Wednesday, December 13th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Nabadda gobolka Sool taalaa waxa ka turjumaysa Jaamacadda Nugaal ee aynu maanta fadhino iyo 177 goobood oo gobolka Sool ka mida oo aynnu doonayno inaynnu khaadh ku qaybino.” Wasiir Maxamuud Xaashi

Published on August 10, 2017 by   ·   No Comments

Wasiirka Madaxtooyadda SOmaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti balaaadhan oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbgia KULMIYE md. Muuse Biixi ayaa maanta ka qayb galay munaasibad loo qabtay daahfurka qaadashada kaadhka cod-bixinta ee gobolka Sool

 

Munaasibadaasi oo maanta ka qabsoontay xarunta Jaamacada Laascaanood ee Nugaal ayaa waxa khubad ka jeediyey Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi waxaanu yidhi “ Saaka farxad weyn ayey noo tahay in aannu halkan Laascaanood idinla joogno, ILAAHAY ayaa (SWT) ku mahad-san inoo qadaray goobtana isugu keen-keenay, waxa aynu daahfuraynaa wajigii labaad iyo gabagabadii diiwaangalinta cod-bixiyeyaasha doorashaayinka Jamhuuriyadda Somaliland. Goobta aynnu joognaa waa jaamacadii ummadda ee gobolka Sool, hadh-galayna waynu joognaa, bulshadii iyo qoorweyntii gobolka Sool iyo madaxdii xisbiyada qaranka ayaa halkan ku sugan, waa wax aad u weyn waxaannu u nimid in aannu barnaamijkan daah-furno dadka ku guubaabino inay kaadhkooda qaataan, si ay u codeeyaan.”

 
,, ,,,.