa helay meydkeeda iyadoo lafo ah kadib markay aqalka ku jebiyeen.

Gabadhaa ilaa imika lama garanyo suruufta ay ku dhimatay iyo waxa ehelkeeda iyo asxaabteedu uga soo wardooni waayeen. Waa sheeko aad iiga yaabisay.
Bal aynu ka warhayno asxaabta iyo ehelka keligood nool

 

By Maxamed Cumar Maygag – Taag
Xaggan ka daawo barnaamij qisada ku saabsan:

 
,, ,,,.