Wednesday, December 13th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Siilaanyo oo qaar ka mid ah agaasimayaasha guud isku shaandhayn ku sameeyay

Published on August 9, 2017 by   ·   No Comments

WAR-SAXAAFADEED: 09/08/2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4962/082017 uu maanta ku magacaabay saddex agaasime guud.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,
Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Marwo, Sahra Maxamed Xuseen (Sahra Basbaaso), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
3. In Mudane, Axmed Xaashi Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 
,, ,,,.