Friday, August 18th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Puntland waxaan  uga digayaa in mudadda  kaadh qaadashadu socoto  aanay  na carqaladaynin”  wasiirka daakhiliga  Somaliland

Published on August 11, 2017 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka arrimaha gudaha jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (faratoon), ayaa  digniin u diray maamulka Puntland iyo kooxo  nabad-diid ah  in ay isku dayaan  falal ay ku  carqaladaynayaan mudadda ay kaadh qaadashadu ka socoto goboladda Sool iyo Sanaag.

Waxaanu sheegay in  aanay maamulka Puntland iyo koxaha nabad-diidka ka ogolaan doonin  isku day  kastoo  ay ku waxyeelaynayaan kaadh qaadashadda iyo nabadgeliyadda  degaamadda bari ee goboladda Sool iyo Sanaag.

sool15

Faratoon, ayaa si gaar ah fariin ugu diray maamulka Puntland  in  sidii marar hore dhacday aanay wax dhibaato ah samaynin degaamadda bariga Somaliland iyo sidoo kale kooxo nabad-diid ah oo uu sheegay in ay qalalaase ka wadaan degaamadaasi.

Wasiir Faratoon, oo hadal ka jeediyay munaasibad maanta lagu qabtay magaaladda Laascaanood taasoo qayb ka ah diyaar garowga loogu jiro qaadashadda kaadhka codbixinta  ee Sabtida soo socota ka bilaabmaysa Sanaag iyo Sool, ayaa carabka ku adkeeyay in looga baahan yahay shacabka goboladaasi in ay ka shaqeeyaan sidii la isaga kaashan lahaa ilaalinta nabadgeliyadda.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ka Wasiir arrimo guddo ahaan, waxaan ku dhawaaqayaa in mudadda ay kaadh qaadashadu socoto  iyo wixii ka danbeeyaba in aynu kuligeen ka wada shaqayno  sidii aynu nabadgeliyadda u wada ilaalin lahayn. Nabadgeliyadda cid carqaladaysa ma yeelayno, kana aqbali mayno.

Waxa jira  meello  badan oo marar badan ay carqalado inagaga iman  jireen,   gaar ahaan  xiliyadda aynu diiwaangelinta ku jirno ama doorashooyinka ku jirno,  arrimahaas cidii ku kacda u dul qaadan mayno, nabadgeliyadana waanu ilaalinaynaa,  xoog ayaanu saaraynaa, waanan ka foojignaanaynaa, waanan u diyaar garoobaynaa”.

Geesta kale wasiirka daakhiliga Somaliland waxa uu sheegay in masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ay dhawaan kulan yeesheen in ay isla af-garteen in aanay dhinacoodda uga iman waxyaabo carqaladaynaya mudadda ay kaadh qaadashadu socoto.

“Puntland waxaanu u sheegaynaa, oo  aanu hore-na uga wada hadalnay,  oo aanu wanaagsana isula  af-garanay  dhawaan mar aanu  is-aragnay, in ay arrintaa ilaaliyaan. In mudadda aynu kaadh qaadashadda ku jirno sidii hore u dhici jirtay  aanay dhicin in ay  na carqaladeeyaan”ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo jira kooxo falaago ah, oo aynu og nahay in ay meello degaamadeena ka mid ah joogaan,  gaar ahaana dhinaca bariga.

Kuwaa falaagadda ahna waan u digaynaa, kama  daba hadhi doono, mana nabadgelin doono, meel kastoo ay galaanba waan kaga daba tegaynaa. Waxaanan uga digaynaa in ay arrinta kaadh qaadashadda wax carqalad ah ku sameeyaan”.

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.