Wednesday, December 13th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Ruug-Caddaaga Ciyaaraha ee Xasan Waraabe-cadde Oo Ku Biiray Xisbiga KULMIYE Iyo Taageerada Uu U Fidiyey Murashax Muuse Biixi

Published on August 8, 2017 by   ·   No Comments

Xasan Maxamed Cabdalle (Xasan Waraabe-cadde) ayaa shaaciyey inuu taageersan yahay Murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo barnaamijka siyaasadeed ee xisbigaas.

Xasan oo kaalin firfircoon kaga jira kobcinta ciyaaraha dalka oo uu muddo dheer si madax bannaan uga shaqaynaya, tacab badanna geliyey, ayaa ka mid noqday xisbiga KULMIYE oo uu aaminsan yahay inuu ciyaaraha iyo dhallinyarada u horseedayo mustaqbal wanaagsan, isla markaana uu siyaasad ahaan iyo barnaamijka shaqada shanta sannadood ee dambeba kaga horreeyo xisbiyada kale ee la tartamaya.
xasanwcade

Xasan Waraabe-cadde oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa isagoo la hadlayay shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL.COM, waxa uu tibaaxay in markii uu qiimeeyay saddexda murashax ee u tartamaya doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dhowaan qabsoonto, in shakhsiga kaliya ee dalka lagu aamini karo uu yahay Muuse Biixi Cabdi, kaas siyaasadda xisbiga uu hoggaamiyo ee KULMIYE ay ku dhisan tahay jihaynta iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo loo abuuro dhallinyarada, isla markaana dalka ka dhisaysa dhaqaalaha, amniga, ciyaaraha iyo shaqo abuur.

“Waxa aan kuu xaqiijinayaa inaan si rasmi ah ugu biiray siyaasadda oo aan si buuxda u garab taaganahay murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo markii aan qiimayn ku sameeyey tartameyaasha doorashada soo socota, ay ii soo baxday inuu yahay qofka kaliya ee dalka lagu aamini karo.” Sidaas ayuu yidhi Xasan Waraabe-cadde oo u warramay wariye ka tirsan shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL.

“Siyaasadda KULMIYE waxay dhallinyarada u horseedaysaa shaqo-abuur, horumar ciyaareed, dhismaha mustaqbal wanaagsan oo ay kala sinnaanayaan dhamaan shacabka kale ee dalka. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa dhallinyarada inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE oo uu hormood u yahay murashax leh aragti siyaasadeed, kalsooni iyo deggaanaan uu dalka ku maamulo, kaas oo ka madhan qabyaalad, cuqdad iyo dad kala-jeclaysi.” ayuu yidhi.

Ruug-Caddaaga Ciyaaraha Ee Xasan Waraabe-cadde Oo Ku Biiray Xisbiga KULMIYE Iyo Taageerada Uu U Fidiyey Murashax Muuse Biixi – Cadalool

Isagoo si gaar ah ula hadlaya aqoonyahanka iyo dhallinyarada jaamacadaha, waxa uu yidhi: “Aqoonyahanka iyo dhallinyarada jaamacadaha, waa inay aqoontooda kaashadaan, sameeyaan daraasado qoto-dheer, dhinac walba ka eegaan kuwa tartamaya, waxa usoo bixi doonta in Muuse Biixi yahay murashaxa danta dalka iyo dadkuba ku jirto, kaas ayaana danteennu ku jirtaa.”

Xasan Waraabe-cadde ayaa intii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Somaliya waxa uu ka mid ahaa dadka faro-ku-tiriska ah ee tacabka badan geliyey dhallinyarada iyo ciyaaraha, kuwaas oo agab ciyaareed iyo dhiirigelinba uu la garab taagnaa.

Kuma koobnayn oo kaliya inuu taageero ciyaaraha, hase yeeshee, waxa uu si joogto ah gacan ugu geystaa kooxaha ku jira Dhallinta Kacaanka ee da’yarta ah, kuwaas oo uu si joogto ah ugu ciyaarsiiyo garoon cagaaran oo uu ka sameeyey duleedka galbeed ee Magalaada Hargeysa, kuwaas oo toddobaadkiiba hal maalin uu ku geeyo bas.

Ku-biiristiisa Xisbiga KULMIYE waxay sare u qaadaysaa taageerada uu xisbigaasi ku leeyahay dhallinyarada ka madhan qabyaaladda iyo nin jeclaysiga.

Source: Cadalool.com

 
,, ,,,.