Wednesday, December 13th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Barlamanka Somaliland ooo maanta la xidhiay ka dib markii Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo Dagaal gacan ka hadal ah ula tegay gudoomiyaha cusub ee golaha Wakiilada Baashe Faarax

Published on August 8, 2017 by   ·   No Comments

Sida dadkii goobjooga ahaa ay sheegayaan Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ahaa raggii hungurigu ka hayey kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada ee uu ku guulaystay Baashe Maxamed Faarax ayaa xoog ku galay saaka xafiiska gudoomiyaha isagoo jiidhay askarigii ilaalinayey xafiiska gudoomiyaha waxaanu markiiba dagaal gacan ka hadal ah ku bilaabay gudoomiyahii.  Waxaana markiiba is yidhi u gurmo askarigii ilaalada xafiska hase yeeshe waxa xafisikii ka dabagalay darawalkii Saleebeen Cali Koore oo bastoolad ku hubaysan isla markaana askarigii xabad ku ridey.

wakiilada

Xabadii xafiiska ka dhexdacday waxa markiiba u soo gurmaday askartii ilaalada ka ahayd xarunta baarlamanka, waxayna markiiba gacanta ku dhigeen Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Dawalkiisii xabada riday iyo laba nin oo kale oo la socday, waxaana loo dhaadhiciyey saldhiga dhexe oo ay hada ku xidhanyahiin.

Waxa markiiba goobta soo gaadhay taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo la wareegay amaankii xarunta baarlamanka albaabada u laabay xarunta si amniga goobta loo sugo.

 

 
,, ,,,.