Tuesday, October 17th, 2017
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Qaybtii 2aad – Sheeko Taxane ah oo aad u xiiso badan Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

Published on September 15, 2017 by   ·   No Comments

Hordhac:

Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl,maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista kadegay ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba hadaad hore in badan umaqashay qays iyo layla,ceebla iyo cantar,cilmi iyo hodan kuwaa soo dhamaan tood ahaa qarniyo hore tolow miyaan dabadood lays jeclaan”

Qisada buugan cusub ee lamagac baxady (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka)  waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qisadan  waxay lamid tahay ama ay meelo badan uga eg tahay kuwa dhaca maalin walba balse aan da,yartu in badan u dhugyeelan

 

love7

Qaybta Labaaad   

Salma waxay  inta badan mashquul ku noqotay xanaanaynta iyo rog-rogida Hooyadeed. Sidoo kale Salma waxay ahayd gabadh mar walba u heelan ixtiraamka iyo raali gelinta Aabbaheed.  Salma ma ahayn qof asxaab badan, inta badana waxay ahayd qof gooni socod ah, balse taa macnaheedu maaha inay Salma ahayd qof dabeecad xumo iyo qalafsanaan shakhsi ah looga cararay ee waxay ahayd shakhsiyad Illaahay ku manaystay dabeecad wanaagsan oo aadminimo iyo dareen naxariistu debedda ka joogto.

 

Hase yeeshee marka hore Salma duruufta ayaa ka dhigtay gooni socod, mar labaadkana xishood iyo dhawrsanaan ay kaga durkayso macaamilka qaarkii iyo waxyaalaha ay dhalinyaro badani xadaarada u yaqaaniin ayaa gooni socod ka dhigay, laakiin taasi kama xaaraantinimaynayso asxaabteeda ay u aragto inaanay qalin daarrin habdhaqankeeda nololeed iyo sumcadeeda shakhsiga ah.

Inkasta oo ay hooyo Ruun tawsi dhul dhigtay, hadalkuna dirqi kaga soo baxayey, haddana waxa dareenkeeda ka soo neefayey kalgacaylkii waalidnimo iyo danayntii hooyanimo, sidaa darteed, markasta oo hadal ka soo baxo waxay isku deyeysay inay gabadh dhawrsoon oo is ilaalisa ay ahaato.

Subeer, wuxu ahaa wiil lagu indhokuusho oo ay qoyskoodu aad u daneeyaan, sidaa darteed marka laga yimaado danaynta waalidkii uu u hayo, Subeer wuxuu ahaa wiil ay laba hablood oo walaalihiis ahi keligii ku dhaataan, ka dibna ay ka shaqeeyaan dhar maydhkiisa iyo baahiyihiisa kale, wuxu ahaa wiil loo kool kooliyo si aan la arrag iyadoo badanaaba uu la wadaago xannaanaynta wiil madiya oo reerkoodu keligii leeyihiin sidoo kalena Subeer aabihii iyo hooyadii markii ay isku dhaleen saddexdaa ubada wax dambe isuma ay yeelan, carruurtooduna wakhtigan waxa ay noqdeen qaar aan uga baahnayn koriinsho oo mid waliba geestiisa ayuu masuul u yahay waxaanay dhameeyeen dugsiga sare, goortan waxay diyaar u yihiin haddii ay helaan in ay waxbarasho dibadeed galaan waxaana inta badan ku fekerta Hanna oo ah gabadha ku xigta Subeer oo iyadu ah dadka aad u jecel waxbarashada halka Subeer uu aabihii uga yahay gacan yare hawlihiisa ganacsiga, waxaanay inta badan waalidkii Subeer ku guubaanin jireen in uu guursado si raasku u noqdo mid balaadhan iyaguna u arkaan ilmo uu dhalay inankooda keliyi.

 

Haddaba maalin maalmaha kamida ayaa waxa kulmay Subeer iyo aabihii Dhamal, waxaana dhex martay sheekadan:

Dhamal: aabo Subeer, waxan u malaynayaa in aad gaadhay wakhtigii aad reerkan ku soo kordhin lahayd reer labaad waayo waad ogtahay waxaynu nahay raas iska dad yar mana rabo in ay tafiirteenu noqoto mid kooban, Illaahay baa hayee isla markaa aabo waxan ku tashaday in aad sida ugu dhakhsaha badan ugu geed fadhiisato gabadh gayaankaaga ah haddana waxa ila noqon wayday inaan kaliday talada goosto waxaanan doorbiday in aan kaala tashado, haddaba bal ka waran arrintan.

Subeer:  “Aabo waa talo wanaagsan aniguna waan aqbalay, balse  sidaad adiguba sheegtay wakhtiga aynu marano iyo waayaha maanta jira aad ayay u adag tahay in la isku keeno wiil iyo gabadh aan hore isu arag waxaanay inta badan keentaa arrintaasi in reerkaasi noqdo mid si dhib yar ku bur bura markaa aabbo haddii taladii xagiina ka soo dhammaatay aniguna aan u ahaa diyaar walow aanay wakhtigan jirin gabadh ii diyaar ahi haddana kuma rajo xumi in aan heli doono midii dookhayga noqon lahayd.

 

Dhamal waa oday aad u fur furan oo ka mida waalidada fara ku tiriska ah ee ubadkooda la saaxiibka ah run ahaantiina jecel in ay noqdaan kuwo dhigood iyo ku xigoonadooba dhaafa umanuu arag hadalka inankiisa mid deelqaaf ku ah ama ka hor imanaya balse wuxu u qaatay in uu yahay mid isagu marka horeba uu ka filayay maadaama aan wakhtigan da’yarta la isku keenin waxaanu ku yidhi: ‘aabo waan ogahay oo way fiican tahay, aadna way u qurux badan tahay in aad soo xulato midii nolosha kula qaybsan lahayd sababtoo ah waxaynu nahay dad talo wadaag leh ee ha moodin in arrinkaygu yahay mid bir lagu gooyay waxase  i dhibaysa in aad i sii agjoogto adiga oon oori lahayn, kuma necbi oo ifka adaan kuu jeclahay haddana hadu (Geerida) waa mid ina garab taagan goor ay imana Allaa og arrintanina waa mid aniga masuuliyadeedu si gaara ii saaran tahay ee aabo waxan kaa codsanayaa in aad sida ugu dhakhsaha badan iigu soo war celiso.

Intaa dabadeed Subeer aabihii waxay ku kala imanayaan ballan adag. Haddaba bal aynu eegno sida uu uga soo baxo Subeer ballantii uu la galay aabihii iyo waxa uu hayo, illeen waa inan ragge show beryahaaba waxa uu dusha ka eeganayay oo aanu marnaba daymadeeda dhaafin gabadh ay jaar yihiin oo soo marta halka uu ku yaalo dukaanka ay leeyihiin Subeeriyo.

Sidaa darteed waxa Subeer caado u noqotay inuu saacadaha ay ku soo beegan tahay jidka uu u diyaar garoobo, taas oo uu isa soo taagi jiray goob uu si fiican uga daalacan karo arageeda. Intaa waxa u dheeraatay taladii waalidkii ee ahayd in uu guursado waxaana xaalkiisu noqday meel aan rabay roob ma igu eryay, wakhtigana wiilka Subeer wuxu diyaar u yahay ama uu isku diyaariyaa sidii uu gabadhaasi ugu sheegan lahaa xaladiisa mustaqbal oo markaas isagu uu ka rabo in ay u noqoto oori.

 

Haddaba Subeer ma aha wiil aad ugu dhow dhow xaga dumarka waxaanu ka mid yahay dhalinyarada looga faro dhuudhuuban yahay la sheekaysiga hablaha, hadda ma aha wiil dabeecad xun ama dad la dhaqankiisu uu hooseeyo balse wuxu inta badan ku hawlan yahay hawlaha ganacsi ee reerkooda oo waabay yar tahay inta uu firaaqo yeeshaa. Laakiin hadeer la isku soo korodh, xaalku maaha sidii hore, wakhtiguna waa is beddelay waxaana gashay hawo guur oo weliba laga dhur sugayo in uu si dhakhso ah u soo xero geliyo gabadhii uu la dhisi lahaa guriga cusub iyadoo ay sidaa tahay haddana meesha kama maqna in uu waxoogaa baqdin ahi ku jirto Subeer waayo way ku adag tahay badiyaaba dhalinyarada Subeer oo kale ah in ay si dhib yar ugu dhiibaan ama ugu gudbiyaan doonitaankooda gabadha ay wakhtigaasi la wadaagayaan sheekada, haddana waxa hore loo yidhi ”dani waa seeto” oo wuu ku khasban yahay in uu u sheego si kastaba ha ugu sheegtee waxa ku soo kordhay muddadan dambe.

 

Subeer, marwalba wuxuu ku fekeri jiray ama naftiisa ku guubaabin jiray in uu u sheegto Salma jaceylkiisa. balse yaa siinaya wadnaha uu kula dhacayo!

 

Subeer, wuxuu gaaf wareego oo uu hadba geed iyo koone isa soo taagaba ku dhici waa iska daa jaceyl uu uga waramo’e, xataa wuxuu kari waayaye inuu yidhaahdo nabad ma sheegtay.

 

Runtii, marka aad aragto suuradda iyo san saanka dhaqan ee Salma ninkastaaba waa ka maagi lahaa la hadalkeeda, waayo waxay ahayd gabadh boqol lagala baxo, isla markaana goorta la arkaba gooni socod ah, afkeeduna xidhan yahay inta badan oo aan hadal badani ka soo baxin.

Sidaa darteed, nin waliba wuxuu is odhanayaa “waar malaha tani waa mid kibirtay oo uu inan raggba ka waashay oo loo geli waayey ee lafahaaga ha u dhiman”.

 

Ninkii Subeer feker iyo culays adduun baa ku sii batay, wuxuuna noqday nin talo ku cadaatay, waayo habeen walba siduu u gal galanayo ee isu leeyahay Salma waa inaad aroorta u sheegto arrintaada ayaa waagu ku baryaa, haddana markuu arageedu u muuqdo ayay xiniinyuhu rooraan oo uu waxba kula dhici waayaa. Sidoo kalena reerkooda waxa ka haysta culays badan, waayo waxa laga sugayaa talo ilayn waa tii uu yidhi iga war suga’e, dabadeed, ninkii Subeer oo ay talo adduun ku cadahay oo is leh talow maxaad yeeshaa, ayaa maalintii dambe goor galab ah, waxa dukaankii ugu soo gashay gabadhii Salma oo alaab doonaysa, xiligaasi waxa uu ahaa xili ay sanqadha iyo cagta dadku aad u yar tahay waayo roob baa da’ay welina sii tiixaya, isla markaana badhtamaha iyo hareeraha wadooyinka waxa maraya biyo daad ah oo roobkii da’ay ka kacay.

Ta kale Subeer dukaanka keligii buu joogay markaa sidaa darteed goortaasi waxay ahayd, waqtigii uu ugu firaaqo iyo fursad badnaa ee ay meel cidlo ah, isugu soo galaan isaga iyo Salma.

 

Subeer, isaga oo aad u dhoola cadaynaya, sina wadnuhu u ruxmayo, ayuu si macaan u yidhi: “Salma waa ku salaamay bal iska waran”.

Salma intay si kooban u tidhi: “waa lagaa qaaday”, ayey waydiisay wixii ay dukaanka uga baahnayd, hase yeeshee Subeer mar hore ayuu hawada ka baxay waxayna maskaxdiisa ku maqan tahay sidii uu Salma ula hadli lahaa, dabadeedna markuu alaabtii ay dukaanka uga baahnayd miiska u soo saaray ayuu isaga oo naxsan oo wadnuhu gariirayo ku tiraabay “walaal, waan kuu baahnaa ee iga raali ahaw, iina ogolaw inaad waxyar I dhegaysato”.

Salma waqtigaa diyaar uma ahayn sheeko iyo hadal midna, waqtiguna wuu ku yaraa oo way deg-degsanayd, balse waxay ahayd gabadh degan, dareenkeeduna naxariis la tiicayo, sidaa awgeed, inkasta oo ay soo qadintay inaanay waqti haysan, haddana kama diidin hadalka Subeer ee uu sida edebta leh u yidhi, waxayna tidhi “Walaal maxaad iiga baahan tahay”. Subeer, inta ay neefi ka soo booday ayuu si boobsiis ah u yidhi: “walaal, ma rabo inaan hadda halkan kuugu sheego wax kasta oo aan u baahanahay laakiin waxaan kaaga baahanahay inaad I siiso waqti kale oo aan si wanaagsan kuugu sharaxo wax kasta oo jira ama i xaganaya”.

Salma inta uu Subeer hadlayo waxay eegaysaa dareenkiisa iyo naxwaha ay xanbaarsan yihiin weedhaha ka soo burqanayaa ka dibna markuu hadalkii ka baxay ayey gabadhii Salma si kooban u tidhi: “beri mooyee saadambe marka aan iskuulka ka imaado ayaan ku soo marayaa”, intaa ka dibna way ka baxday dukaankii, iyadoo aanay hadal dambe isdhaafsan.

Subeer, galabtaa waxa dareenkiisa biyo dhigay farxad iyo rayn rayn, wuxuuna naftiisa u sheegay inuu guul weyn gaadhay, taas  oo uu isku qanciyey inuu yahay nin soo taabtay himiladii uu hiigsanayey ee ahayd helista iyo hanashada Salma, laakiin sheekadu ma aha sida uu Subeer, naftiisa u sheegay waayo waxa meesha ka dhacay waxay ahaayeen labo weedhood oo si kooban la isu dhaafsaday natiijaduna waxay ahayd ballan oo keliya balse kuma koobnayn fekerka Subeer oo keliya ee wuxu ahaa mid dhinaca kale ku mudan Salma lafteeda waayo waxa ay qaaday ballan taasoo ay u sheegtay in ay u iman doonto maalin kadib wiil aanay hore isku arag wallow ay dhalinyarada dhaqan u tahay ballanta iyo isku imaatinka haddana Salma waxay u ahayd wakhtigii u horeeyay ee ay la ballanto wiil dhigeeda ah, taasi iyo iyada  oo og ballantu waxay tahay ayaa aad uga wareeriyay maskaxdeeda run ahaantiina gurigooda oo ay markaa ku sugnayd Hooyadeed waxa aad moodaysay Salma in ay ku soo kordheen wax aad u wayn.

Waxay laba boglayso oo ay hadba dhinac isku rogto habeenimadii waxa ay baadho oo ay ka fekerto waxa ay kula ballantay wiilkan waxay qaadatay go’aan ah in ay kollay tahay gabadh filaysana in waxyaalo farabadani ay kaga yimaadaan dhinaca wiilka balse waxaanay meesha soo dhigan Salmi waxa ay ahayd waxa uu dareemayo Subeer oo ah jaceyl waxayse ka fekertay oo in badan ay rog-rogtay iyada oo aan dhinacyo badan ka eegin, in aan xaalka Subeer dhaafsiisnayn barasho guud maadaama ay ahaayeen dad in badan jiiraana balse aan dul ahaan mooye si kale isu aqoon.

Waxa xaalku sidaa ahaado oo mid waliba dhinaciisa u qaato wixii maskaxdiisa ku jiray ayaa waxa la gaadhay maalintii ballanta iyo goobtii la isugu imanayay waxa isagu goorahanba taagnaa oo dhinacyada jeedaalinayay Subeer oo ka soo horreeyay muddo soddon daqiiqo ah, waxa in yar dabadeed sheeda uga muuqday muuqaal qurux badan oo run ahaantii ka dhex mudhay intii dumar markaasi ku sugnayd waddada ay ka soo baxday waa Salma oo kollay lama muuq aha lamana midab aha inta dumar agteeda ah, Subeerna si weyn buu u yaqaanaa socodkeeda maadaama oo uu in badan dusha kaga gaaf wareegayay isaga oo aan u sheeganin dhibaatadiisa. Waxba kuma seegana muuqaalka guud iyo haybada gaar ee Illaahay ku manaysay gabadhan da’da yar.

Waxay soo laafyootaba in cabaara dabadeed waxay ag timid oo ay dhinaca kale ka soo istaagtay geedkii ay ku ballan sanaayeen iyada iyo subeer ka dibna bariido qurux badan inta ay is dhaafsadeen ayey goobtii ay isku salaameen uga wada dhaqaaqeen jihada bari oo ah halkii ay markii hore u socotay Salma, sidii aynu horeba u soo sheegnay Subeer waa wiil aftahan ah, balse cabaar dhan ayaan wax hadal ahi ka soo bixin, waayo dareenkiisa ayaa tashi ku maqnaa, isaga oo is waydiinayey, halkii uu arrintaa ka geli lahaa iyo wixii uu Salma ku odhan lahaa balse wuxuu ciftaba markii dambe ayuu si dareen leh oo ay gacaltooyo badani ka muuqato u yidhi: “walaal arrinkaan kuu doonayey anigoo kuu sheegi doona horta aan si fiican isugu kaa sheego ilayn dukaanka ayuun baad igu aragtaye, aqoon kaleba waxaa laga yaabaa inaadan ii lahayne”.

Salma oo in badan ka dhur sugaysay waxa ka soo yeedhi doona afka wiilka ay maanta iskugu horrayso ayaa ugu hal celisay:  “waayahay walaal”, intaa ka dibna Subeer wuxuu faallo kooban ka bixiyey sooyaalkiisii taariikheed iyo qoyska uu ka soo jeedo. Subeer, markii uu dhameeyey iska warrankiisii ayuu hadalkiisa ku daray, “walaal adigana waan ku aqaan inaad ina Xaaji Abtidoon tahay, islaanta hooyadaana waan ogahay inay xanuunsanayso oo ay muddaba dhulyaal ahayd”. illeen waa nin in badan soo haybshay oo ka hor iyo daba wareegay halka ay ka soo jeedo gabadha uu hankiisa guudka ugala baxay Isagoo hadalkiisii sii wata, wuxu yidhi “Salmaay, maanta waxaan doonayaa inaan kuu sheego arrin aan ugub ahayn oo weligeedba lays odhan jiray, aniga oo rajaynaya inaad iga ajiibi doonto ama iga aqbali doonto”.

Subeer markii uu hadalka halkaa marrinayey ayuu waxoogaa yara aamusay sidii wax hadalku ka soo bixi waayey sidii ruux tash qabsaday oo kale, balse markii dambe ayuu si dareen leh u yidhi “walaal haddii aan hadalka soo koobo, horta hoo warqadan, waxaanan kuu sheegayaa inaan ku jecelahay, isla markaana waxaan kaa doonayaa inaad wax ila qabato.”

Warqadani waxay ahayd mid uu muddadii ay kala maqnaayeen isaga iyo Salmi uu qoray waxaanu ku qoray wixii uurkiisa ku jiray waayo waxa inta badan dhacda in aan wiilka dhalinyarada ah ama gabadha dhalinyarta ahiba ayna ku dhiiran in ay si toos ah ama foolka fool ah ugu sheegaan qofka marka arrimahan oo kale ay dhacaan inkastoo aanu Subeer waxba ka qarrin oo kelmadii dulucda hadalka ahayd uu horteeda ka sheegay haddana faah faahinta iyo xog waranka xaaladiisa wuxu ku gudbiyay qoraalka quruxda badan ee uu siiyay Salma, waxay ku jirtaa warqadu gal aad u qurux badan oo badiyaa aan wakhtigaa oolin halka ay degan yihiin.

Salma way ka qabatay warqadii, waxayna iyadoo warqadii gacanta ku haysa waydiisay Subeer, waxa warqadda ku qoran, ka dibna wuxuu u sheegay inay ka hadlayso ujeedada uu u soo bandhigay oo faahfaahsan.

Intaa dabadeed Salma ayaa waxay tidhi: “warqadda waan soo akhriyayaa, ka dibna berito hadaa ayaan jawaabta kuu soo celinayaa, waanan ka soo fekeri doonaa bal sida aan ka yeelayo arrinta aad ii soo bandhigtay”.

Subeer hoosta ayuu uga riyaaqay weedhaha Salma, wuxuuna si farxadi ka muuqato ku yidhi:, “waayahay wallaal” isagoo ku ladhay “waad mahad san tahay”.

 

Ma jirto meel fadhiisi iyo dood dheer midna, hadalkana taagni ayaa la isku dhaafsaday, waayo duruufta ayaan u saamaxayn, Salmana waxay ka wer-wersan tahay islaantii hooyadeed oo aanay waqti badan ka maqnaan karayn ka dibna deg deg ayaa loo kala dhaqaaqay markii intaa la si dhaafday.

Salma markii ay Subeer ka dhaqaaqday gurigii bay si dhakhso  ah ugu noqotay oo meelo kale kuma leex leexan, ka dibna islaantii hooyadeed ayey cabaar ku foorarsatay, oo ay u qabatay waxoogaa hawlo ah, intaa dabadeed ileen waxa ay sidataa warqad aanay ogayn waxa ku qoran oo ay rabto in ay ogaato iyada oo aan marnaba ilawsanayn daryeelka waalidnimo iyo xannaanaynta aadka ah ee ay u waday hooyadeed way u dhammaystirtay wixii hawl ah ee ay u qaban jirtay wakhtigan oo kale hooyo Ruun.

 

Markii ay ka soo jeedsatay hooyadeed ayay intay meel gooniya yara fadhiisatay warqadii furtay, una faadhumaysatay akhriskeeda.

 

Tolow maxaa kaaga soo bixi doona, maxayse ku bilaabmayaan sadarada qoraalka warqadda u horeeyaa?

Balse inaga oo aan warqadda akhriyin hadii aynu is nidhaahno sii sheega ereyada uu qoraaka warqaddu ku bilaabmayo, taasi waxay ila tahay waa arrin dadka badidiisu aanu sii malayn karayn, mooyi qolyaha jaceylku soo maray ama hayaa inay inaga yaqaanaan weedhaha lagu aftaxo qoraalka waraaq dareen jaceyl xanbaarsan oo la isu dirayo!, basle intaynu doodda su’aasha u yara kaadsano bal aynu eegno weedhaha uu Subeer ku bilaabay warqaddii uu Salma gacanta ka saaray, wuxuuna ku bilaabay qoraalka warqaddaa sidan:

La Soco Qaybta Sedexaad

Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

 


Hordhac: 

Sheekadani waxay si maalinle ah ugu soo bixi jirtay boggan SDWO 2006dii  iyadoo mar labaad dib aan u daabacnay 2013kii.  Waxaana akhriyey dad kor u dhaafay 300 kun.  Waxa sheekadan Qoray Cabdiraxman Maxamed Guun.

Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl,maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista kadegay ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba hadaad hore in badan u maqashay qays iyo layla, ceebla iyo cantar, cilmi iyo hodan kuwaas oo dhamaan tood ahaa qarniyo hore tolow miyaan dabadood lays jeclaan”?

Qisada buugan cusub ee lamagac baxady (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka)  waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qisadan  waxay lamid tahay ama ay meelo badan uga eg tahay kuwa dhaca maalin walba balse aan da,yartu in badan u dhugyeelan.

 

Waxaa iswaydiinleh marka hore waa maxay  sababta  marar badan keenta in qof lahayste u ahaado midkale oon abtirsiimo kadhaxayn ,kana awood waynayn  imisaad aragteen wiil ama gabadh waqtigu kahiiliyey oo hoos jooga mid uu nasiibku la jiro iyadooy sidaa tahay wa meerto duniduyoo waxaa layidhi (aduunyooy waalaley aduunyooy waayo badan maxaad waagii baryaba wacdaro gaara leedahood  uwanaagsan tay wiil midkalena waabay suniyo uwalaaqausaa dhunkaal) .

Hadaba jaceylka ayaa sidiisaba lagu tilmaamaa ilma aragtay u gudba unugyada dhiiga iyo xubnaha kale ee jidhka wuxuu u fidaa sida ay u fidaan laamaha geedaha cagaaran marka ay helaan biyo iyo qorax ku filan. Wuxu ka abqaalmaa ilmada ka timaada mataanka marka hore uu haleelo hadiiba aanu labadoodaba asiibin, geedkan jaceyl ayaa noqda mid qaaadha oo laamihiisa dib ula noqda haddii ay lamaanuhu isu hayn waayaan niyad saafiya ama ay wada hanan kari waayaan halganka adag ee nolosha.

 

Cida keliya ee ka badbaada khasaaraha iyo dhibaatada murugada badan waa kuwa garta qiimaha jaceylka iyo sida loo xanaaneeyo, waxa lamaanahaas lagu tilmaamaa in ay ka gudbeen ama utalaabeen geesta kale nolasha,kuwaas oo ah kuwa kaliya ee bulshada dhexdeeda ugu karaamada badan hadaba qiimayn iyo darasad lugu sameeyey tirada ku guulaysata ama ka adkata waayaha adag ee soo waajaha ayaa noqotay mid aad uga yar tirada lamaanaha aan usoo gudbin wareega labaad ee nolashooda kuwaas oo loogu yeedho ama noqda qaar aad dushooda ka garato sida ba an ee ay uga siibteen salaanka nolasha  sidaas oo ay tahay qoladan lafti goodu waxay uqaybsamaan laba oo kala ah shaqsigii keenay kala hadhka iyodhalan dhoolka ay hadeer kusugan yihiin iyo mid lagaba yaabo inuu helo waxa inta badan bulshadu utaqaano nabsibaxa oo isagu inyar kamuuqaal roon ka jabiyay wacadkii dhex yiil Oo inta badan isagu isku maaweeliya heesaha jacaylka ah ee kahadla nabsiga sida(gacaladaydaay hadaad igoso gami mayo wiilkale hadaad garabkasaartee balgudoon geeridayda gabadhyahay)

hadaba sida uu qabo caalim sare oo ka faalooda jaceylka wuxuna yidhi:

“Mar waxa uu jaceylku ku bilaabmaa aragtida mar qudha sidii uu abwaankuba ulahaa (balan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee waa ishaa biligtaada wax bogaaga ku beerma)

Marna wuxuuba ka dhex dhashaa laba qof oo is ag joogay muddo aad u dheer oo xataa laga yaabo in mid waliba ka kale ogaa arrimihiisa ama  ahel ahaa  oon loo filayn inuu kadhex dhasho jacaylku Tusaale (hibooy inaabti  haduu hilibkaygu kuguyaal ama uu habeen qudha kaa galay hunguri haka aamusine nafta baas lahadaloo haasaawi galab qudha“,

 

Caalimku isagoo hadalkiisa sii wada wuxu yidhi jaceylku wuxu u baahan yahay mariin ama arad bax. In badan baa markaa isweydiisay, oo jaceyl arad baxa sidee buu odhanayaa miyuu xidhanayaa oo waa qof, balse tolow ma arki kartaan jaceyl arad baxay?

Su’aashan isagoo sii faahfaahniya ayaa wuxu yidhi: “ha moodin arad baxa jacaylku inuu yahay dhar la xidho  ee waxaa jira dadka is jecel ee waliba muddo meel wada deganaa waxay mar mar u baahdaan inay isu soo xiisoodaan tiiyoo aanu xiisahaasi ahayn mid marka hore cadho lagu kala tagayo balse uu yahay sida xagaagii oo kale oo loo dalxiis tago meel aan ahayn halkaad degenayd soo noqodkiina waxaad la soo guryo noqonaysaa buu yidhi idinkoo sita jaceylkiinii hore mid ka cusub oo aad moodo in uu hada bilow yahay haddaba marka aynu intaa ku dhaafno sida iyo qaabka  ay jacayladu u kala baxaan waxaa iyana meesha ku jirta oo u baahan in layara dul istaagno oo aynu inyar iftiimino  faa iidada jacaylka amase qiimaha ugu roon ee laga helayo shaygan isaga ah uma baahna bay ila tahay inaad mudo ka sii fakarto jawaabta su,aashan oo ah midhaha jacaylku waa (UBAD) waxa kale oon daah inaga saarnaynayn in in badan oo dhalinyaro ahi ogtahay maanta sida uu yahay waxa uu yahay iyo waliba qaabka  ama habka looga bogsoodo  marka hore, marka xiga iyo ugu dambayntaba taasoo sida laysku raacay dawadiisu tahayLamaanaha oo is helaWaxaad moodaa inynu kudheeraanay sharaxa iyo macnaha balaadhan ee uu xambaarsan yahay jacalku.

Hadaba bal aynu u soo noqono qisadeenii ahayd(xishoodka hablaha iyo xanuunka jacaylka)  qisadan sida uu magaceedu muujinayo waa dareen ka dhashay laba qof oo is jecel midkood kii kalena la qaatay balse waayuhu kala fogeeyey, waqtigu kala kaxeeyey, iswaayey in badan walbahaar jaceyl iyo werwer ku noolaa. Waa qiso ka turjumaysa sida waalidku aanu mar marka qaar ama inta badan aanu u tixgelin jaceylka iyo rabitaanka ubadkiisa gaar ahaan  gabdha oon lawaydiin waxa ay rabaan cida ay calmadeen balse qoorta looga galiyo nimaanay waligood is arag isku da ahayn is dooran.

Waa qiso in badan ka hadlaysa sida ugu haboon ee aad ku gaadhi karto guul marka aad rabto in aad jaceylkaagu noqdo mid waara oon wiiqmin.

 

Waa qiso xambaarsan inta aad ka tabayso jaceyl iyo waxa uu ka kooban yahay waxaad kala kulmi doontaa runtii meelo badan oo aan hubo in aad is odhan doonto malaha waa adiga qofkani.

Waa qiso muddo dheer laga shaqaynayey waxayna ka mid tahay Buugaagta faro ku tiriska ah ee lagu daabacay dalkeena, inkastoo jaceylku uu yahay waxa sababay in la qoro buugan haddana waxaad odhan kartaa ama u qaadan kartaa sidii cashar oo kale, waayo naftaa u baahan in wax badan ay  ka ogaato macnaha erayga jaceyl. Anigoon rabin in aan wax badan  idiin hordhaco haddana qisadani waxay kaga duwan tahay kuwa kale oo badan iyadoo ah mid la jaan qaadaysa waqtiga aynu joogno iyo da yarta hadeer.

Waxay kubilaabmatay qisadan lamagac baxday Xanuunka jacaylka iyo xishoodka hablahu  Sidan:

Qaybta Koowaad

Subeer waa wiil madi ah oo reerkooda ugu weyn, waxayna wallaalo yihiin laba gabdhood oo hoos uga yar.

Subeer waxa uu had iyo goor dhegaystaa heesaha ka sheekeeya arrimaha caashaqa, wuxuuse si gaara u xiisayn jiray heeso ay ka mid yihiin “Baalgoray” oo ka mid ahayd heesaha jaceylka ah ee uu qaadi jiray Alla ha u naxariistee Fannaankii caanka ahaa Axmed Mooge Liibaan.

Subeer waa wiil gaaban, midabkiisuna waa madow dhallaal  widh-widhaya, waana nin aftahan ah oo ka mid ah dadka balaaqada hadalka hodanka ku ah, wuxuuna ka shaqayn jiray meherad weyn oo ganacsi ah, meheradaas oo uu Aabbihii leeyahay waxa uu aha xiisaabiye.

Subeer ma ahayn dhalinyarada ay balwada jaadku labo diblaysay, sidaa darteed maalmaha aanay shaqo u oolin waxa uu raacaa dhalinyaradda asxaabtiisa ah.

Subeer da’diisu waa dhawr iyo labaatan jir, wuxuuna noqday bulshada uu la nool yahay, gaar ahaan da’diisu nin si weyn ula falgalay.

Subeer, wuxu muddo keli nool ahaadaba, maalintii dambe ayuu isha ku dhuftay gabadh ku nool guri ka mid ah guryaha udhow meherada uu ka shaqeeyo.

Gabadhaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Salma, waxayna wax ka barataa Xarun laga barto maamulka iyo maarayanta.

Salma waa gabadh dhinaca quruxda aad loo majeertay oo uu midabkeedu yahay casaan dahabiya.

Salma ninka ama qofka quruxdeeda dheehda wuxu xusuusanayaa gabadhu uu ninka Abwaanka ahi ku sifeeyey heesta la magac baxday (Indho-deeralay) oo ay midhaheeda ka mid ahaayeen.

 

Dumar ugu filrooneey,

dayax shan iyo tobanaay,

dahab lagu masaalaay,

da’da tii toddoba iyo toban

gu’ga loogu darayeey,

indho deeralayeey.

 

Salma waxay ahayd gabadh midabkeeda casaanka ahi sida tiriigga u widh-widhayo, dhinaca ooga haddii aad kor u milicsato waxay ahayd gabadh dheer oo aad qotonkeeda moodo laan hareeri ah oo qumaati u baxday.

Waxay ahayd gabadh dhismaha jidhkeedu kala baxsan yahay oo ay xubin kasta oo jidhkeeda ka mid ahi ay sideeda kuu cajabinayso, haddii ay tahay dhexda dhuuban ee taako qabatayga ah, haddii ay tahay gacmaha jalaqsan ee xaadda leh, haddii ay tahay adimada qotoma ee kubku buuxo, haddii ay sanqoorka dheer ee cawaandiga ah tahay, haddii ay tahay suniyaha isku jooga, haddii ay tahay indhaha balacsan oo aad cad caddaankooda ku indho daraandarayso timaha jileec iyo madow dhaafay oo labada garab ka kala dhacayaba, waxa ay ahayd mid xubnaha jidhkeeda qurux lagu manaystay.

Salma Aabbaheed, waxa la odhan jiray Abtidoon, hooyadeedna waxa la odhan jiray Ruun, isla markaana Abtidoon wax ubad ah, wuxuu leeyahay Salma oo keliya.Hooyo Ruun markii ay Salma dhashay waxay ahayd 17 jir.

Hase yeeshee hooyo Ruun, waxa jeer dambe heshay taws xun, ka dib markii uu dhinaca bidix kaga dhuftay xannuunka faaliga loo yaqaan, waxayna noqotay bukaan jiif guriga lagu daweeyo.

Hooyo Ruun Saacad–Saacad goob dawo ama dakhtar la gaynayo mooyee, inta badan waxay jiiftaa aqalka oo waa dhul yaal.

Sidoo kale Salma Aabbaheed Xaaji Abtidoon, waxa aad u culaysiyey Xannuunka Islaantiisa oo ahayd Marwo uu jecel yahay.

Sidaa awgeed Xaaji Abtidoon, waxa mashquuliyey la tacaalida xaaladda Caafimaad ee ooridiisa Ruun iyo korinta gabadhiisa  curad ee Salma, taas oo keentay inuu Xaaji Abtidoon marna ka shaqeeyo daawaynta iyo dul-jooga marwadiisa, marna ka shaqeeyo nolosha qoyskiisa.

Salma waxay ahayd gabadh aan mar qudha lagu qaban ama lagu arag meelo joog joog iyo dibed wareeg, waayo marka hore waxay ahayd gabadh akhlaaq wanaag iyo dhawr-sanaan shakhsi ah Eebbe ku manaystay, mar labaadkana waxa isu barkaday hawsheeda waxbarasho iyo dhibaatada gurigooda dhextaal.

Salma ma ahayn gabadh dhalanteed ku nool sida gabdho badan caado u ah ee waxay ahayd gabadh is fiican u dareensan dhibta iyo rafaadka qoyskooda  haysta.  Sidaa darteed marka laga yimaado hawsha guriga ee mar walba badyaal u ah.

La Soco Qaybta Labaad

Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Email: Webmaster@SDWO.COM

 

 
,, ,,,.