Wednesday, December 13th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Daawo Xildhibaan Cabdiraxman Tanyaale oo sheegtay inuu isagu yahay gudoomiyaha saxda ah ee maanta baarlamanku doortey isagoo ka noqday hambalyadii uu maanta hambalyeeyay baashe faarax

Published on August 6, 2017 by   ·   No Comments
Hargaysa (SDWO.com): Xildhibaan C/raxmaan Maxamed  Talyanle,   ayaa sheegay in  doorashadii maanta ee xildhibaanadda golaha Wakiiladu ay  guddoomiyenimadda ugu doorteen Baasha Maxamed Faarax, uu isagu  ku  guulaystay.

C/raxmaan Talyanle, oo caawa warbaahinta kula hadlay gurigiisa magaaladda Hargaysa ayaa tilmaamay in markii codayntu dhamaatay  uu isaga laftiisu u hambalyeeyay Baashe Maxamed Faarax, hase yeeshee ay hadda soo baxday xaqiiqadii oo uu isagu ku guulaystay guddoomiyenimadda golaha Wakiiladda.

Waxaanu yidhi “Anigoo ah xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle, waxaan halkan ka cadaynayaa  ummadda Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan  golaha Wakiiladda, maanta doorashadii iyo codkii la qaaday ee aan saaxiibkay Baashe Maxamed Cadde ku tahniyadeeyay  xaqiiqdii ayaa soo baxday, laga bilaabo  imika oo aan idinla hadlayo  guddoomiyaha golaha Wakiiladda ee la doortay  waa aniga”.

Waxa kale oo uu intaas ku daray xildhibaan Talyanle, in  hambalyadii uu u hambalyeeyay   Baashe in uu daacad ka ahaa oo uu gudanayay waajibaadku sida uu yahay, laakiin markii wax dib loo baadhay in arrintu ay is-bedeshay.

“Xaqiiqdeediina waan hayaa, 39-ka xildhibaan ee codeeyay ciday u codeeyeen waa C/raxmaan Maxamed  Talyanle. Sidaa darteed af-hayeenka golaha Wakiiladda Somaliland waa naiga.

Waxaanan u sheegayaa  saaxiibkay Baashe Maxamed Faarax oo aan tahniyadeeyay, anigoo lilaahi iyo daacadnimo waajibkaa ku gudanayay in arrintii is-bedeshay oo isaga maanta looga baahan yahay  xaqiiqda jirta  iyo codkii badnaa (majority-ga) ahaa halka uu maray  aqballo, naguna tahniyadeeyo”ayuu yidhi C/raxmaan Talyanle.

Geesta kale kadib markii  doorashadii maanta ee Baashe halka cod kaga guulaystay C/raxmaan Talyanle ay dhamaatay,  ayaa waxa jiray in fadhigaasi uu hadheeyay buuq iyo muran   xoogan oo u dhexeeyay  xildhibaanadda golaha Wakiiladu ee ka soo kala jeedda xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani.

Waxaana jirtay  hadalo  ay ku dhawaaqayeen  xildhibaanadda xisbiga Waddani  oo ahaa ku doodayay in wax is-daba marin lagu sameeyay  hanaankii tirinta codadka xildhibaanadda gacanta u taagay C/raxmaan Talyanle, isla markaana tiradda 39-ka ahayd ay u codeeyeen  Talyanle.

Hase  yeeshee xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda C/rasaaq Siciid Ayaanle uu si khaldan ugu yeedhiyay  Cali Yuusuf Axmed oo fadhiga maanta shir-gudoominayay, iyadoo  xildhibaanadda Waddani ee arrintaasi ka biyo-diidsanaa ay codsanayeen in dib loo baadho Kamaradihii laga duubayay fadhiga  si  loo cadeeyo tiradda  codadka.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaaqa xildhibaan C/raxmaan Talyale, ee ah in uu isagu ku guulaystay guddoomiyenimadda golaha Wakiiladda ee markii hore ugu hambalyeeyay Baashe Maxamed Faarax, ayaa la saadaalinayaa in ay  abuuri doonto muran cusub iyo khilaaf ka dhex bilaabma golaha Wakiiladda gaar ahaana xildhibaanadda kala taageersan Kulmiye iyo Waddani.

 
,, ,,,.